Bayaan "Odayaal Reer Hargeysa Ah Oo Dhaliil U Jeediyay Guddoomiyaha Beelaha Garaxjis Suldaan Caddagude"

0
Tuesday January 29, 2019 - 19:00:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bayaan "Odayaal Reer Hargeysa Ah Oo Dhaliil U Jeediyay Guddoomiyaha Beelaha Garaxjis Suldaan Caddagude"

    Bayaan "Odayaal Reer Hargeysa Ah Oo Dhaliil U Jeediyay Guddoomiyaha Beelaha Garaxjis Suldaan Caddagude"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayaan "Odayaal Reer Hargeysa Ah Oo Dhaliil U Jeediyay Guddoomiyaha Beelaha Garaxjis Suldaan Caddagude"
Hargeysa (Xogreebnews)-Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda magaalada Hargeysa ayaa dhaliil u jeediyay Suldaan Axmed Cismaan Caddagude oo ah Guddoomiyaha Guddida Beelaha Garaxajis. Waxaanay ku eedeeyeen inuu ka caga-jiidayo fulinta heshiisyo uu saxeexay iyo xukunno maxkamadeed oo laga soo saaray kiis uu oday ka ahaa
Bayaan ay soo saareen odayaashu oo saxaafadda loo qaybiyay ayaa u dhignaa sidan:
"Annaga oo ah odayaasha dhibbane Cabdirashiid Aadan Cabdi oo dhaawac culus loogu geystay Hargeysa 2016kii, waxa dhibgeystaha lagu sii daayay heshiis uu saxeexay Suldaan Axmed Cismaan Caddagude  oo adeer u ah qofka waxyeellada galay.
Si waxyeellada loo qiimeeyo waxa ay Shareecada Islaamka iyo Maxkamadda Degmada Hargeysa ka xukumeen 224 halaad oo xaq ah. Nasiibdarro, waxa uu Suldaan Caddagude rafcaan u qaatay Maxkamadda Rafcaanka Maroodijeex iyo Maxkamadda Sare oo laalay ambiilkiisa.
Markii uu soo dhawaaday qaraarka fulintu, waxa uu dib u eegis kula noqday maxkamadda sare. Waxaanu illaa hadda ka warwareegayaa dhagarta dushooda saaran. Taasina waxa ay xadgudub ku tahay dhaawaca ay geysteen.
Tallaabadani Waa mid burin karta axdigii la wada saxeexay oo keeni karta gacan-ka-hadal iyo hadimo horleh oo kala geysa bulshada walaalaha ah.
Waxa aanu leennahay Suldaan Caddagudow iskuma heshid Gudddoonka Garaxajis iyo inaad ka gaabiso qoonta gurigaaga taalle. Inta aad dadka ku hodayso guurtinnimda iyo gurmadka indhasarcaadka ah, waxa kula guddoon inaad goaan sax ah ka qaadato gabboodfalka muddada guyaalka ah gondahaaga fadhiya ee aad ka gaws-adaygayso.
Ugu dambayntii wax aanu Suldaan Caddagude u sheegaynnaa in uu ka masuul noqon doono midhaha ka dhasha Xaajada uu murgiyay. Ummadda Somalilandna waa ka marag in aanu ka afeefannay.
Odayaasha soo saaray bayaanka:
1. Ibraahin Xaaji Xasan Aadan
2. Cabdirisaaq Muxumed Cali
3. Cabdiqaaddir Garaw Cali
4. Ibraahin Cabdi Faarax
5. Yuusuf Jaamac Cabdi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured