Wajigii Koowaad ee qalabka Dhismaha Dekedda Berbera oo la Dhigay Barxad loo Baneeyey Iyo Khuburo ku Takhakhustay Cilmiga Enjineernimada Dhismaha Dekeddaha oo dalka soo gaadhay. (Sawiiro)

0
Sunday January 27, 2019 - 18:35:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wajigii Koowaad ee qalabka Dhismaha Dekedda Berbera oo la Dhigay Barxad loo Baneeyey Iyo Khuburo ku Takhakhustay Cilmiga Enjineernimada Dhismaha Dekeddaha oo dalka soo gaadhay. (Sawiiro)

    Wajigii Koowaad ee qalabka Dhismaha Dekedda Berbera oo la Dhigay Barxad loo Baneeyey Iyo Khuburo ku Takhakhustay Cilmiga Enjineernimada Dhismaha Dekeddaha oo dalka soo gaadhay. (Sawiiro)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wajigii Koowaad ee qalabka Dhismaha Dekedda Berbera oo la Dhigay Barxad loo Baneeyey Iyo Khuburo ku Takhakhustay Cilmiga Enjineernimada Dhismaha Dekeddaha oo dalka soo gaadhay. (Sawiiro)
Berbera(Xogreebnews)--Wajiga kowaad ee qalabka lagu dhisaayo Dekedda Cusub ee Berbera, ayaa si rasmiya looga rogay Markabkii siday, isla markaana loo dhigay goob loo sii baneeyey, oo Kamid ah gudaha Dekedda Berbera.
Qalabkan wajigiisi koowaad soo gaadhay gacanta Somaliland, ayaa ah qalabka lagu dhiso Dekeddaha casriga ah, kaasoo lagu balaadhinayo Dekeda Berbera, oo lagu kordhin doono qayb cusub oo 400m ah, dhismaha Dekedda cusub, ayaa waxa Maalgelineysa Shirkada Dp World, isla markaana waxa ku guuleysatay dhismaheeda Shirkad Caalamiya oo lagu magacaabo Shaffa Al-Nahda Company, oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.
Qalabkan, oo ka kooban 28 nooc ayaa ah hormadii koowaad, waxana la filaya todobaadyada fooda inaggu soo haya, inuu dalka soo gaadho laba Markab oo iyanna sida qalabka lagu dhiso Dekeddaha.
Sidoo kale, waxa iyagguna dalka Jamhuuriyada Somaliland soo gaadhay qaar kamid ah Khubuurada ku Takhakhustay Cilmiga Enjineernimo dhismaha Dekedaha Caalamiga, kuwasoo qaybtii koowaad si rasmiya ay usoo gaadheen dalka. Xukuumada Somaliland, ayaa iyaddu qaabishay Khubuuradan, isla markaana dejisay goobo ay u qorsheeyeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured