BAKHTIGA MA CUNEE FUUDKIISA AYAAN CABAA. W/Q Faysal Cali Kayse

0
Friday November 23, 2018 - 18:53:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BAKHTIGA MA CUNEE FUUDKIISA AYAAN CABAA. W/Q Faysal Cali Kayse

    BAKHTIGA MA CUNEE FUUDKIISA AYAAN CABAA. W/Q Faysal Cali Kayse

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BAKHTIGA MA CUNEE FUUDKIISA AYAAN CABAA. W/Q Faysal Cali Kayse
Khudbadii uu  jeediyey Sacad Cali Shire Maalintii xil wareejinta ee kaga hadlaayey inuu iskeen baro waxa uu ku soo qaatay inuu yahay shaqsi nadiifa oo damiir wanaagsan, wuxuu ku soo qaatay inuu meel walba kaga tago raad wanaagsan, wuxuu ku soo qaatay sharciga ku adag inuu yahay, inuu yahay nin aan qabiil ahayn ,iyo kuwo kale oo naftiisa ku hafraayo beena uu inooga sheegaayo, Haddaba haddii aan iftiimiyo inaanu sacad ahayn kaas uu sheegtay ee uu yahay shaqsiga qudha ee ku sifooba ,nin aanu damiirkiisa iyo naftiisu ka damqan xumaan kasta oo dhacaysa, shaqsi ay isugu mid tahay xumaanta iyo wanaagu, sideedii sano ee uu ahaa wasiirada ugu tunka weyn, ee uu hormuudka ka ahaa talada wadanku ku socdo, waxaa wadanka ka dhacay wax aan weligeed dhicin, lunsi, Musuqmaasuq , wax is daba marin , arrintaasi waa mid aan cidna daah ka saarayn ,wuxuu kow ka ahaa gacmaha xaaraanta iyo dhibkasta oo wadanka gaadhay soo habaynaayey , maynaan arag maalin uu ka gilgilshay xumaanta dalka iyo dadka ku socota , maynaan ku arag damiir diida waxa xun,  maalin walba waxaa inoo muuqanaysay isagoo sida dugsiga ugu dhex jira dhiiqada , haddiiba uu ahaan lahaa ka uu isagu isku sifeeyey waa su aale ma ka suurtogeli lahayd inuu kuwa ugu waaweyn ahaa ee hor boodaaya , ee layska soo horaysiiyo ahaado wixii wadanka ka dhacay ? Jawaabtu waa maya ,
Haddaba Somaalidu waxay ku maahmaahdaa" Bakhtiga Ma Cunee Fuudkiisa ayaan Cabaa "  waa sifaha saxda ah ee Sacad leeyahay , waxaan ku darayaa Maaha shaqsi aqoonta uu leeyahay wax ku hagi kara, balse waa shaqsi isaga la isticmaalo oo la dirto sida Aaladaha,Waxaa xaqiiqo ah mar haddii uu ahaa aqoon yahan garanaaya waxa bii ada uu ku nool yahay ka dhacaayey , Mar haddii uu ahaa gacmaha Xumaanta loo adeegsanaayey ,  mar hadii uu ahaa kuwo ugu tunka weyn ee taladooda la dhegaysto, Aafada dhacdayna ay tahay wax aan miqiyaaskeeda la garanayn, mar haddii aynaan arag maalin qudha oo damiirkiisu diiday xumaanta, maxaynu ku sheegi karnaa inuu damiirkiisu yahay.
Hadal iyo murti Sacadow waxaan ku soo koobayaa ,ma tihid ka aad adigu isku sifaysee waxaad tahay mid aanay u kala calaamadsanayn xumaanta iyo samaantu, waxaad tahay mid damiirkiisu urin dareenka xun iyo ka wanaagsan, mid ay been tahay waxa uu sheeganayaa.
Haddaba waxan kuu soo jeedinayaa horaad wadanka u haligtee wixii hore wax hawgu sii darin.
W/Q
Faysal Cali Kayse 
Faysal39@gmail.com
London Uk



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured