Liiska Masuuliyiinta Ka Soo Jeeda Gobolka Saaxil Ee Hormuudka Ka ah Deegaameynta Beesha Madaxweyne Siilaanyo Ka Wado Berbera.

0
Wednesday June 12, 2013 - 12:45:46 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liiska Masuuliyiinta Ka Soo Jeeda Gobolka Saaxil Ee Hormuudka Ka ah Deegaameynta Beesha Madaxweyne Siilaanyo Ka Wado Berbera.

    qaar ka mid ah masuulyiinta ka soo jeeda gobolka saaxil ayaa waxay ku kaceen wax laga xishoodo oo ah inay noqdaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

qaar ka mid ah masuulyiinta ka soo jeeda gobolka saaxil ayaa waxay ku kaceen wax laga xishoodo oo ah inay noqdaan Liiska Masuuliyiinta Ka Soo Jeeda Gobolka Saaxil Ee Hormuudka Ka ah Deegaameynta Beesha Madaxweyne Siilaanyo Ka Wado Berbera.

qaar ka mid ah masuulyiinta ka soo jeeda gobolka saaxil ayaa waxay ku kaceen wax laga xishoodo oo ah inay noqdaan daba dhilefyo u adeega danaha gaarka ah ee beesha madaxweyne siilaanyo ka leedahay deegaamaynta berbera,iyada oo aanu jecelnahay in aanu qormadan ku soo bandhigno masuuliyiintaasi horseedka ka ah deegaameynta ay beesha siilaanyo ka wado degmada berbera iyada oo la og yahay sida balaadhan ee ay beesha madaxweyne siilaanyo uga faa’iidaysanayso deegaamaeynta balaadhan ee ay ka wado berbera,deegaameyntaasi oo isugu jirta mid ku salaysan sidii dhul ama xaafado gooni ah oo ay magaca beesha looga sameyn lahaa berbera,iyada oo la xoojinayo kharashka lagu bixinaayo sidii cidii ka soo jeeda beesha ee doonaysa inay guryo cusub ka dhisato berbera looga taageeri lahaa kharashka ku baxaya oo ah kii umada ,iyada oo looga faa’iidaysanayo awooda madaxweyne siilaanyo oo ay doonayaan mudada yar ee labada sanno ah inay wax aysan sadexdii sanno ee uu siilaanyo madaxweynaha ahaa ku kicin, waxa kala oo jirta in shaqaale aan xad lahayn laga shaqaaleysiiyay goobaha ilaha dhaqaalaha si ay qayb uga noqoto deegaamaynta balaadhan ee beesha siilaanyo ka wada berbera , sida dekeda oo shaqaale badan oo bilaa imtixaan ah laga qoray ,madaarka oo badani ah shaqaale ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo ay ka shaqeeyaan iyada oo wasiirka duulista hawadu shaqadii ka eryay dhawr shaqaale ah oo ka soo jeeday berbera ,waxana la tilmaamay in wasiirka duulistu yahay wasiir ku caan ah nin jecleysiga iyo qabyaalada oo xitaa waxa uu ka xishoon waayay in uu qorto shaqaale ka soo jeeda deegaanka berbera, isaga oo al sheegay in uu had iyo jeer ku hawlan yahay sidii uu beeshiisa oo kaliya hantida umada ee uu ka masuulka yahay ugu horumarin lahaa sidii uu beeshiisu wasaarada iska leedahay oo kale.


hadaba meel kasta oo uu siilaanyo dahana beeshiisa ka fulinayo waxa horseed ka ah kooxo daba dhilif-yaal ah oo had iyo goor u fududeeya danaha gaarka ah ee siilaanyo, hadaba akhriste waxaan qormadani idinku soo bandhigayaa masuulyiinta ka soo jeeda gobolka saaxil ee horseedka ak ah deegaameynta beesha madaxweyne siilaanyo.

1: agaasimaha guud ee wasaarada kaluumeysiga oo nin aad moodo in shaqada loo diray tahay daba dhilifnimo iyo u adeegida beesha madaxweyne siilaanyo oo kaliya,hadii aad la kulanto agaasimahaasi warka ugu weyne ee uu ku sheegayaa waxaa weeyi beesha madaxweynaha ha la soo dhaweeyo iyo waa dad wanaagsan hadaba marka la eego sida uu ugu heelan yahay ma waxaa loo dirtay in uu ka shaqeeyo beesha madaxweyne siilaanyo mise shaqo kale ayuu hayaa.

2: maareeyaha dekeda berbera isaga waxaa la sheegay in uu yahay nin aan jeclayn deegaamaynta beesha siilaanyo ka wado berbera laakiin waxa uu ilaashanayaa kursigiisa maareeyenimo oo kaliya markaa waxa la sheegay in uu yahay in fulinaya hadba wixii amar ah ee la soo siiyo.

3: wasiir ku xigeenka ayaa isna ah nin inta badan la sheegay in uu yahay dhegta marwada madaxweynaha ,waana ninka wixii warar ah la socod siiya aqalka madaxtooyada waxaana la sheegay isaga shaqadiisu inay tahay sidii uu amarada ka soo baxa madaxtooyada in uu fuliyo ee ku saabsan deegaameynta iyo arimaha kale ee la xidhiidha gobolka saaxil.

4: badhsaabka gobolka saaxil ayaa isaguna ah in u heelan sidii uu gacan balaadhan u siin lahaa cid kasta oo ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo ee doonaysa ama ku lug leh deegaamaynta berbera , waana nin lagu tilaamo in uu isticmaalo lacago badan sidii dadweynaha reer berbera ugu soo jiito madaama oo uusan lahayn taageerayaal badan oo reer berbera ah.

5: ninka lagu magacaabo sheekh Saleebaan ee ah isku duwaha wasaarada diinta iyo awqaafta ayaa isagana la sheegay in uu si dhaw ula shaqeeya aqalka amdaxtooyada oo ah xalka laga soo agaasimo deegaameynta balaadhan ee beesha siilaanyo ka wada berbera.

gabagabadii waxaan ugu baaqayaa wax garadka gobolka saaxil,dhalinyarada reer saaxil iyo guddida DAN IYO DUCO ee reer saaxil inay il gaar ah ku eegaan talaabooyinkan guracan ee ka socda gobolka saaxil ee ay dabada ka riixayso madaxtooyada somaliland.

Qalinkii:Muuse Cabdi Maxamed

Berbera/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured