Maxaa Sababay in Kooxaha Kubada Cagta Ee Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo Loo Kireeyo Hotelo, Halka Kooxahii Kalena La Dejiyey Iskuulo.

0
Saturday June 08, 2013 - 08:16:00 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sababay in Kooxaha Kubada Cagta Ee Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo Loo Kireeyo Hotelo, Halka Kooxahii Kalena La Dejiyey Iskuulo.

    Qormadii 4 aad: Cadaalad darada iyo qabyaalada,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadii 4 aad: Cadaalad darada iyo qabyaalada,

Maxaa Sababay in Kooxaha Kubada Cagta Ee Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo Loo Kireeyo Hotelo, Halka Kooxahii KalenaLa Dejiyey Iskuulo.

Qormadii 4 aad:

Cadaalad darada iyo qabyaalada, eexda,qaraabo kiilkaka jirta somaliland ee aan qarsoodiga lahayn waxaa daliil u ah dhalinyaradii ka soo qayb gashay tartanka ciyaaraha gobolada ee somaliland oo qaarkood huteelo la dajiyey qaarna iskuulo,

waxaan magaalada burco ku tegay safar igu qaatay afar maalmood 4-tii ilaa 7 -dii bishan june ee aynu ku jirno ee 2013-ka mudadaa aan ku sugnaa magaalada burco waxaan la kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan ,waxaanan ka soo ururiyay dhacdooyin iyo taariikho kala duwan oo dhinacyo badan taabanaya.

had iyo jeer dhaqanka bin-aadamku wuu ka siman yahay soomaaliduna ay caanka ku tahay waxaa ka mid ah hadal ahaynta dhacdada markaa taagan ama uu raad keedu qoyanyahay oo ay had iyo jeer ay ka furanto dood furani,hadaba suxabnimadii ay taariikhudu ahayd 05/06/2013-ka oo ahayd maalintii ay ciyaarta kubada cagta ay isugu yimaadeen reer burco iyo reer gabilay ayaa subaxnimadeedii imid goob lagu faalaynayo ciyaarta kubada cagta ee maalintaasi galinkeedii danbe hargeysa ku dhexmaraysay reer burco iyo reer gabilay dadkii goobta fadhiyey markii uu mid waliba uu meel ku dhuftay waxaa hadalkii qaatay odeygii ugu da'da weynaa ee goobta fadhiyey waxaanu yidhi sidan.

dhalinayarda reer burco ee hargeysa loo diray ciyaarta faa'iido ka keeni maayaan ,waxaanan odeyga markiiba anigu aan weydiiyey sababta uu deyrada uga muujiyey inaysan guuleysanayn ciyaartoyda kubada cagta ee reer burco ,waxaanau odeygii iigu jawaabay adeer wiil yar baad tahay oo taariikh badan ma hayside daanyeer baa lagu yidhi daanyeeroow qadhaab ka waran waxaanu danyeerkii ku jawaabay tunkayga iyo tagoogeyga ka eeg.

hadaba xukuumada siilaanyo siyaasadeeda dibeda ,teeda gudaha iyo habka loo maamulo dhaqaalaha yar ee dalka soo gala iyo guud ahaanba nidaamka dawladnimo ee ay ku socoto xukuumada siilaanyo waxaa laga dheehan karaa habka loo xulay kooxda kubada cagta ee ku ciyaarta magaca gobolka togdheer, adeer hadii aan faah faahin ka siiyo dadka deegaanka u ahgobolka togdheer waa beelo badan waxaana ka mid ah Beesha uu ka soo jeeda siilaanyo ,dhalinyarada hargeysa loo dirayna laguma soo xulin aqoonta ay u leeyihiin ciyaarta kubada cagta waxaa se lagu soo xulay hab beeleed.

hadaba markii la arkay in ciyaartoyda ka tegaya gobolka togdheer oo dhan dhamaantoodba laga dhigo beesha siilaanyo ee Habar jeclo waxaa lagu dhex taraxay oo qayb ka mid ah laga soo qaatay dhalinyarada ka soo jeeda beesha Habar yoonis , waxaana daaqada laga tuuray ciyaartoydii kubada cagta oo aan hal wiil oo kaliyana lagaga soo darin beelihii kale ee deegaanka gobolka togdheer ,sida beesha Ciise Muuse ,Beesha Dhulbahanta,Beesha Cabdalle Arab iyo Beelihii kale.

hadaba intii ciyaartoydaa ka kooban labada beelood ee kaliya ee aan aqoontana lagu soo xulin ee hab beeleedka lagu soo xulay in aysan burco ka anbabixin way is qabsadeen waxaana ka mid ahaa odeyaashii loogi yeeshay ee arintaa ka gar naqay ayuu yidhi odeygaasi , qodobkii ugu weynaa ee la isku qabsaday wuxuu ahaa kabtanka kooxda kubada cagta ee gobolka togdheer hogaaminaya beesha uu noqonaayo iyo in aysan beel ka soo wada jeedi karin kabtanka kooxda iyo tababaraha kooxdu go'aankii aanu soo saarnayna wuxuu noqday sidii markii horeba ciyaartoyda hab beeleed ka kooban laba beelood oo kaliya loogu soo xulay in anaguna aanu labada beelood u qaybino kabtanka kooxda iyo tababaraha kooxda ciyaartoy naacaasi ahina in uusan guul soo hoynayn idinkuba waad garan kartaanayuu yidhi odeygii.wuxuuna odeygu intaa ku daray sanadkii 1960-kii markii calanka la qaatay waxaan ka mid ahaa dhalinayardii ciyaari jirtay kubada cagta intii ka danbeysayna ciyaarta waan ku dhex jiray waligayna maan arag ciyaar hab beeleed lagu soo xulo xukuumadan siilaanyo ka hor.

hadaba saaxiibayaal feysirka ugu xun ee binaadamka soo kala dhex galaa waa qabyaalada habka lagula dagaalami karaana waa is dhex galka dhalinyarada iyo ciyaaraha oo qabyaalada laga ilaaliyo siilaanyo iyo inta ku xeeranina dhalinyaradii iyo ciyaarihii waxay ka dhigteen salaankii qabyaalada waxayna dad badani is weydiinayaan beelaha laga qayb galin waayay ciyaar kubadeed waxa ka weyn ee loo qaban karo.

akhristow dib u xasuuso qaabkii ay ciyaaraha u maamuli jirtay xukuumadii milateriga ahayd ee siyaad barre oo ahaan jiray mid ka fiican qaabka uu siilaanyo u maamulay tusaale kooban hadii aan ku siiyana kooxdii kubada cagta u ciyaari jirtay gobolkii loo yaqaanay waqooyi galbeed ee ay magaaalo madaxda u ahayd hargeysa kamay koobnaan jirin laba beelood waxayse ka soo jeedeen umadii soomaaliyeed oo dhan sidoo kalena gool wadihii ugu caansanaa geyiga soomaaliyeed ee ay adkaan jirtayba in kubada la daba mariyo dhalasho ahaan wuxuu ka soo jeeday deegaanka hargeysa waana ninkii magaciisa la odhan jiray Cabdi Xaaq waxaanu u ciyaari jiray gobolka jubada hoose ee ay magaalo madaxda u tahay kismaayo , maah maah soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda beenaalle markhaatigiisuu fogeeyaaye waxaan idin soo gudbinayaa magacyada 11-kii tobankii ciyaartoy ee gobolkii waqooyi galbeed ee hargeysa u ciyaarayay ciyaarihii gobolada ee 1984-kii ee lagu qabtay muqdisho ee ay weliba ay ku guuleysteen kooxkii ciyaaraha gobolada waxayna magacyadoodu kala ahaayeen sidan.

1: numberka kawaad waxaa ku ciyaarayay gol wadahoodii oo la odhan jiray shiine

2: numberka labaad waxaa ku ciyaarayay wiilka la odhan jiray Sacad

3: Numberka sadexaad waxaa ku ciyaarayay jamaame

4: numberka afraad waxaa ku ciyaarayay diridhabe oo ahaana kabtanka kooxda

5: numberka shanaad waxa ku ciyaarayay Cabdi fiiryoome

6: numberka lixaad waxaa ku ciyaarayay Sabban

7: Numberka todobaad waxaa ku ciyaarayay Shakuur oo ahaa wiilkii dhaliyay goolkii ay ku hantiyeen guusha.

8: numberka sideedaad waxaa ku ciyaarayay Cawil Dibno

9: numberka sagaalaad waxaa ku ciyaarayay C/laahi dhidar

10: numberka tobnaad waxaa ku ciyaarayay Sitiin Nuux

11: numberka kow iyo tobnaad waxaa ku ciyaarayay Gahayr

hadaba saaxiibayaal waxaa xusid mudan 11-kaa ciyaartoy waxay ka soo kala jeedeen beelaha soomaalida oo dhan loomana eegeyn beesha ay ka soo jeedaan waxase loo eegayay aqoonta ay u leeyihiin kubada cagta sidoo kalena sadexdii tababare ee ay kooxdaasi lahayd laba ka mid ahi waxay ahaayeen reer burco Daahir Cawaale Geelle (Daahir Oday) ,Xaaji Curi iyo Axmed Sawaaxilina wuxuu ahaa reer hargeysa

hadaba isku soo wada duuduuboo Maxaa Sababay in Kooxaha Kubada Cagta Ee Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo Loo Kireeyo Hotelo, Halka Kooxahii KalenaLa Dejiyey Iskuulo.

La soco taxanaha qormooyinka danbe

Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur

Tel:4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured