Godka Lagu Cadaabyoow muxuu go'uhu been sheegay. Abwaan Yasiin Gunti-xume.

0
Thursday January 10, 2019 - 04:56:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1365
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Godka Lagu Cadaabyoow muxuu go'uhu been sheegay. Abwaan Yasiin Gunti-xume.

    Godka Lagu Cadaabyoow muxuu go'uhu been sheegay. Abwaan Yasiin Gunti-xume.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Godka Lagu Cadaabyoow muxuu go'uhu been sheegay. Abwaan Yasiin Gunti-xume.
Waxaan xalay ka dhegaystay Radio Hargeisa, barnaamuj ka baxay oo uu gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodijeex Cabdirashiid Beergeel kusoo ban dhigay warbixin waxqabadkiisa ah, kaas oo uu ku sheegay nuxurka warbixintiisaas la buunbuuniyay ahayd inaanay haba yaraatee jirin wax kiisas ah ka qabyo ah maxkamada gobolka marka laga reebo hal kiis category kasta.
Categories kaas oo kala ah criminal iyo civil cases wuxuu sheegay in mid walba hal kiis uun aanay maxkamadu qaadin.
Sida warbixinta uu  u akhriyay waxoogaa Waxaad moodaa in odhaahdu isku wada mid tahay.
Oo Waa maxay odhaahdan ku badan report ka gudoomiyaha?
Odhaahdaasi Waa "hal kiis oo kaliya baa hor yaala maxkamada category kaas” 
15 category oo kiisas ah ayaa mid kasta maxkamada waxa u dhiman uun hal kiis kaliya? If this is the case it’s obviously too convenient and perhaps too good to be true.


Tusaale ahaan wuxuu yidhi kiisaska dhulka la isku haysto Waa 150 dhamaantoodna waanu ka gar naqnay mana jiro kiis noo dhimani.
Sidoo kale dhaxalka, qaamaha, qoomaha iwm wuxuu gudoomiyuhu Ina siiyay sawir ah inaan shaqo u hadhayba jirin maxkamada gobolka.

Waxaan se anigu shaqsi ahaan ogay in taasi xaqiiqada ka fogtay.

Marka koowaad horta hayadaha dawliga ah yaa yidhi idinku is qiimeeya? Sidee bay ku dhacday in hayadaha dawlada aanay jirin hayad madax banaan oo iyadu qiimayn ku samaysa?

Waxaad arkaysaa mar kasta oo sanad dhamaad la gaadho in masuuliyiintu ay kala boobaan saxaafada oo ay yidhaahdaan kaalay oo video war xayaysiis ah iga duub.
Saxaafadana in yar oo qabax la yidhaa baa la siiyaa waxay sameeyaan wax ay afkooda ugu yeedhaan "Advertising News!”

Waa ta keentay in masuul kastaa ku takri falo awoodiisa mudo xileedkiisa hadhowna mar hadaanu jirin cid qiimaynaysa wax qabadkiisa uu isagu yahay fuliyaha, isku kor meeray shaqadiisa ee is qiimeeyay.

Waxba yaanan ku tiigaalin gudoomiyaha maxkamada gobolka, oo dhawr jeer oo aan arkay isagoo hawshiisa ku jira iila muuqday nin kibir badan, naxariis daran dadka jilicsana ee adeegiisa u baahana af-lagaadeeya.

Balse dhaqankan oo uu la wadaago hayadaha dawliga ah ee Somaliland.

Xukuumadu waxay soo saartay iyaduna book GREEN ah oo ay ugu magac bixisay waxqabadka Xukuumada ee sanadka 2018 ka.

In kastoo qoraal naqdin ah oo dheer aan ka qori doono gacantana ku hayo diyaarinta qoraalkaas. 
Waxaan akhristayaasha farayaa bal inay raadsadaan buuga waxqabadka sanadka ee xukuumadu daabacday si ay iiga markhaati furi karaan dhaliilaha ku duuqan buugaas.

Guulaha badan ee xukuumadu sheeganayso Ma aha mid ay iyadu dhalisay. Waxayse sheeganaysaa galadihii Illaahay loogu mahadniqi lahaa.
Tusaale ahaan: guulaha xukuumada Waxaa ka mid ah sidii ay wax uga qabatay abaaraha iyadoo taasna ay sabab u ahayd barwaaqada iyo roobabka da’ay oo lagu diirsaday ama hadal sidaa u qoran.

Guulaha ugu badan ee xukuumadu sheeganayso buugaas Waa guulo ama galado rabaani ah ama accidental or incidental ah oo haba yaraatee aanay waxba ku lahayn imaatinkooda.

Hadaanay sidaa u jeedin xukuumadu qoraalkeedana sida hadalku u qoranyay baa macnihiisu sidaa dhigayaa.
Waxaa malaa fiican inaan cudurdaar siiyo xukuumada oo aan idhaahdo malaha dee dadka wax u qoray baa ah qaar ku liita sida wax loo qoro.

Sixir bararka oo kale u fiirso. Siyaasada arimaha dibada oo kale, waxbarashada oo kale.
Iska markaana eeg waxqabadka dawladu ku faanayso.

Laakiin dhaliishii meeday? Yaa sheegi lahaa dhaliisha Ma ka loo sheegi lahaa dhaliisha?
Tusaale, wasaarada Waxbarashadu waxay bakhaaro ku haysaa boqolaal kun oo an manhajkii dawliga ahaa oo ay kala wareegtay shirkadii soo daabacday ee HEMA books.
Buugaagtaasi waxay yaaliin bakhaaro wasaaraduna way awoodi wayday inay gobolada gaadhsiiso.

Sidoo kale schoolada private ka ah qaarkood waxay isticmaalaan manhajyo ajaanab ah waxaana sida ardayda dhigtaa ii sheegeen mamnuuc ah in iska daa in school ka lagu dhigo manhajka qaranka e ay xataa mamnuuc tahay in schoolka lala soo galo text book manhajka dawliga ah, ilmihii lagu arko isagoo sitana laga eryi doono schoolka.

Markaa wax qabadka wasaarada waxbarashadu inuu noqdo fasal ku yaalay Qol Ujeed oo waab ahaa baanu dhisnay malaa waxqabad bay u haystaan. Eeg report ka ku qoran buuga waxqabadka sanadka ee xukuumada.

Waxba yaan ku daahin dhaliilahan faraha badan iyo indho adayga hayadaha kala duwan ee dawlada ee is amaanaya ee aan cidi qiimaynayn.
Hal ku dhig ingiriisi ah baa ahaa ‘you cannot be the judge of your own cause’ .... qadiyadaada xaakin kama noqon kartid. Is qiimayntaadana qiimeeye kama noqon kartid.

Hadaba dhaqanka faan/faanka ah ee waxaas baan qabtay xaguu ka yimi?

Walaahi Anigu garan maayo laakiin Waxaan is idhi caricature la odhan jiray DHANXIIR baa dadkan qalday oo fikirka dadka u kala qaybiyay MAANSHA ALLAAH iyo WEGER.

Qolada Maansha Allaah da ee markaa masuuliyada haysaa waxay ku hawlanyiin siday Wegerta gaadhaanka ugu daruuri lahaayeen, Wegertiina daad iyo fuf propaganda ah jiidhay.
Balse waxa labada dhexdooda ku lumay hufnaantii iyo adeegii dawladnimo iyo isla xisaabtankii. 
Power corrupts and absolute power corrupts absolutely.

Hadaba walaalayaal horta Ma hore ayaynu u soconaa, mise dib mise maba soconee waynu taaganay.

Maansadan waxa la yidhaa Maangad:
Hashu maankayga gadaye Ma Masaar bay liqday waana su’aal aan aniguba is waydiiyo. Ma horaa loo socdaa, Ma dib mise sidii qoomkii reer Binu Israel waynu iska hor iyo daba wareegaynaa??

MAANGAD.
Run muuqata lama mal daho 
Markhaati ma doon war jira
Maxay dadku ugu murmaan 
Mooyidu mooyida u tahay,
Mutuhin been mala awaal 
Maluug iyo Moore jaan 
Majarahay kaa lunshaane
musixir loo aaminaa?

Mugdigii sawkaa iftiinkii 
Ka helay murankii cadada 
Sawkaa is macaashay liidkii 
Ninkii ka mudnaa hor maray,

Maatidii sawtaan il daran 
Sawtaa macaluushi weli
Ka muuqata hooyaday,
Magowday hashaan lahaa
Masaar sawtaa liqdaye
Marqihii ibihii ku maran,
Mujaahidkii sawtaan aan
Mudnaantiisii la siin,
Sawtaa musuq-maasuqii
Af-miinshaarkii ku mamay, 
Sawkaa Miisaankii weli
Marooree dhan u melmelan,

Waxa maan dad mudac afkii 
Midiyo weeye ka isku muday!
*
Waxay maahmaahi tidhi 
Damacu Waa Mahalakoo
Ma laga miidaamo dhego e
Maxaan mayd nool arkaa,
Malafo Nacaskii bartee
Ku mamay maal booliyiyo
Miskiin ku mintida xaqana
Mid baa lalagiisu galay,

Doqoni way moogantee
Maxaysatadiyo shacbigan
Tujaar dhiig-miiratiyo
Nin muruqliyo maal qabeen 
Iyana mashaqaa dhex taal,

Ninbay midigtiisu bidix 
Munaafaqadaynaysaa
Dadkoo macaluul il daran
Inuu ka macaasho jecel, 
Qaar baa dulmigaa mutuxan
Iyagu u midiidin ahoo
Markhaati usoo jiljilan.

Sawtaa musuq-maasuqii
Af-miinshaarkii ku mamay
Sawtaa miisaanki weli 
Marooree dhan u melmelan
Waxa maan dad mudac afkii 
Midiyo weeye ka isku muday

*
Doqoni magaceed ba yeey
Miciin ma leh midig gargaar
Murtidu waa dhaxal galeen 
Masaalkani Waa mid runa,
Inay Macangadu lur tahay
Markay murug xaajo tahay
Qofkii muslaxaada waday 
Iyadu muducay ku tahay,

Markay maskax iyo aqoon 
Maaraynta u baahan tahay
Mayada diidmada mutuxan
Iyada Waa meheradeed,
Markay ugu miil cadahay 
Markay ka maroorso tahay
Ishay meer-meerisaa
Nin xiga maagiisa jecel
In maanku is kaashadiyo
Masayr bay guul ka tahay
Waxay la Col tahay midnimo,

Ma laha min-qiyaasyadii 
Macnaha gobanimo mudnaa,

Malaa mucjisooyinkii
Lasoo maray baanay marin 
Mayer
Diidnay baanay maqal
Ma yeeli karnaan cid odhan:

La soco qaybta kale intaasi Waa afeeftiiye


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured