Maxkamada Racfaanka Hargeysa oo Noqotay Hoyga Dulmiga!!!. Qalinkii Cumar Axmed Faarax.

0
Saturday February 23, 2019 - 03:59:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1089
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada Racfaanka Hargeysa oo Noqotay Hoyga Dulmiga!!!. Qalinkii Cumar Axmed Faarax.

    Maxkamada Racfaanka Hargeysa oo Noqotay Hoyga Dulmiga!!!. Qalinkii Cumar Axmed Faarax.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Racfaanka Hargeysa oo Noqotay Hoyga Dulmiga!!!. Qalinkii Cumar Axmed Faarax.
Cadaaladu waa sheyga ugu horeeyo ee noolaha maanka wanaagsan leh looga baahan yahay inuu sameeyo, waana mid looga fadhiyo in ruux waliba ku dhaqo, ehelka, waalidka, dariska iyo umadda aad hogaanka u tahay, iyo weliba kuwo kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.
Cadaaladda waxaa kusoo orooray aayado badan oo kamid ah qur’aan kariim ah iyo axaadiis tiro badan  kuwasoo dhamaantood ka hadlaya sida umaddaan looga baahan yahay in ay u fuliyaan Cadaalada.
Hadii aan usoo daa'dago Somaliland oo ah dad 100% muslimiin suniyiin ah waxaa ka jiirta Dhibaatooyin dhowr iyo labaatan sano jirasaday iyadoona cudurka ugu weyn ee  ku dhacay uu yahay cadaalad darada ay dadkeena kala tirsanayaan iyo sidoo kale laamaha Garsoorka dalka oo noqday Hoyga Dulmiga.
Garsoorka waa qeyb muhiim u ah Dowladnimada, waxaana la-wada ogsoon yahay hadii garsoorku xumaado cadaaladana laga fogaado in ay xumaaneyso jiritaanka dowladnimada iyo amaanka Iyo sidoo kale  cadho alla oo umadda haleesha.
Garsoorka Somaliland waxaa wali ka dhax jira cadaalad daro iyo dulmi baahsan, waxaana Maxkamadaha dalka qaarkood noqdeen kuwa ku shaqeeya laaluush kana fogaaday cadaalada iyo noocay u eg tahayba.
Caddaaladu way kasoo hor jeedka Dulmiga , waxa looga jeedaa wax kasta oo aan dulmi ahayni waa cadaalad. Hadii dulmi meesha soo galana cadaalada ayaa ka baxda. Dulmigu waa wax kasta oo si aan ku haboonayn loola dhaqmay ama looga gar-qaaday , cadaaladuna waa wax kasta oo sidii ku haboonayd loo la dhaqmay, waa isku cagsi ,waxa kale oo cadaalada muuqaaladeeda ka mida Sinnaanta, toosnaanta, miisaanaanta, hadii meesha sinaantu ka baxdo cadaaladi ma taalo, hadii toosnaani ka baxdana qalooc ayaa soo gelaya oo cadaaladi jirimayso, hadii miisaanka saxda ahi meesha ka baxana dheeli ayaa soo  baxaya oo cadaaladi ma jirayso.
Haddaba, waxaynu Maanta qormadeenan kusoo qaadan doonaa Dulmiga u caadeystay Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Hargeysa oo Lagu magacaabo Cali Suudi. Kaasoo laanta Racfaanka Hargeysa ka dhistay goob ganacsi, isla markaana noqday shaqsi macaan ama waji dhiggaasho ka raadiya dacwad kasoo usoo gudubta, wallow aanay dhamaan Dhamaan Laamaha Garsoorka dalka oo dhami, hase-yeeshee Gudoomiye Cali Suudi waxa uu noqday mid ku suntan dulmi.
Gudoomiye Cali Suudi waxa uu xoogga saara inuu dulmiyo muranada xagga dhulka ee usoo gudbaa, isaggoo u waji dhigtaa ama se la baayactama koox, waxyaabaha layaabka leh ee waaxdani ku shaqayso waxa kamid ah garsoore cabsan casharo cadaalad darro ah oo kasoo fulay Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Hargeysa, iyo weliba inuu dhinac la safto. La soco qaybaha dambe.
Qaalinkii 
Cumar Axmed Faarax
omarahmedfarah287@gmail.com
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured