WAR DEGDEG AH- Alle Ha U Naxariiste Xildhibaan Axmed-Weyne Oo Caawa Xanuun Wadnaha Kaga Soo Booday U Geeriyooday.

0
Saturday June 15, 2013 - 09:43:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR DEGDEG AH- Alle Ha U Naxariiste Xildhibaan Axmed-Weyne Oo Caawa Xanuun Wadnaha Kaga Soo Booday U Geeriyooday.

    Hargeysa(xogreebnews.com-Alle ha u naxariiste marxuum Xildhibaan Axmed Ibraahin Daahir (Axmed-Wayne), ayaa caawa ku geeriyooday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Alle ha u naxariiste marxuum Xildhibaan Axmed Ibraahin Daahir (Axmed-Wayne), ayaa caawa ku geeriyooday Hargesa(xogreebnews.com-Alle ha u naxariiste marxuum Xildhibaan Axmed Ibraahin Daahir (Axmed-Wayne), ayaa caawa ku geeriyooday Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa, ka dib markii halkaa loo geeyey Xanuun deg-deg ahi Wadnaha kaga soo booday isla caawa.

Sidaa waxa Shabakada Wararka ee xogreebnews.com-u xaqiijiyey dad-goob jog ah xildhibaanka ayaa u geeriyooday xanuun isla caawa Wadnaha kaga soo booday.

Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed-wayne ayaa ka mid ahaa Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doortay Gobolka Maroodi-jeex , isla markaana ka mid ahaa mudanayaashii Xisbiga KULMIYE ugu soo baxay doorashadii Golaha Wakiillada ee dalka ka qabsoontay 29 October 2005.


Xidhibaan Axmed-Weyne ayaa waxa uu ahaa Xildhibaankii ugu codka sarreeyay xildhibaannadii uga soo baxay Xisbiga KULMIYE gobolka Maroodi-jeex.
Xildhibaan Axmed-Weyne

Dhamaan Bahda Shabakada Wararka ee xogreebnews.com-ee ku kala filiqsan dunidda dacaladooda ayaa waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, Ehelada, Qaraabada, Axaabta, Golaha Wakiillada ee uu ka tirsanaa iyo shacabka Somaliland ee uu ka geeriyooday Marxuum Axmed Ibraahin Daahir (Axmed-Wayne) oo caawa ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.

Waxaanu marxuumka ILAAHAY uga beryaynaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, samir iyo Iimaana qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Golaha Wakiillada iyo Shacabka Somaliland-ba.Innaali-laahu Wa Innaa-ilayhi Raajucuun.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured