Jaaliyadda Somaliland ee Birmingham oo Hadhimo-sharafeed ku Maamusay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Iyo Warbixin Xogo badan Xambaarsan oo u Qalbiyadooda kaga Siffeeyey Tashuushkii lagu Furay Mashaaricda Horumarineed ee Dekeda.

0
Sunday March 03, 2019 - 04:28:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1032
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyadda Somaliland ee Birmingham oo Hadhimo-sharafeed ku Maamusay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Iyo Warbixin Xogo badan Xambaarsan oo u Qalbiyadooda kaga Siffeeyey Tashuushkii lagu Furay Mashaaricda Horumarineed ee Dekeda.

    "Culays badana Ayuu saaray Madaxweynuhuu Wadaada Corridorka Iyo Dekedu inay Isku waqti Dhamaadan, Waayo?. Deked Bilaa Wado ahi micno ma samaynayso. Qorshaha Xukuumadeenu Waa in La Dhamaystiraa Adeeg kastaa oo Dekedi yeelan Lahayd. Waxa Jira Deke

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Culays badana Ayuu saaray Madaxweynuhuu Wadaada Corridorka Iyo Dekedu inay Isku waqti Dhamaadan, Waayo?. Deked Bilaa Wado ahi micno ma samaynayso. Qorshaha Xukuumadeenu Waa in La Dhamaystiraa Adeeg kastaa oo Dekedi yeelan Lahayd. Waxa Jira Dekedo kaloo la bilaabayo, Sida dekeda Maydh". Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi
Birmingham-(Xogreebnews)-Jaaliyadda Somaliland ee u dhaqan Magaalada Birmingham ee dalka Uk, ayaa hadhimo-sharafeed ku maamusay Maareeyaha Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, oo mudo todobaad ah hawlo shaqo u joogay dalka Uk, sidoo kalena dalka Jarmalka kaga qaybgalay Shir caalamiya oo lagaga hadlaayey horumarinta dekedaha aduunka, ka soo ay kasoo qaybgaleen in ka badan 200, oo waddan.
Maareeye Siciid waxa uu ka siffeeyey quluubta Qurba joogtii kulankaa kasoo qaybgashay, madmadow iyo tashuush laga aaminsiiyey hawlaha horumarinta Dekedda ee maalgelinta Dp World iyo Wadada Berbera Corridorka,  sidoo kale waxa uu uga waramay xaalada guud ee dalku maraayo. Geesta kale-na waxa uu maareeyuhu ugu Bushaareyey shacabka Somaliland in qorshaha Xukuumaddu yahay in suuq caalamiya lasoo kordhiya, isaggoo isku xidhay in Wadada Cusub iyo dhismaha dekedu isku xili dhamaanayaan. Waxa kaloo uu maareeyuhu sheegay in la dhisi doono Deked cusub oo ay yeelan doonto Magaalada Maydh.
Maareeyaha Dekedaha Somaliland, waxa uu sharaxaad dheer ka bixiyey mashruuca dhismaha dekeda oo u faahfaahiyey, sidoo kalena waxa uu carabka ku dhuftay inay ka maamul ahaan xooga saari doonan in shaqaalaha mashruuca Dekeda cusub wixii farsamo ah mooyee, ay qabtaan muwaadiniinta reer Somaliland, isaggoo hoosta ka xariiqay inay dekeda cusubi dhamaanayso 2020-ka bisha 8-aad. Maareeyaha oo arrimahaas iyo kuwo kaloo badanbaa ka hadlaya waxa uu yidhi
"Heshiiskii saddeex-geesoodka ahaa ee aan anigu Somaliland u saxeexay, Itoobiyana uu u saxeexay Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide oo markaa ahaa, Wasiirkii Gaadiidka, dhinaca Dp World-na uu saxeexay Gudoomiyaha Shirkadaas Suldan,  waanu hirgalay, Maamulka Dekedda oo dhan  ma maamusho Dp World, balse waxay maamushaa roggista iyo Raaris. Maalgelintina way socotaa, oo waxa jira qalabyo aas-aasiya oo ay kusoo kordhiyeen, waxananu jecel-nahay in aanu bulshadeena la waddaagno wax kastoo soo kordha. 
Todobaadkii dhamaaday ee aan kasoo maqnaa waxa dekeda yimi, Kirimadii waaweynaa, waxanay qabanayaan shaqo culus. Waayo? Xilliyada Dabayshu jirto shaqadu way istaagi jirtay oo Markabku wuu ruxmayaa, markuu ruxmana roggistiibaa yaraan-jirtay oo qayla ka soo yeedhi jirtay, sidaas daraadeed markii la yiqaasay barxada dekedeena, waxa la keenay iyaddoo weliba lagu soo qiyaasay miisaankay qaadi karaan, si aanay dekedeena wax-yeelo inoogga gaadhin.
Heshiiska dhismaha dekedda Berbera, waxa uu yahay in Dekedaas lagu dhameeyo 22-tan bilood, oo ka bilaabanta maalintii la dhagax-dhigay. Waxanaynu 22-kaa bilood ka sugaynaa inay ku dhamaystiraan Dekedda, waanu socdaa qorshihii wajiga koowaad, bil kastana shaqo ayaa la qabanayaa, waanaanu ku dabo-galaynaa. Waxanu dhamanaya Sebtember 2020-ka oo Dekeda cusub ay Somaliland muftaxeedu la wareegi doonta insha allah.
Dhinaca shaqo abuurka, Shirkada ku guuleystay dhismaha mashruuca dekedda Berbera, waxay hadda kasoo guurtay Musembik, qalabkiina badh-way soo ra’ratay, intaa kalena wuu soo socda, Shirkaddu waxay wadataa shaqaale-khibrad leh oo ah Team isku xidhan oo shaqada isla garanaya. Hase-yeeshee dawlad ahaan waxanu saarnay culays badan oo ah in dadku shaqo ka helo, wanay imanaysaa oo muruq-maalka iyo Gaadiiidka iyo waxyaabo kaloo badan oo shaqo ahbaa in muwaadiniintu ka helaan ayaan filaynaa insha allah.
Mashruuca Berbera Corridor-ka, horta anigu maan-joogin markii la dhagax-dhigaayey, laakin Madaxweynaha qarankeena Mudane Muuse Biixi iyo madaxweynaha Somalida Itoobiya Mudane Mustafe, iyo dawlada aynu saaxibka nahay ee Imaaraadka, ayaa wada dhagax-dhigay, insha allahna wuu guuleysnayaa mashruucaasi, waxanan jecelahay inaan umadeena u kala cadeeyo inaanay jidkaas Dp World dhisay, balse waxa inoo dhisaya dawlada aynu walaalaha nahay ee Imaaraadka, waxana innooga masuul ah wasaaradda gaadiidka iyo wakaaladda wadooyinka qarankeena Somaliland Wadadaas iyo Garoonkii Diyaradaha-ba”. 
Sidoo kale waxa halkaa su’aalo ku waydiiyey Maareeyaha qaar kamid ah xubnaha qurba joogga ee hadhimo-sharafeedka ku maamusay Maareeyaha Dekeddaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, waxanu si faahfahsan uu uga jawaabay dhamaan su’aalihii, waxana ka mid ahaa waydiimaha dadweynaha uga yimi. "Maxay dawlada Itoobiya inagula shere-garowday, ma inay meesha uun wax marsato”. Su’aasha labaad. "mashruuca Berbera Corridorka waxa durba soo baxaysaa wadadii hore ayuunbaa la hagaajinayaa” su’aasha saddexaad, ma jiraan dekedo kale oo ku yaala Somaliland oo la dhisaayo oo u qorsheysan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, mise waa tan berbera uun”. 
Su’aalahaas, isaggoo ka jawaabaya Maareeyaha Dekedaha Somaliland Md. Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu yidhi, " Heshiiska ayey kamid tahay in Itoobiya %30, soo marsato Dekedeena badeecadaha usoo degga, waxanay bixinaysaa wixii qabtaa ee saamiga ah. Ta Wadada xog aad u badan kama hayo. Lakin waxan kamid ahaa dadkii ku oloolleynaayey ee lahaa Deked bilaa waddo ahi ma shaqaynayso, Madaxweynaha qaranku in badan ayaanu ka wada-hadalnay culays badana wuu saaray Madaxweynuhuu Wadaadas, inay isku waqti dhamaadana waa sida qorshaha xukuumadeenu yahay Dekeda iyo Wadadu. Dekeda Berberi waxay ku taala marin biyood Caalamiya, waxanaynu u baahanay inaynu soo jiidano Maraakibta 35000, ee markab ee mara biyaha, waa inaynu soo jiidanaa, waxaynu ku talo-jirna inaynu soo leexino, si looga helo adeegyo, ayaanu ku hawlan nahay, oo ay xataa soo galaan magaalada, oo Seexdan ama ka adeegtaan. 
Sidoo kale, waxaynu ku talo-jirnaa inaynu bixino adeegyada ay u baahan yihiin Maraakibta 4000-kun ee tan ah.qorshahayaguna waa in la dhamaystiraa adeeg kastaa oo Dekedi yeelan lahayd. Waayo?. Deked bilaa Wado ahi micno ma samaynayso. Sidoo kale, waxa jira Dekedo kaloo la bilaabayo, waxana kamid ah Dekedda Maydh oo imika dhismaheeda la samaynayo, Lacagta ku baxaysana waxa bixinaysa sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF-ta oo ilaa 4 Milyan oo Dolar ah. Marka iyaddana waa la bilaabaya insha allah”. 
Gebo-gebadii waxa uu Maareeyaha Dekedaha Somaliland Md. Siciid Xasan Cabdilahi kula dardaarmay bulshada qurba jooga ah iyo kuwa kale aqoonta lehba inay ka wada-qaybqaatan sidii Somaliland loo horumarin lahaa, si loo gaadho dawladaha horumaray, waayo gacmo wada-jirbay wax ku qabtaan, isaggoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, "dadkeena qurnaha joogta iyo shaqsi kastoo reer Somaliland ah oo aqoon lehba waxa ku waajiba inuu ka shaqeeyo sidii dalkeenu u horumari lahaa, inagoo mid ahnaa aan ku gaadhi lahayd umaddaha horumaray, waxanan idin leeyahay dhamaanteen xilbaa innagga wada saran horumarinta dalkeena Somaliland, markaa yaaynaanla isku eegin”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured