Cali Guray: Siyaasi Dhaqaale-ahaan ka Faa'iiday Shirqooladii u Maleegay Jamaal Cali Xuseen!!!. W/Q Saki Xasan Saleeban

0
Saturday September 08, 2018 - 03:23:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Guray: Siyaasi Dhaqaale-ahaan ka Faa'iiday Shirqooladii u Maleegay Jamaal Cali Xuseen!!!. W/Q Saki Xasan Saleeban

    Cali Guray: Siyaasi Dhaqaale-ahaan ka Faa'iiday Shirqooladii u Maleegay Jamaal Cali Xuseen!!!. W/Q Saki Xasan Saleeban

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Guray: Siyaasi Dhaqaale-ahaan ka Faa'iiday Shirqooladii u Maleegay Jamaal Cali Xuseen!!!. W/Q Saki Xasan Saleeban
Waxa la yaabay qoraal daciifa oo Mujaahid Cali guray, dhowaan si ula kac ah ugu shaqsi maagay Siyaasi Jamaal Cali Xuseen, oo isaggu si cilmiyeysan Waraysi laala yeeshay uga hadlay Xaalada guud ee dalka, isla markaana Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi ku boggaadiyey talaabooyin uu qaaday, sidoo kale ugu baaqay bulshada ka cabanaysa xagga Saamiyadda Xukuumada Madaxweyne Muuse, inay sii miirqabta u garnaqsadaan, isagoo Sarkaal Caare-na ugu baaqay inuu dalkiisa dib ugu soo laabto, isla mar ahaantaana gudaha Somaliland ku dhex garnaqsado.
Haddaba Waraysigaas uu bixiyey aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, qaybaha bulshada Somaliland Iyo cid kastoo samaha jeceli %90 way soo dhoweysay, sidoo kalena ma jirto cid haba-yaraatee waraysigaas Jamaal wax iin ah ku sheegtay. Hase-yeeshee habeenkii Waraysigu ka baxayey Telefishanka Hctv, ayaa Ninka lagu magacaabo Cali Guray, waxa uu bartiisa Facebook degdeg uga dhalleeceyey Jamaal Cali Xuseen, isagoo durin waxa uu Jamaal ka hadlay, balse doc kale ula booday Waraysigiisaas, waxa uu Cali guray ka hadlay hanka mustaqbalka ee Siyaasi Jamaal Cali Xuseen, isagoo farta ku fiiqay furashada Ururadda Siyaasadeed ee 2022-kaddib, waxa uu tilmaamay inay suuro gal tahay lasoo bixista Xisbi Jamaal Cali Xuseen.
Hase-ahaatee dulucda Qoraalka Mujaahid Cali Guray, ayaa iskugu soo biyo shubtay inuu Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ka doonaayo Laalush la xidhiidha hankiisa Siyaasadeed ee Mustaqbalka, maadaama oo Cali guray kusoo caano maalay ku shaqaysiga xirfadeed ee qoraaladda uu dadka ku duro ee Facebook. Hadaba Akhristow hadaad aragto Cali guray oo cid Facebook ka caayeya waxa ka doonayaa Laalush?. Sidoo kalena hadaad aragto Cali guray oo cid Facebook ka amaanaya wuxuu ka qaatay Lacag?.
Sidaas daraadeed cid kastaa oo akhriday qoraalada Cali Guray, gaar ahaana kan uu dhowaan Laalushka kaga doonayey Jamaal Cali Xuseen, waxay garanaysaa in aanu haba-yaraatee Cali Guray diffaacay Madaxweyne Muuse Biixi, balse nuxurkiisu ahaa haku siiyo Lacag Jamaal, maadaama oo muddo ku siman 6 sanaadood Mujaahid Cali guray ahaa shaqsigii horeyso iyo dambayso shirqooladii loo maleegay hankii Musharrax Jamaal Cali Xuseen bilaabay, isagoo dagaalkii lagu qaaday Jamaal xataa Faysal Cali Waraabe kaga horreeyey.
Cali guray waxa uu ahaa Ninka keliya ee ka taajiray Musharraxnimadii Jamaal Cali Xuseen. Cali guray muddo shan sanadood ah waxa uu Jamaal bil walba siinaayey Lacag ka badan $1000, oo joogto, ah sidoo kale Jamaal waxa uu siiyey Cali guray xilkii gudoomiyenimo ee garabkiisa ka yimi, oo ahaa mansabkii ugu sareeyey ee abid Cali guray Siyaasad ka qabto, sidoo kalena aan filayo inuu noqdo kiiiii ugu dambeeyeyna, kaasoo ahaa Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee Ucid.
Hadana iyadoo waxaas oo abaal ah uu ku leeyahay Jamaal Cali Xuseen, waxa uu dhiniciisa Cali guray habeen iyo Maalin ka shaqaynaayey shirqoolo kala duwan, oo ka dhan ah musharaxiisi Jamaal Cali Xuseen. Cali guray waxa uu Faysal Cali Waraabe oo aan Kuba hamiyey dagaal uu la galo hanka iyo Musharaxnimada Jamaal waxa uu sannaadkii 2015-kii ula tagay Faysal shirqoolkii ugu horeeyey, isagoo Cali guray ka dalbaday Faysal inuu xisbiga kala qaado Jamaal, isla markaana Inadeerkii Maxamed Biixi yoonis Musharrax ka dhigaan, waxana qorshahaas hore dib uga istaagay Faysal Cali Waraabe Iyo Maxamed Biixi Yoonis. Xilligaas Cali guray dhabarka tooganaayey Jamaal Cali Xuseen, waxa khilaaf baani ka taagnaa musharaxnimada Xisbiga Kulmiye, waxanu si toos ah ula safnaa Inadeerkii Maxamed Biixi Yoonis oo lagaga adkaatay Xisbiga Kulmiye.
Markii uu Madaxweynaha hadda Md. Muuse Biixi kooxdii kale kaga adkaaday Xisbiga Kulmiye ee ay Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka baxeen raxantii wasiirada ahayd ee ay hoggaaminayeen Maxamed Biixi yoonis iyo Xirsi Cali Xasan, waxa uu Siyaasi Cali guray muddo dheer geed walba u fuulay in Maxamed Biixi iyo kooxdiisa ay Keenan Ucid,  lagana takhalusiyo Musharaxnimada Jamaal oo ay ku bedelaan Ninka Nuux Ismaaciil ee ay ilmaadeerka yihiin Cali Guray, hase-yeeshee waxa qorshihiisaas ka aragti duwanaaday Faysal Cali Waraabe oo isna uu dhabarka soo taabtay Musharrax Muuse Biixi oo dhaqaale horaantii soo siiyey Faysal Waraabe, Maalintaas ayey Cali guray iyo Faysal kala baydheen. 
Bilowgii Khilaafka Ucid iyo damacii Faysal Cali Waraabe ee laba kaclaynta waxa Cali guray bilaabay dabaal joogtay uu isku muujinaayey inuu la safan yahay xaga Jamaal Cali Xuseen, balse xidhiidh ay lasoo sameeyeen Ganacsade Ina Aw Siciid, oo iyagguna dhaqaale kusoo horay Cali guray iyo faysal mid walba goonidiisa, waxa Cali guray la qaabilsiiyey dhaaqaale joogto ahna loogu bilaabay Cali Guray inuu dhabarka ka Toogto Jamaal. La soco qaybaha dambe.
Qalinkii 
Saki Xasan Saleeban.
Saakisu122@gmail.com
Borama/Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured