Milicsi iyo Ma Hadho: Maalmihii Xamaasadda lahaa ee Oloollihii Doorashadda Madaxtooyadda Sannaad ka Hor Xilligan oo kale Xumadii Musharaxiinta Iyo Wacdarihii Tartankii Sadexda Xisbi Iyo Doorkii guusha Xoghayaha Kulmiye ee Gobolka Saaxil Cumar Xuuxuule…?.

0
Saturday November 03, 2018 - 03:37:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 970
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milicsi iyo Ma Hadho: Maalmihii Xamaasadda lahaa ee Oloollihii Doorashadda Madaxtooyadda Sannaad ka Hor Xilligan oo kale Xumadii Musharaxiinta Iyo Wacdarihii Tartankii Sadexda Xisbi Iyo Doorkii guusha Xoghayaha Kulmiye ee Gobolka Saaxil Cumar Xuuxuule…?.

    Milicsi iyo Ma Hadho: Maalmihii Xamaasadda lahaa ee Oloollihii Doorashadda Madaxtooyadda Sannaad ka Hor Xilligan oo kale Xumadii Musharaxiinta Iyo Wacdarihii Tartankii Sadexda Xisbi Iyo Doorkii guusha Xoghayaha Kulmiye ee Gobolka Saaxil Cumar Xuuxuul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milicsi iyo Ma Hadho: Maalmihii Xamaasadda lahaa ee Oloollihii Doorashadda Madaxtooyadda Sannaad ka Hor Xilligan oo kale Xumadii Musharaxiinta Iyo Wacdarihii Tartankii Sadexda Xisbi Iyo Doorkii guusha Xoghayaha Kulmiye ee Gobolka Saaxil Cumar Xuuxuule…?.

Berbera(Xogreebnews)- Waxa muddo sannaad ah laga jooga maalmihii xamaasadda iyo xiisaha Siyaasadeed lahaa ee Oloollihii doorashadda aqalka Madaxtooyadda Somaliland ee ay ku tartamaayeen sadexda Xisbi ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, kuwasoo maalinba uu isku soo bax lahaa Xisbi keliyii.

Haddaba Xasuusta Maalmahaas waxaynu Maanta qormo kooban kusoo qaadan doonaa mid kamid ahaa shaqsiyaadkii guusha Kulmiye habeen iyo maalin heeganka ugu jiray inuu Madaxweyne noqdo Muuse Biixi Cabdi, iyaddoo qormadani noqon doontaa mid taxane ah, waxaynu Maanta si gaarka ugu soo qaadan doonaa Xoghayaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil Siyaasi Cumar Xuuxuule, kaasoo maalmahaa oloolaha Xisbiga Kulmiye sida cadceeda uga dhex-muuqday, isla markaana ahaa mid kamid ah tiirarkii keenay gusha Xisbiga Kulmiye ka gaadhay Gobolka Saaxil.

Xoghaye Cumar Xuuxuule, waxa lagu xasuustaa dedaalo dheeraada iyo karti badnaan uu maalmahaas kaga dhex hilaacay Xisbiyaddii la tartamaayey Xisbigiisa Kulmiye. Isagoo ahaa mid isku mara habeen iyo maalin dhamaan xafiisyadii galbeedka Berbera, gaar ahaan Tuulooyinka laamiga ku teetsan iyo kuwa ka leexsanbaa.

Xoghaye Cumar Xuuxuule, waxa uu kamid ahaa dadka daacada u ahaa inuu Madaxweynaha qaranka noqdo Muuse Biixi Cabdi, waxanu muujiyey karti iyo dedaalo dheeraada, hase-yeeshee waxa wax laga xummaada ah in aanu isagga iyo shaqsiyaadkii lamidka ahaa ee gobollada dalka oo dhan, ee hayey xilalka Xoghayaasha aanay Xukuumaddu u dhiiban xilal. Sidaas daraadeed waxa isweydiin mudan miyaa la ilaaway, mise waa loo soo socdaa Xisbiyahaanadii guusha ku suntanaa, maadaama oo waqtigoodii iyo taageeradiiba la garab galleen Madaxweynaha Maanta, Miyaanay haboonayn in Madaxweynaha iyo Xisbigiisuba u cadaalad sameeyo, sida Gudoomiyaasha iyo Xoghayaasha Gobolada. Halkan hoose ka daawa Sawiiradda, maalmihii oloolaha iyo wacdarihii Xoghayaha Gobolka Saaxil ee Xisbiga Kulmiye.

Image may contain: 3 peopleImage may contain: 1 person, smiling, outdoorImage may contain: 1 person, smiling, outdoorImage may contain: 4 people, people standingImage result for taageerayaasha Kulmiye gobolka SaaxilImage result for taageerayaasha Kulmiye gobolka Saaxil




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured