FADEEXDA GOBOLKA TOGDHEER SO GAADHEY WAXA MAS’UULIYADEEDA DUSHA KU QAADAN DOONTA MADAXTOOYADA IYO WASIIRKA CAYAARAHA

0
Tuesday June 11, 2013 - 08:04:20 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FADEEXDA GOBOLKA TOGDHEER SO GAADHEY WAXA MAS’UULIYADEEDA DUSHA KU QAADAN DOONTA MADAXTOOYADA IYO WASIIRKA CAYAARAHA

    Maalmahan ba waxa saxaafada iyo warbaahinta somaliland qaada dhigeysa fadeexadi ka dhacday ciyaarihii gobolada JSLand, gaar ahaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalmahan ba waxa saxaafada iyo warbaahinta somaliland qaada dhigeysa fadeexadi ka dhacday ciyaarihii gobolada JSLand, gaar ahaan

Maalmahan ba waxa saxaafada iyo warbaahinta somaliland qaada dhigeysa fadeexadi ka dhacday ciyaarihii gobolada JSLand, gaar ahaan waxey fartu ku godneyd Gobolka Togdheer ookooxdii ka socotey khilaafkoodugaadhey gacan ka hadal iyo wax an loo baahney.



Runtii Fanka, fanaanka, ciyaartoyga iyo ciyaaruhuba nadiif bey ka aheyeen qabyaalada lknse maanta waad aragtan in labadii ba la dhexdhigay qabyaalada iwm, waxad arkeysa fanaan qabiil u heeseya oo qabiilkale ku dureya hees, maanta waxad aragtan inu xulkii gobolka Togdheer in loo qeybsaday laba qabiil natiijadeenina noqotey in garoonka iyo huteelada la isku garaaco waana nasiib daro, wa aafada cusub ee kulmiye inoo keeney fanaan qabiil u heesa iyo ciyaar yahan qabiil laguso xusho.

Waxa haddaba runtii muran badani ka jira o la isku khilaafsan yahay cida mas’uulka ka ah khilaafkan iyo fadeexda ama aabaha u ah khilaafkani iyo gacan ka hadalkan iyo qabyaaladan kooxda Gobolka Togdheer looguso dhex tuurey.

Runtii anigoo waxan ka mid ahaan jirey ciyaatoygii hore ee gobolka Hargeysa islamarkan aqoonta fiican u leh ciyaartoygii hore ee gobolka Burco ama togdheer iyo maamulkii xiligaasi jirey ee hormoodka u aha sportiga gobolka, runtii wa wax lala yaabo waxan dhacay maanta oo an laga fileyn gobolka iyo gudida heer gobol ee ciyaaraha gobolka Togdheer.

Haddii an dib ugu yara noqdo ama xusuustii gudidi ciyaaraha ee gobolka togdheer wax idinka yara iftiimiyo, waxey runtii aheyn kuwo ka nadiif ah qabyaalad iwm, waxan xusuusta laacibintii BURCO u ciyaari jirtey iney aheyeen kuwo xarfada iyo karti laacibku leeyahay laguso xulo, runtii mayaheyn kuwo lagu qeybsan jirey laba daamood ciyaartoyga BURCO sidan maanta dhacday oo kale, GOBOLKU wuxu laha gudi qiimo badan leh oo runtii an odhan karo gudidii gobolka HARGEYSA wey ka firfircooneyeen waney ka awood badanaayeen,

Waxa an xusuusta o ka mid aha Farax Xadhigle, Ahmed Shell, oday Good Abees, oday Alamse iyo laacibkii weynaa ee Xariir ragaasi wa kuwo xusuus mudan runtii oo an laacibiinta kuso xulan jirin qabyaalada imw.

Waxad mooda oo an ila maanta la yaaban nahay waxa runta looga warwareegayo ee loo sheegi la yahay halka ay fartu ka dhunsantahay iyo cida sababtey fadeexdan iyo ceebta gobolkii odhan wada saameysay.

1. Wasiirka cayaaraha aya ah hormoodka fadeexda kooxda gobolka togdheer iyo faraglintiisa sababta u weyn laha, markii xeedho iyo faldhaan kala dhaceena tviga so fadhiistey isagoo fadeexdii iyo ceebtii u hormoodka ka aha kooxdii dusha usaarey..runtiina wa nasiib daro

2. Dhawr xildhibaan oo golaha dageenka ka tirsan iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada oo u hormood u yahay xildhibaan Cali Mareexaan ba iyaguna qeyb libaax ka qaatey khilaafka iyo qeybtan kooxda.

3. Tabaraha kooxda oo an laheyn khibrad iyo waayo aragnimo toona, awoodiisuna yareyd oo an awoodi karin inu isagu cayaartoyga u dooneyo so xulan kara, HADDII u tababaruhu yahay tababare awood leh waxbadan bu ka qaban la khilaafka iyo dhibaatada dhex taala dhalinyarada iyo waxyaalaha ay kala tirsaneyaan, isagii ba dhinca noqday o loo tirineya inu geys ka rarnaa.

4. Inta ba isku fuudhsatey faragalinta madaxtooyadu kusameysa khilaafkan oo runtii aad usii kala fogeeyay kooxdii iyo maamulkii kooxda watey, wa nasiib daro in madaxtooyadeenu waxwalba oo aney aqoon iyo khibrad toona u lahey doonto in ay ku xalisho sida ay doonayaan ama ay jeclyihiin, madaxda madaxtooyada joogta ma wasaaradii ciyaaraha mise ciyaarahan wa kuwo garsoor ka noqon kara wa wax lala yaabo arimaha socda runtii.

Waxan kuso gabagabeynaya qormadeydan khilaafkan iyo fadeexdan waxa mas’uul ka ah maamulka somaliland iyo madaxtooyada iyo wasaarada ciyaaraha, waxan runtii ka xumahay dhalinyarad an waxba galabsan ee fooda la isku galiyay ee si sharci darada ah loo xidhxidhey waxa nasiib daro ah wasiirkii iyo xildhibaanadii mas’uulka ka ah khilaafkan iyo fadeexdan oo iyaguna maanta dibada joogasharciguna anu qabaneyn.

Guul baan u rajeynaya gobolka togdheer iyo dhamaansomaliland odhan


Omar Darood Hassan
NORWAY



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured