"CEESH IYO DAMAASH IYO REER BERBERA, Sheeko Kale... Laba Askari oo reer Qaaxo ah baa Ina haysta. Waa Muse Biixi (Muse Handaraabay) iyo Maxamed Kaahin (Quful furihiisii la Tuuray)". Yaasin Ismaaciil ( Yaasin Gunti Xume).

0
Monday November 05, 2018 - 02:56:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "CEESH IYO DAMAASH IYO REER BERBERA, Sheeko Kale... Laba Askari oo reer Qaaxo ah baa Ina haysta. Waa Muse Biixi (Muse Handaraabay) iyo Maxamed Kaahin (Quful furihiisii la Tuuray)". Yaasin Ismaaciil ( Yaasin Gunti Xume).

    "CEESH IYO DAMAASH IYO REER BERBERA, Sheeko Kale... Laba Askari oo reer Qaaxo ah baa Ina haysta. Waa Muse Biixi (Muse Handaraabay) iyo Maxamed Kaahin (Quful furihiisii la Tuuray)". Yaasin Ismaaciil ( Yaasin Gunti Xume).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"CEESH IYO DAMAASH IYO REER BERBERA, Sheeko Kale... Laba Askari oo reer Qaaxo ah baa Ina haysta. Waa Muse Biixi (Muse Handaraabay) iyo Maxamed Kaahin (Quful furihiisii la Tuuray)". Yaasin Ismaaciil ( Yaasin Gunti Xume).
Sheekooyinkani waxay hor dhac u yihiin Silsilad sheekooyin ah oo la magac baxday, Dhulka Magacyadiisay wixii dhacay ku yaaliin.
Sheekadan Waxaa cinwaankeedu yahay Ceesh iyo Damaash, waxaanay ka dhacday magaalada dekada ah ee Berbera waqti aad u fog.
Berbera Waa magaalo ganacsiyeed qadiim ah oo taariikh badan leh. Gamacsigii ka jiray Berbera wuxuu isu keenay quruumo badan oo kala duwan. Waxaaba la xusaa in waqti waqtiyada ka mid ah Berbera ay ahayd magaalo luqado badan lagaga hadlo.
Waxaa Berbera joogi jiray laba nin oo Dilaaliin ah oo la kala odhan jiray Ceesh iyo Damaash oo xarfaan ahaa oo badeecadaha u kala iibin jiray Carabta badeecada keenta iyo ganacsatada muxaliga ah.
Maalin maalmaha ka mid ah Waxaa dekada Berbera kusoo xidhatay dooni badeecad ama bushcurad sida oo uu wado ganacsade carab ah. Waxaa ganacsadihii markiiba la
Kulmay labadii nin ee dilaaliinta ahaa Waa Ceesh iyo Damaash e, waxaanay ku war geliyeen inay alaabta iyagu iib gaynayaan isna uu iska nasto.
Ceesh iyo Damaash miskiinkii way dhaceen oo intay allaabtii iibiyeen bay May baxsan e u tegeen Carabkii musaafirka ahaa, waxaanay ku yidhaahdeen alaabtii aad keentay si fiican baa loo iibsaday oo Waa la kala boobayba e orodoo noqo oo alaab kale keen.
Markuu Carabkii waydiiyay waayee tii hore lacagteedii meeday ayay ku yodhaahdeen bi’i Waaye alaabtu dayn iska naqad ah bay ku maqantee intaanu soo ururinayno lacagtaa ayaabad safar kale kasoo gaadhsiin lahayde orodoo taw dhe oo dooni kale soo shaaxin hawsha lacagtana anaga noo daa.
Carabkii wuu rumaystay Ceesh iyo Damaash dib ayaanu u noqday oo dooni kale oo alaabi ku shaaximantay oo kaba badan tii hore ayuu Berbera keenay.
Wuxuu markiiba la kulmay Ceesh iyo Damaash. Kuye Waa tan dooni dii kale e maxaa tii hore lacag sii ururiseen.
Waxay ugu jawaabeen Waar xisaabtu ha inoo danbaysee bal Horta laabta waa la sugayee aan iibino ka dib lacagtii labada doonyood ba waanu kuu dhiibay naa.
Carabkii oo is leh waxaad heshay suuq iyo ganacsi iyo faa’iido badan ayaa alaabtii u dhiibay Ceesh iyo Damaash.
Sidii berigii hore ayay alaabtii faasaxeen balse Carabkii waxba umay dhiibine indha adkaantooda waxaabay ka dalbadeen inuu dooni sadexaad soo raro oo hadhow sadexda doonyoodba xisaabtooda ay mar wada dhiibi doonaan.
Markan Carabkii wuu shakiyay balse wuxuu is yidhi kolay dhacantaye bal nimanka u kaadi badi Waa intaasoo Waxaa gii waxuun kaaga soo noqdaane.
Dib ayuu u safray waxaanu keenay doonidii sadexaad oo alaab ah. Balse markan dekada kuma soo xidhin maba soo dejin alaabtiiye wuxuu raadiyay Ceesh iyo Damaash.
Markuu helay ayuu ku yidhi alaabtii waan keenay Lkn illaa lacagtii labadii doonyood ee hore aad I siisaan walee in aanan tan soo rogayn.
Ceesh iyo Damaash sidoodii bay ku yidhaahdeen waaryaahe oo suuqaba adigaa ku haystee, dadkii oo dhami alaabtaaday sugayeene hunguri xumidaa miyaanad na arkayn inaanu nahay niman odayaal ah oo sumcad leh? Waar soo deji alaabta aan iibinee!
Carabkii markan buu xaqiiqsaday inaanu helayn lacagtii alaabooyinkii labadii doonyood ee hore saaraa waxaanu u cararay xaga bada isagoo ku dhawaaqaya hadalkan:
"Al madiinatu fiihaa Ceesh wa Damaash walaahi maa fii macaash”
Magaalada Ceesh iyo Damaash joogaan walaahi macaash Ma laha.


Waxaan uga jeedaa horta laba askari oo reer Qaaxo ah baa Ina haysta.
Waa Muse Biixi (Muse Handaraabay) iyo Maxamed Kaahin (Quful furihiisii la Tuuray) ama Calam-Jadan qofba siduu u yaqaano.
Wadankii haliso amaan daro, Sumcad daro, masuuliyad daro, dagaalo dilal badan gaystay, Jabhado iyo siyaasad xumo gudo iyo bedeb ba ah baa ka dhacaaya.
Koonfurta Laasacaanood dagaalo aad u foolxun oo sokeeye ayaa dhawaan ka dhacay. Dawladu umay gurman. Dhaawicii waxaa la geeyay Mogadishu e lama keenin Burco iyo Hargeisa midna.
Waxaa usoo gurmaday Maamulka Kililka Shanaad ee Ethiopia, Gedo, Puntland, Farmaajo iwm. Balse Somaliland oo mashaqadu dhexdeeda ka dhacday Muse iyo Ina Kaahin Ceesh iyo Damaash midna lug kuma yeelan.
Ha la handaraabo hantida Waa gudoon waase kala gaare 
Wixii nabada goynaaya ee lagu gargaaraayo
Guno iyo tabaalada wixii lagu gufaynaayo
Gar Alla e ma doqon baa ninkii taana garan waayay.
 Muse iyo Ina Kaahin Waa Ceesh iyo Tabaash oo kale oo garan waayay inay Carabka yidhaahdaan waar intana hoo Waa lacagtii safarkii hore kasoo xarootaye inta kalena na yara sug laakiin doonida badweyn ka soo kaxee.
Laga yaabaa in mashruucu uba sii socon lahaaye.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured