Xaqiiqaddu maha Sunbaa Dekedda lagu Aasay ee Waxa Shirqoolkaa Wada Shaqsiyaadkii hore u dhaxal-wareejiyey Dekeda Berbera Iyo Dilaalinta Cumaamadaha Sita. W/Q Aqoonyahan Saki Saleeban Xasan

0
Saturday August 11, 2018 - 05:02:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaqiiqaddu maha Sunbaa Dekedda lagu Aasay ee Waxa Shirqoolkaa Wada Shaqsiyaadkii hore u dhaxal-wareejiyey Dekeda Berbera Iyo Dilaalinta Cumaamadaha Sita. W/Q Aqoonyahan Saki Saleeban Xasan

    Xaqiiqaddu maha Sunbaa Dekedda lagu Aasay ee Waxa Shirqoolkaa Wada Shaqsiyaadkii hore u dhaxal-wareejiyey Dekeda Berbera Iyo Dilaalinta Cumaamadaha Sita. W/Q Aqoonyahan Saki Saleeban Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaqiiqaddu maha Sunbaa Dekedda lagu Aasay ee Waxa Shirqoolkaa Wada Shaqsiyaadkii hore u dhaxal-wareejiyey Dekeda Berbera Iyo Dilaalinta Cumaamadaha Sita. W/Q Aqoonyahan Saki Saleeban Xasan
Hore ayey Soomaliddu ugu maahmaahday Beeni-raad ma leh, ama'se Beentu Lug keliya ayey leedahay, Lugtaana marka la qabto way fashilantaa!,
Ma jiraan Koontiinaro Sun ku jirto oo waqti xaadirkan dhexyaalay gudaha Dekedda Berbera, hase-yeeshee waxa weli Dekedda dhexyaala Koontinar sannaad ka hor gubtay, kaasoo ay ku jirtay suntii gubatay sannaadkii hore.
Hadaba, waxa isweydiin mudan oo caqliga fayoobi ku faraya, inaad iswaydiiso dhismaha ay ku fadhido Dekedda berbera, ayaa intaa la qodo, lagu dhex aasayaa Sun, taasi waa ma dhacdo, hadii wax la aasaayo, waxa lagu aasi lahaa Banaanada Ilahay badiyey ee Banaan inta la qaado, waa hadii wax la aasayaba'e, balse sheekada Sunbaa lagu dhex aasay Barxada Dekedda, waa mid aanay shaqsiyaadkii shirqoolka iyo been abuurka sameeyey ka fekerin in umadday wax u sheegayaan garaad leedahay.
Sidaas daraadeed markii aan daba-gal iyo baadhis ku sameeyey Cidda ay kasoo maaxatay fikirkaa shirqoolka ah ee qaranka Somaliland Iyo Dekeda Berbera sumcadeeda lagu dhaawacayo, isla markaana tushuush hor leh iyo buuq siyaasadeed lagu gelinaayo heshiiska Shirkadda maamusha Dekedda  ee Dp World iyo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi,  ayaa waxa xaqiiqo ah oo aan soo oggaaday in arrinkan ay soo maleegeen shaqsiyaad xulufo ah oo iskugu jira masuuliyiinta degmada Berbera maamula iyo dilaalin Siyaasadeed oo caanku ahaa dhaxal-wareejintii Berbera inay ka dambeeyan.
Kooxda ama xulufadan soo dhoob-dhoobtay qorshahan qaran ceebayska ah, ayaa waxa suuqyadoodii dilaaliseed iyo hanti boobkay gobolka Saaxil ku hayeen, soo gaabtay Ama'se xidhmay mudadii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi talada dalka hayey, kuwasoo waxay booban daayo, xata ay ku adkaatay gelista Madaxtooyadda iyo la kulanka Madaxweynaha qaranka Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi. Waxanay kooxdani isu keenkeentay sawiirada qaybta barxadda Dekedda Berbera iyo sawiiro Google.com laga soo saaray oo ah nooca sunta ay sheegeen.
Sidoo kale, kooxdani waxay hore caan ugu ahaayeen ashkhaastii dhaqaalaha Dekedda Berbera laga naas-nuujin jiray waqtigii hore, kuwasoo hadana intay ka qaybqaateen wareejintii Haamaha Shidaalka iyo wareejintii Dekedda Berbera, Iyo weliba boobkii dhulka ee ka dhacay Berbera xataa raasiga qaarkood qaateen, hadana waxay Maanta daydayaan sallaan hor leh oo ay kasoo fuulan Siyaasadda Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, kuwasoo dhamaantood dagaal ku haya masuulka Xukuumada wakiilka uga ah waaxda faraca ee Dekeda Berbera, oo runtii ah shaqsi dad la dhaqan wanaagsan iyo hanaan shaaqo oo daacad ah leh, isla markaana kooxdaasi u arkeen inuu hor joogsaday ama ay ka waayeen dhaqaalihii bilaa xisaabta ahaa ee ay iska daldalan jireen Dekedda Berbera.
Sababihii Wan-jalaada keenay. Wan-jalaada iyo qorshahan qaran ceebayska ah, waxay kooxdani uga dan leedahay laba arrin, oo kala ah, in Shirkadda DP World dadku ku kaco, isla markaana dekedda Berbera kusoo noqoto sideedii hore, si ay u helaan dhaqaale la iska cuno iyo sidoo kale, Maareeyaha Dekeda Berbera Siciid Xasan Cabdilahi oo ay u arkeen inuu iska hor taagay hantidii lagu tagri falaayey, isla markaana mashaaric badan oo aan suurtogal ahayna ay ka dalbadeene inuu sifo bilaa sharciya ku siiyo, balse ay ka waayeen. Sidoo kalena waxa jirta inay kooxdaasi wayday dariiq dhaliil sax ah oo ay ku bartilmaameedsan Maareeyaha Dekeda, kaddib waxay is tuseen kooxda Odayaasha ahi in dagaal ku qaadan sumcada Dekedda Berbera iyo tan dalka. Hase-yeeshee waxay kooxdani ilaawee inuu dalku leeyahay hoggaamiye soo jeeda, kaasoo ah Madaxweynaha qaranka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo aan cidna gardaro iyo Baad inay siiyaan ugu dhagaysanaya masuuliyiinta uu shaqada qaranka u wakiishay. Balse isaggu si quman ugala xisaabtama Masuuliyada u wakiishay.
Cala kuli xaal kooxdaasi waxna lamay hadhin qaranka oo waji hore iyo mid cusub midna umay dhigan, qorshahoodiina ceeb mooyee waxba kamay faaiidin, Beentuna lug keliya ayey leedahay marka la qabtana way dhacdaa. Ilahay samaha iyo xaqa ha ina waafajiyo.
Aqoonyahan Saki Saleeban Xasan
Saakisu122@gmail.com
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured