Buuga Xirsi Qoray SAGAL JET Laguma Daabacin, ee Ha Marin-habaabina Colka Xirsow, Hub-siimo Halbaa la Siistaaye, Gudoomiye Cabdi Yuusuf Aar Waa Ganacsade Dalka kusoo Kordhiyey Horumar Ganacsi?.

0
Tuesday October 30, 2018 - 06:26:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1073
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Buuga Xirsi Qoray SAGAL JET Laguma Daabacin, ee Ha Marin-habaabina Colka Xirsow, Hub-siimo Halbaa la Siistaaye, Gudoomiye Cabdi Yuusuf Aar Waa Ganacsade Dalka kusoo Kordhiyey Horumar Ganacsi?.

    Buuga Xirsi Qoray SAGAL JET Laguma Daabacin, ee Ha Marin-habaabina Colka Xirsow, Hub-siimo Halbaa la Siistaaye, Gudoomiye Cabdi Yuusuf Aar Waa Ganacsade Dalka kusoo Kordhiyey Horumar Ganacsi?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Buuga Xirsi Qoray SAGAL JET Laguma Daabacin, ee Ha Marin-habaabina Colka Xirsow, Hub-siimo Halbaa la Siistaaye, Gudoomiye Cabdi Yuusuf Aar Waa Ganacsade Dalka kusoo Kordhiyey Horumar Ganacsi?.
Mudooyinkii u dambeeyey waxa baraha bulshada kusoo badanaayey dad-yow caadeystay Cay iyo ceebeyn aan geedna loogu soo gaban oo ay Ku bar tilmaameedsadaan had iyo goor Shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay.
Dadyowgaa beena-waasyadda ah waxa kamid ah, kuwa ilaa Xalay baraha bulshaddu Ku kulanto iyo qaar kamid ah shabakada Wararka Ku baahinaayey War aan sal iyo raad-toona lahayd, kuwasoo qorshahoodu ahaa inay xajiin u sammeeyan Shirkada Sagal-jet, isla markaana Ku doodaayey inay Bahda Sagal-jet faafisay Buug uu qoray hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ee baraha bulshada lasoo geliyey isagoo PDF ah.
Hase-yeeshee warkaas oo ahaa gar-daro cadaan ah, oo aan geedna loogu soo gaban oo shaqsiyaad danno kala duwan lehi dabada ka riixayaan, iska markaana lagu xajiimaynaayo Shirkada Sagal-jet oo kasbatay kalsoonida shacabka reer Somaliland. Waayo? Shirkada Sagal-jet may Daabacin Buugga Xirsi meelay kasoo gashaana ma jirto.
Waxana buugga Siyaasi Xirsi qoray daabacday Shirkada kale oo lagu magacaabo Asal-jet. Hase-ahaatee waxa wax lala yaabo ah, oo weliba lagu qoslo ah Ninka Shirkada Sagal-jet Ku eedeynaya Buug aanay Daabacin bay faafisay, waa sheeko runtii lagu qoslo oo gar-daro.
Sidoo kale, shaqsiyaadka walwaalaya beenta ay baraha bulshada la wareegayaan ee lagu aflagaadeynaayo Shirkada Sagal-jet, ayaa waxay nuxurka beentoodu iskugu soo biyo shubbanaysaa qadafyo lagu aflagaadeynayo Gudoomiyaha Shirkada Sagal-jet Cabdi Yuusuf Aar oo ah shaqsiyad xummaan ka dheer oo dahaba, isla markaan ah muwaadin gamacsade ah oo leh firfircooni iyo karti badan. Maamulaha Shirkada Sagal-jet Cabdi Yuusuf Aar Laguma eryan karo waxay isku beel yihiin Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Sidaas daraadeed waxa haboonan lahayd shaqsiyaadkan Marin habowsan inay ka waantooban cayda fadhi Ku diriirka ah iyo xajiimaynta geedsare waabka ah ee lagu bartilmaameedsanayo Sagal-jet.
Shirkada Sagal-jet waxay kamid tahay Shirkadaha sameeyey horumarka balaadhan ee ka hanna qaaday geyiga Somaliland, iyadoo dalka kusoo kordhisay adeegyo casriya oo kor u qaaday adeegyada ganacsi ee dalka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured