Guddoomiye Faysal Cali Warabe Oo Soo Dhaweeyay Go'aankii Ay Xukuumaddu Ku Mamnuucday Xafiiska Siyaasada Ee UNSOM

0
Saturday June 15, 2013 - 10:11:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1046
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Faysal Cali Warabe Oo Soo Dhaweeyay Go'aankii Ay Xukuumaddu Ku Mamnuucday Xafiiska Siyaasada Ee UNSOM

    Hargeysa(xogreebnews.com--Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa xaaraan ku tilmaamay qorshihii ay Qarrammadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com--Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa xaaraan ku tilmaamay qorshihii ay Qarrammadda Guddoomiye Faysal Cali Warabe Oo Soo Dhaweeyay Go'aankii Ay Xukuumaddu Ku Mamnuucday Xafiiska Siyaasada Ee UNSOM
Hargeysa(xogreebnews.com--Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa xaaraan ku tilmaamay qorshihii ay Qarrammadda Midoobay ku doonayeen inay xafiiska u qaabilsan siyaasada ee UNSOM kaga furtaan Somaliland, waxaanu madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku hambalyeyay go’aanka uu ku diiday in xafiiskaasi laga furo Somaliland,kaasi oo uu sheegay in uu ahaa go’aan geesinimo leh.

Eng. Faysal Cali Waraabe, oo warbaahinta xalay u waramay, isaga oo ku sugan magaaladan Hargeysa, waxa kale oo uu sheegay in xafiiskaasi la doonayay in Somaliland laga furo uu la mid yahay shirkii 7-dii bishii May ee sanadkan lagu qabtay magaalada Lodon ee ay Somaliland diiday ka qeyb galkiisa.
“Waan ku hambalyaynayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) go’aanka uu gaadhay ee geesinimada ah, xafiiskaasina waa xaaraan, wuxuu la mid yahay shirkii la inagu khiyaamaynayay ee Todobadii bishii May lagu qabtay London ee kaalaya la ina lahaa, waanan ku taageeraynaa madaxwaynaha Somaliland arrintaasi, waana go’aan sax ah, xaqna ma aha in Somalland laga furo oo uu ka shaqeeyo xafiiskaasi,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID waxa kale oo uu sheegay in wakiilka qarrammadda midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Nicholas Kay in shaqadiisa ugu muhiimsani ay tahay sidii Soomaaliya nabad looga dhalin lahaa iyo arrimaha dib u heshiisiinta balse qorshaha uu doonayay in uu xafiis kaga furto Somaliland aanay ahayn wax ina khuseeya.“Ninkani wakiilka UNSOM waxa uu wataa waajibaadka shaqada loo soo diray ee Soomaaliya loo soo siiyay, waxaana la yidhi ka soo shaqee dib u heshiisiinta, sidii kala danbayn iyo sharciga Soomaaliya loo soo celin lahaa, mucaawimadana looga taageeri lahaa, wax inaga ina khuseeya ma aha ee waa arrin Soomaaliya u taala,”ayuu sheegay Guddoomiyuhu.
Eng. Faysal Cali Waraabe isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Marka hore waa in aynu ogaanaa magacan la yidhaahdo Soomaaliya in uu dawlada Soomaaliya u gaar yahay, waxaa la ina odhan jiray markii hore Somaliland iyo Soomaaliya laakiin markii aynu isku darsanay waxaynu isku noqonay Jamhuuriyada Soomaaliya, markaa inagu magaceenii waxaynu la soo noqonay 18-kii May 1991. Markaa qaramda midoobay ha ogaadaan in ay Somaliland dal ka gaar ah tahay Soomaaliya, Sharciyada ay golaha amaanku soo saareen waxay sheegayaan in la ilaaliyo xuduudaha iyo maamul goboleedyada sida Puntland, Jubaland iyo Maamulada Soomaaliya ee inaga inamo-khusayso”.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured