".. lama Ogola Inay Maraakiibtu usoo Dhowaato Dhuumaha Shidaalka, Waana laga Raraya oo Mashruuca Dhismaha Dekedda Cusub ayey ku jirta, 24-bilood, ayey Haystan Dp inay Dekeda ku Dhisan, markaa Saacadu Xaggeena way Ka leexatay oo xaga Dp World ku socotaa". Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo Warbixin siiyey Guddida dhaqaalaha ee Golaha Guurtida

0
Sunday November 11, 2018 - 19:09:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 909
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ".. lama Ogola Inay Maraakiibtu usoo Dhowaato Dhuumaha Shidaalka, Waana laga Raraya oo Mashruuca Dhismaha Dekedda Cusub ayey ku jirta, 24-bilood, ayey Haystan Dp inay Dekeda ku Dhisan, markaa Saacadu Xaggeena way Ka leexatay oo xaga Dp World ku socotaa". Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo Warbixin siiyey Guddida dhaqaalaha ee Golaha Guurtida

    ".. lama Ogola Inay Maraakiibtu usoo Dhowaato Dhuumaha Shidaalka, Waana laga Raraya oo Mashruuca Dhismaha Dekedda Cusub ayey ku jirta, 24-bilood, ayey Haystan Dp inay Dekeda ku Dhisan, markaa Saacadu Xaggeena way Ka leexatay oo xaga Dp World ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

".. lama Ogola Inay Maraakiibtu usoo Dhowaato Dhuumaha Shidaalka, Waana laga Raraya oo Mashruuca Dhismaha Dekedda Cusub ayey ku jirta, 24-bilood, ayey Haystan Dp inay Dekeda ku Dhisan, markaa Saacadu Xaggeena way Ka leexatay oo xaga Dp World ku socotaa". Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo Warbixin siiyey Guddida dhaqaalaha ee Golaha Guurtida
Berbera(Xogreebnews)- Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa gudaha Dekedda ku qaabiley Guddida dhaqaalaha ee golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland.
Maareeyaha, ayaa Guddida kusoo wareejiyey qaybaha Dekedda Berbera, waxanu uga warbixiyey halka uu maraayo mashruucii dhismaha  Dekedda cusub 400 Miter. Guddida dhaqaalaha guurtida, ayaa kormeerkoodu markii uu soo dhamaaday waxa ay suaalo xafiiskiisa ku waydiiyeen Maareeyaha Dekedda Siciid Xasan Cabdilahi, kuwasoo waxka waydiiyey xaalada Dekedda Berbera iyo heshiiskii la-la galay Dp World.
Xildhiban Dayib Xasan Boobe, ayaa Maareeyaha waydiiyey Su'aal nuxurkeedu ahaa miyaa laga rarayaa Dhuumaha Shidaalka ee kaabiga ku haya dhismaha Dekedda cusub, waxanu kaga jawaabay, maareeyuhu.
".. Hortaa waan idinka mahad-naqayaa booqashada aad noogu timaadeen, hadii aan ka jawaabo Su'aasha aad u waydiisay Xildhiban, Dekedda cusub waa afar boqol, maadaama oo dhuuntu tahay mid khatar ah oo Shidaal sida, lama ogola Inay maraakiibtu usoo dhowaato, sidaas daraadeed hal kiilo mitir ayaa laga rarayaa dhuumaha Shidaalka, waxanay ku jirta Mashruca. Dekedda bilowgeedii sidaan horeba u sheegay waxan jecelay inaan ku celiyo. Waayo Dadku waxay iswaydiinayaan goormay bilaabmaysaa Dekeddu?.
Dekeddu waxay bilaabantay 11-kii October, ee horteena lagu saxeexay ayey bilaabantay, mudaday haystaana waa 24-bilood, sidaas daraadeed saacadu xaggeena way Ka leexatay oo xagooday ku socotaa".
Sidoo kale, qaar Kamid ah Xildhibanada guurtida ee dhaqaalaha, ayaa iyagguna waydiiyey Maareeyaha su'aalo door ah kuwasoo nuxurkooda Maareeyuhuu kaga jawaabay, sidan.
"... Shaqaalaha Dekedda isbedel weynbaa lagu sameeyey waxana wax walba ka muhiimsan kobcinta shaqaalaha, intii Dp World inoo Timi shaqaale ahaan iyo qaran ahaanba wax badanbaynu ka faaidnay, wax walbana waxa laga eeggaa mustaqbalka, waxana haboon inaynaan ka fekerin Maanta, iyadoo heshiiskii aynu la galnayn Dp World inoo noqday albaabka laga soo galay Somaliland sida Idinka muuqatay Warbaahinta Caalamka".
Sidoo kale, waxa isna halkaa ka hadlay Maareeye ku xigeenka Dekedda Berbera, oo ku dheeraday ah miyada qaranka  u uu leedahay heshiiska Dp World iyo Somaliland ee balaadhinta Dekedda Berbera. https://m.youtube.com/watch?v=rugT_0rc0CU&feature=youtu.be




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured