MARKII SIILAANYO UU MUCAARIDKA AHAA MAALIN LABA HABLOOD OO BERIGA BURCO KA SOO JEEDA LAGA ERYAY WASAARADDA WARFAAFINTA WIXII QAYLO KA DHACDAY WAA LA OGA, MAANTA WAA AYAAN DARRO IN LIX HAWL-WADEEN OO TELEFISHANKA QARRANKA KA SHAQAYNAAYEY LOO ERYO AWDAL AYAAD KA SOO JEEDAN OO NIN SHALLAY DALKABA YIMID” GUDDOOMIYE KU XIGEENKA

0
Saturday June 15, 2013 - 09:36:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MARKII SIILAANYO UU MUCAARIDKA AHAA MAALIN LABA HABLOOD OO BERIGA BURCO KA SOO JEEDA LAGA ERYAY WASAARADDA WARFAAFINTA WIXII QAYLO KA DHACDAY WAA LA OGA, MAANTA WAA AYAAN DARRO IN LIX HAWL-WADEEN OO TELEFISHANKA QARRANKA KA SHAQAYNAAYEY LOO ERYO AWDAL AYAAD KA SOO JEEDAN OO NIN SHALLAY DALKABA YIMID” GUDDOOMIYE KU XIGEENKA

    1-AAD EE XISBIGA WADANI AXMED MUUMIN SEED

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-AAD EE XISBIGA WADANI AXMED MUUMIN SEED Hargeysa (xogreebnews.com-Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga WADANI Mudane Axmed Muumin Seed oo maanta la hadlaayey telefishanka HCTV ayaa wax laga xumaado oo damiirka fiicani ka xishoodo ku tilmaamay lix hawl-wadeen oo ka shaqaynaayey telefishanka afka xukuumadda ku hadla ee SLNTV oo looga eryay shaqadii ay ka hayeen inay ka soo jeedaan gobolka Awdal, isagoo mudane Seed ku tilmaamay in si toos ah loo cunsuriyadeeyey loona eryay inay keliya ka soo jeedaan gobolkaasi Awdal.axmed muumin seed


Mudane Axmed Muumiin Seed oo arrinta ka hadlaya wuxuu yidhi “waxaa xusuus mudan shallay Siilaanyo madaxweynahu markii uu mucaaridka ahaa laba hablood oo laga eryay wasaaradda warfaafinta oo ka soo jeeday deegaankiisa beriga Burco waa la oga wixii Siilaanyo maalinta qaylo iyo hadal ka dhacay ee uu xamili waayey, maantana in 3 hawl-wadeen oo ka tirsana telefishanka qaybtiisa dibadda la hadasha iyo seddex ka tirsana qaybta gudaha oo ka soo jeeda gobolka Awdal looga eryo shaqadooda inay keliya ka soo jeedaan gobolkaasi oo ah arrin cusnurinimo, iyo eex weyn ah oo boog iyo nabar aan weligii duugoobin ku noqonaya siilaanyo iyo xukuumadiisa” ayuu yidhi Mudane Seed guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADANI.

Mudane Axmed Muumin Seed isagoo ka hadlaya dhacdadii ugu danbaysay ee dorraad shaqadii uu ka hayey telefishanka qarranka lagaga eryay suxufi ruug cadaa ah Abiib Iimaan Xasan wuxuu yidhi “Abiib wuxuu ahaa ragii bilaabay idaacadda Radio Hargeysa dalka oo aan xornimadiisa laba soo noqon, nin intaa soo shaqaynaayey, oo xaq iyo sharaf ku lahaa qarranka in loo eryo Awdal ayaad ka soo jeeda waa cibaaro inagu cusub, waana mid Axmed Siilaanyo taariikhdu u gunti doonto, in nin shallay dalkaba yimid uu yidhaahdo xilbaan ka qaaday waa wax lala yaabo” ayuu yidhi Mudane Axmed Muumin Seed.

Hadalka guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADANI Mudane Axmed Muumin Seed ayaa ku soo beegmaya iyadoo cunsuriyaddii, qabiilaysigii, eexdii, iyo faquuqii abid ugu darra ee lagu kala sooco shaqaalaha wasaaradda warfaafinta gaar ahaana telefishanka qarranka uu ku kaco nin qurbe joog ahaa oo berri dhawayd loo magacaabay maamulka Telefishanka qarranka oo la yidhaahdo Khadar Cali Gaas, kaasi oo markiisii hore magaalada London ka ahaa tagsiile habeenkii xoogsada.

Ugu yaraan lix shaqaale ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa uu dhammaantoodba shaqada ka eryay isagoo u adeegsaday inay keliya gobolka Awdal u dhasheen waana kuwani dhammaanba shaqaalaha iyo weriyayaasha ka hawl gallaayey telefishanka qarranka ee dhammaantood looga eryay telefishanku inay ka soo jeedaan gobolka Awdal:

1. Xasan Maxamed Axmed Agaasimahii Maamulka iyo lacagta ee telefishanka qarranka

2. Khaalid Axmed Cali Oo Ahaa xidhiidhiyahii telefishanka qarranka

3. Mustafe Cabdi Quulle oo ahaa farsamo-yaqaan ka tirsana qaybta mashiinka ee telefishanka qarranka

4. Mustafe Maxamed Cabdilaahi (Mustafe Case) oo ahaa hawl-wadeen qaybta farsamada ee telefishanka qarranka ka tirsana

5. Liibaan Sheekh Cali Jawhar Oo ahaa kamarad haye (Camera Man) Telefishanka ka tirsan

6. Abiib Iimaan Xasan oo ugu danbeeyey oo ka mid ahaa haldoorkii telefishanka qarranka ahaana suxufi ruug cadaa ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured