DOORASHADA GOLAHA DEGAANKA IYO WAKIILADU MA KU QABSOOMAYAAN MUDADII LOO QOONDEEYAY. Qalinkii: Hal-abuur/Eng/Samokaab: Cabdixakiim Maxamed Cabdi.

0
Tuesday September 04, 2018 - 04:52:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1714
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DOORASHADA GOLAHA DEGAANKA IYO WAKIILADU MA KU QABSOOMAYAAN MUDADII LOO QOONDEEYAY. Qalinkii: Hal-abuur/Eng/Samokaab: Cabdixakiim Maxamed Cabdi.

    DOORASHADA GOLAHA DEGAANKA IYO WAKIILADU MA KU QABSOOMAYAAN MUDADII LOO QOONDEEYAY. Qalinkii: Hal-abuur/Eng/Samokaab: Cabdixakiim Maxamed Cabdi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DOORASHADA GOLAHA DEGAANKA IYO WAKIILADU MA KU QABSOOMAYAAN MUDADII LOO QOONDEEYAY. Qalinkii: Hal-abuur/Eng/Samokaab: Cabdixakiim Maxamed Cabdi.
Alleh Mahadleh(SW), Sharaf iyo Karaamana nebi maxamed (NNKH) ayaa leh.
Aan u kala qaado Labba amuurood oo u baahan dood iyo talo wadaag.
1. Asbaabta keeni karta in doorasho dib u dhacdo iyadoo laga shiidaal qaadanayo Dastuurka jamuuriyada Somaliland iyo xeer hoosaad yadiis:

A. Qodobka 83aad (Habka Doorashada) ee dastuurka, tirsigiisa 5aad oo ka hadlaya sabab dib u dhigi karta doorashada madaxweynaha iyo ku- xigeenka madaxweynaha una dhigan sidan "Hadii ay suurtoobi waydo daruufo la xidhiidha nabad galyada darteed in la qabto doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka madaxweynaha marka mudada xilkoodu dhamaado, waxaa golaha guurtida waajib ku ah in ay mudada xilka u kordhiyaan madaxweynaha iyo ku- xigeenka madaxweynaha, iyagoo tixgalinaya mudada mudad dhibaatada lagag gudbi karo, doorashaduna ku wabsoomi karto"
Waa hubaal in aanay maanta doorashadaasi taagnayn.
B. Xeerka Doorashada Golaha Guurtida ( Xeer No. 20-3/2006) Qodobkiisa 63aad (Mudada Kordhinta Golaha Guurtida) oo u dhigan sidan " Hadii doorashada golaha guurtidu Qabsoomi waydo daruufo adag oo la mid ah kuwa ku tilmaaman Qodobka 42aad Faqradiisa 3aad ee Dastuurka waxaa soo jeedinaya iyadoo sababaysan Madaxweynaha waxaana qiimaynaya mudada daruufahaasi lagaga bixi karo, go'aana ka gaadhaya golaha wakiilada".
Waa Muran iyo marag ma doon in doorashadaasi maanta u baahan tahay dood, falaqayn iyo talo wadaag, sababta oo ah waayeelkii iyo odayaashii huwanaa dhaqanka iyo diinta badankoodiiba wadkaa u yimid, tiro aan ku qiyaasi karo 20% ayaa ka sii jooga, kursigii sharafta iyo milgaha lahaa ee guurtidu waxa uu isku badalay dhaxal.
C. Qodobka 42aad ( Mudada Xilka iyo Xiliga Dooraahada) ee dastuurka, tirsigiisa 3aad oo u dhigan sidan "Hadii doorashada Golaha wakiiladu ku Qabsoomi waydo Daruufo adag awgeed golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso daruufahaasi lagana dooranayo gole cusub Daruufahaas adagi waa; Dagaal baahsan, Xasilooni daro gudaha ah, Aafo dabiici ah oo culus sida Dhul gariir, cudurada faafa, Abaaro culus; waxaana qiimaynaya kana go'aan qaadanaya Golaha guurtida kadib marka golaha xukumadu sidaas soo jeediso"


Waa dhab in intaa uu sheegay dastuurku alleh inaga deyray oo maanta aynu ku daashoonayno kuna naaloonayno nabad iyo naruuro.
Dulucdiyo u jeedada
Runta aan u Daadago
Docda Hadalku waa hee! (Ab: Hadraawi)
D. Dastuurka iyo xeer hoosaadyadiisaba markii aan u baadhay si mug iyo miisaan leh, waxaan arki waayay qodob ka war bixinaya sababo keeni kara in ay dib u dhacdo doorashada golaha degaanku, waxaan u arkay waa raygaygee in aanay jirin asbaab ay dib ugu dhici karto doorashadaasi.
 E. Mudada xilka xildhibaanada Golqyaasha Degaanku waa 5 sano oo ka bilaabmaysa maalinta lagu dhawaaqo

Sida muqadaska ah marxaladahaas iyo xaakadahaas aan ka soo xigtay Dastuurka iyo xeerarkiisa ka hois farcanaya odhan maayo dalku uu ku sugan yahay oo doorashadu dib ayay u dhacaysaa ama amintii loo cayimay ayay dhaafaysaa, mahaduna alleh ayay u sugnaatay inaga badbaadiyay duruufahaas qalafsan. Sidaa daraadeed cid kasta oo doonaysa in aanay doorasho dhicin waa cid aan odhan karo waxay u hanqal taagaysaa dhib iyo dhiilo aanu maanta dalku u baahnayn.
2. Asbaabta ay Doorashadu xilligeedii ku qabsoomayso:
Taladaan ka ruugin waa lagu rafaadaa!
Waxaan jeclaan lahaa in labba dhinac oo sababaysan aan ka eego. Waa dhinaca koobaade, waa mudada ka hadhsan doorashada, waxaa ka hadhsan mudo ka badan lix bilood ah ama mudo ka badan 183 caano maal.
Hawl kasta oo ku arooraysa doorashada oo qabyo ah hadii ay tahay diwaan galinta codbixiyayaasha iyo wixii kale ee jiraba waa hubaal in ay ku dhamays tirmi karto mudadaasi.
dhinaca labbaad ee aan doonayo in aan ka eego, waa dhaqaalaha, dhaqaalihii doorashada lagu galaayay diyaar ma yahay? Haa waa diyaar!
Madaxweynahe Muuse Biixi waxa uu marar door ah ku celceliyay in xukumad ahaan intii kaga aadanayd Kharashkii doorashada lagu gali lahaa ay diyaariyeen, diwaan galintuna qabsoomayso.
Biyo meel godan ayay isugu yimaadaane qormadan kooban waxaan ku soo gabogabaynayaa, anigoo ka duulaya sababahaas aan kor ku soo xusay, kuna soo cadeeyay ama ku soo iftiimiyay, oodo dhacameed sida ay u kala sareeyaan ayaa loo kala qaadaaye, una kala qaaday markii aan hufay oo aan haadiyay waxaan xaqiiqsaday in wax lagu gabado oo dib u dhigi kara doorashada meeshaba oolin ama aanay jiri, xilligeediina ku qabsoomi karto hadii hawl-wadeenada gacanta ku hayaa ay daacad ka yihiin.
Qalinkii: Hal-abuur/Eng/Samokaab: Cabdixakiim Maxamed Cabdi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured