Gabi-dhaclaynta Iskaashiga Dr Cirro, Eng Faysal Iyo Madaxweyne Biixi × Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Dr Cabdiraxmaan Cirro Ma Noqon Doonan Mucaarad bahaysta?

0
Friday February 01, 2019 - 18:20:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabi-dhaclaynta Iskaashiga Dr Cirro, Eng Faysal Iyo Madaxweyne Biixi × Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Dr Cabdiraxmaan Cirro Ma Noqon Doonan Mucaarad bahaysta?

    Gabi-dhaclaynta Iskaashiga Dr Cirro, Eng Faysal Iyo Madaxweyne Biixi × Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Dr Cabdiraxmaan Cirro Ma Noqon Doonan Mucaarad bahaysta?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabi-dhaclaynta Iskaashiga Dr Cirro, Eng Faysal Iyo Madaxweyne Biixi × Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Dr Cabdiraxmaan Cirro Ma Noqon Doonan Mucaarad bahaysta?
Hargeysa(Xogreebnews)-Tan iyo markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xilka la wareegay dabayaaqadii sanadkii 2017 waxa isbedbedelayay isbahaysiga hoggaamiyeyaasha mucaaradka Somaliland iyo madaxweynaha talada haya Md Muuse Biixi. Isbahaysiga ayaa ku bilawday Eng Faysal iyo madaxweyne Biixi oo is ogol, mar kale Dr Cirro iyo Faysal oo is ogol iyo ugu dambeyn Dr Cirro iyo Faysal oo fiintu dhexmiranayso sida maalmihii u dambeeyay laga arkayay hadallo weerar iyo weerar celis ah oo WADDANI iyo UCID warbaahinta isu marinayeen.
Iskaashigii Gabi-dhaclaynayay
Intii uu socday ololihii doorashadii madaxtooyada ee bishii November 2017 waxa la dareemayay in iskaashi ka dhexeeyo hoggaamiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweyne Muuse Biixi oo ahaa musharraxii KULMIYE. Waxa arrintaasi caddaysay dooddii musharraxiinta oo ay Eng Faysal iyo madaxweyne Biixi weerar joogta ah oo isku dhan ah ku hayeen Dr Cabdiraxmaan Cirro. Waxa intaasi xigtay Eng Faysal oo hore ka xalaaleeyay natiijadii doorashada iyo Dr Cirro oo ku kaliyaystay dhalliisha hannaankii doorashadu u dhacday waxaana bilaw fiican oo iskaashi lahaa Eng Faysal iyo madaxweyne Biixi.
Mar kale ayay soo kala boodeen Eng Faysal iyo Madaxweyne Biixi waxaana isbahaysi u bilawday guddoomiyaha WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo Eng Faysal Cali Waraabe. Eng Faysal ayaa si weyn u dhalliilay siyaasadda madaxweyne Biixi isaga oo gaadhsiiyay in shirweyne Qaran ay qaban doonan isaga iyo Cirro taas oo culays ku ahayd Madaxweyne Biixi. Eng Faysal oo tagay shir Soomaaliya loogu qabtay dalka Biljimka ayaa sidoo kale muujiyay sida xidhiidhkoodu heerkii u hooseeyay gaadhay isaga iyo madaxweyne Biixi waxaanay saxaafadda isu mariyeen dhalliilo ka dhashay isla shirkaas uu tagay Eng Faysal.


Dhawaan kulamo dhexmaray Xisbiyada ayay sidoo kale si ba’an isugu weerareen sida uu sheegay guddoomiye xigeenka 2-aad ee WADDANI Mr Saleebaan Ducaale X. Jaamac. Kulan xisbiyada, madaxweyne xigeennadii hore iyo ururada bulshadu fadhiyeen ayuu Eng Faysal ku dhalliilay hoggaaminta Biixi isaga oo gaadhsiiyay in SNM shirweynaheedii marar qabsan kari wayday waxaana arrintaasi si adag oo shakhsi weerar ah uga jawaabay Madaxweyne Biixi oo dagaal u iclaamiyay Faysal una sheegay in uu iska celin doono.
Hase ahaatee si lama filaan ah ayaa mar kale xidhiidhka madaxweyne Biixi iyo Eng Faysal Cali Waraabe u noqday mid togan waxaana lagu war helay KULMIYE iyo UCID oo isku dhinac ka taaggan arrimaha Doorashooyinka iyo muranka Komishanka waxaana intaasi raacay in Faysal weerar afka ah ku qaado WADDANI kuna sheego in xisbiga xafiisyo uga furan yihiin Garoowe.
Eedaha noocaas ah ayaa horseeday in masuuliyiin ka kala tirsan WADDANI iyo UCID todobaadadii u dambeeyay si ba’an oo la weerarayo Dr Cirro iyo Eng Faysal ay saxaafadda isu mariyaan taas oo loo arko kala fogaanshaha xilligan ee Dr Cirro iyo Eng Faysal. Waxaanay u muuqata in niyad samaani ka dhexayso Eng Faysal iyo madaxweyne Biixi.
Dadka siyaasadda odorosa ayaa aamminsan in iskaashigii u horeeyay ee Dr Cirro iyo Eng Faysal ahaa tallaabo khaldan oo uu qaaday Dr Cirro maaddaama aanu hore garab uga helin markii uu dhalliilsana doorashada iyo xilliyadii ololaha.
Somaliland oo inta badan lagu yaqaanay in mucaaradku iskaashado waxa laga yaaba in aanay hadda kadib sidaas noqon, islamarkaana aanu isbahaysi dhexmarin Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo Eng Faysal Cali Waraabe maaddaama uu bilawgii noqday mid gabi dhaclaynaya, islamarkaana isbedbedel badan oo hadba waji keenaya ama jambi dhigaya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured