"...Ilayn Talo isuma kaa sheegto halkay tuur ka Leeday". Xuseen Xasan Badmaax

0
Saturday November 10, 2018 - 02:46:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1079
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "...Ilayn Talo isuma kaa sheegto halkay tuur ka Leeday". Xuseen Xasan Badmaax

    "...Ilayn Talo isuma kaa sheegto halkay tuur ka Leeday". Xuseen Xasan Badmaax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"...Ilayn Talo isuma kaa sheegto halkay tuur ka Leeday". Xuseen Xasan Badmaax Maanta waxaan curin doonaa talooyin iyo toosin taxane ah oo aan ku lafo guri doonaa sidii lagaga bixi lahaa caqabadaha innaga hor taagan midnimada.

27sannadood ka dib shacabka JSL waxay tebayaan cadaalad,sinaansho,ku dhaqanka dastuurka,saami qaybsiga G/wakiilada iyo isu dheeli tirka hogaaminta dalka.
Hadaan kala qaado tabashooyinkan oo aan taabto mid walba talada aan u arko inay ku toosayso.

Cadaalada:
Cadaaladu qoyska ayay ka bilaaban taa,waalidku waa inuu ubad kiisa u cadaalad sameeyaa,ooridiisana siiyaa xaq iyo waajib waxay ku leedahay.Caruurta waa in lagu barbaariyaa cadaalad oo waalidku siiyaa sinaansho.Guud ahaan waalidku gaar ahaan aabahu waa inuu qoyska ku hogaamiyaa sinaansho iyo cadaalad.Dhaqan kani waxuu qoyska ku aroorinayaa nolol deggan,ismaqal,kala danbayn,is-qadarin,xishood iyo ubadka garaad kooda oo ku kora xuquuqda waalidka ku leeyahay,waajibaadka saaran waalidka iyo qadarinta qofba qofka
kale ku leeyahay.Hab dhaqan kani waa sida diinteena suubani inagu waajibisay.Waxaana ka tis-qaada qoys garanaya oo qabatimay ku dhaqanka cadaalada dhexdooda.
Habkan dhaqanka qoyska waxa kale oo saamayn ku leh qoysaska kale ee ay meel wada deggan yihiin ama jaar yihiin.Mar haday isku dad yihiin,iskuna diin yihiin hab dhaqanka nolosha qoysas kaasi waa isku haab.Waxaanay wadaagaan aragti toggan oo ku salaysan dhaqan suuban,isqadarin,kala danbayn iyo ku dhaqanka cadaalada qoysaska dhexdooda.Taasna waxaa ka dhasha wada noolaansho iyo nabad sal-dhigata.Qoys waliba waxuu garanayaa waajibaadka iyo xuquuqda qoyska kale.Qoysas kaa isku goobta deggan way kordhaan waxa ka fircama xaafad ay ku nooshahay bulsho isku dhaqan ah,iskuna diin ah oo samaysta xeer ay ku xaliyaan arimaha dhexdooda ku yimaada dhexdooda ee ku lidka ah wada noolaansha hooda.Si aan dhaawac ugu iman midnimadooda,sinaan tooda iyo adkaynta ku dhaqanka cadaalada dhexdooda.
Hab dhaqan kaa xaafada waxa barbar socda waxbarashada ubad kooda,malcaamad,dugsi hoose/dhexe,sare,farsamo, jaamacad iyo ubadka inta aan nasiib u helin waxbarasho oo shaqo taga helid iyo waayid u qaybsama.Dhamaan ubad kaasi waxay ku soo wada barbaareen dhaqan isku mid ah oo ku salaysan qadarin,ixtiraam iyo dhawrida xuquuqda bulshada ay ku soo dhex koreen.Hab dhaqan kooda oo baray ilaalinta wada noolaanshaha,midnimada iyo sugida cadaalada.
Waxa kale oo qayb ka qaata nolosha ay bulshadu ku soo dhaqantay macalimiinta waxbarashada heerar keeda kala duwan oo iyana waajib ka saaran yahay toosinta hab dhaqanka arday nimo,kobcinta aqoonta arday nimo,tix gelinta, qadarint,waajibaadka iyo xuquuqda u dhaxaysa ardayga iyo baraha.Baraha oo ah aabaha labaad ee ardayga waxa waajib ku ah inuu ardayda kula dhaqmo habkii waalidku ku soo barbaariyay ee ahayd sinaan-shaha iyo cadaalada dhexdooda ah.Dhaqamadaa toggani waxay beeraan  bulsho aragtidoodu iyo noloshoodu ka fayaw yihiin sad-bursi,isku dul noolaansho,eex,sinaan daro iyo cadaalad darro oo maanta saamayn ku yeeshay hab dhaqanka siyaasadeed, hogaaminta, midnimada iyo hab dhaqanka nolosha bulshada. Waxaana halkaa ku way doobay habkii suubanaa ee ay bulshadu ku kortay,waxaana qaloocday ku dhaqankii cadaalada.
Dawladahii soo hogaamiyay dalkana kumay guulaysan habkii loo sugi lahaa cadaalada iyo sinaanshaha.Dhinaca kale ee xalinta cadaalada darrada shacabku tebayo waxa ka qayb ah garsoorka dalka oo u baahan in lagu sameeyo isbedel dhab ah ha noqoto dib u eegis xeerarka sida ka ciqaabta ama hab dhaqanka garsoorayaasha,xeer ilaalinta,kala saarida maxkamadaha sare iyo dastuurka.Si loo cadaalad shacabku u siman yahay shacabkuna ku kalsoon yahay waxa lagama maar maan ah in qaabka dhismaha xagga sare ee hogaaminta dalka ahna halka ugu muhiimsan ee midnimo iyo cadaaladaba sugi karta wax laga bedelo lagana badheedho, tusaale qaab kan  in loo dhiso:
1.Madaxweyn iyo kuxigeenkiisa....Isaaq/Samaroon.
2.Labada Gole ee sharci dejinta....Harti/Magaade ama Akisho.
3.Gudoomiyaha Waaxda Garsoorka...Gabooye.
Qaab dhismeed kani waxuu soo celinaya ku dhaqanka cadaalada iyo kalsoonida shacabka,waxaana adkaanaya midnimada iyo sinaanshaha hogaaminta dalka.
La soco qaybaha danbe...
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured