Jahawareer Xagga Maamulka Ah Oo Ka Dhex Taagan Hay'ado Badan Oo Ka Tirsan Dawlada Iyo Masuuliyiintii Ugu Tirada Badnaa Oo Khilaaf Xoog Lihi Kala Irdheeyay + Magacyada Hay'adaha!

0
Saturday August 04, 2018 - 05:09:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jahawareer Xagga Maamulka Ah Oo Ka Dhex Taagan Hay'ado Badan Oo Ka Tirsan Dawlada Iyo Masuuliyiintii Ugu Tirada Badnaa Oo Khilaaf Xoog Lihi Kala Irdheeyay + Magacyada Hay'adaha!

    Jahawareer Xagga Maamulka Ah Oo Ka Dhex Taagan Hay'ado Badan Oo Ka Tirsan Dawlada Iyo Masuuliyiintii Ugu Tirada Badnaa Oo Khilaaf Xoog Lihi Kala Irdheeyay + Magacyada Hay'adaha!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jahawareer Xagga Maamulka Ah Oo Ka Dhex Taagan Hay'ado Badan Oo Ka Tirsan Dawlada Iyo Masuuliyiintii Ugu Tirada Badnaa Oo Khilaaf Xoog Lihi Kala Irdheeyay + Magacyada Hay'adaha!

Hargeysa (Xogreebnews.com)-Khilaaf xoogleh oo xagga Maamulka ah ayaa mudooyinkii u dambeeyay ka dhex taagan Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Ugu saraysa Hay’addaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,waxaanu khilaafkani saamayn xoog leh ku yeeshay Dhinaca Geedi socodkii shaqada Hay’addahan iyo Waliba Shaqaalihii oo uu mashquul galiyay islamarkaana uu ku abuuray Wal wal iyo walaac ay ka qabaan dhinaca shaqada.

Xoggo rasmi ah oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka fayday in Wasaaraddo door ah iyo Hay’addo kale oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ay ladaalaa dhacayaan khilaaf ragaadiyay Hawlihii shaqada ee ay Qaranka iyo Umadda u hayeen,kaasi oo saamayn xoogleh ku yeeshay shaqaalihii iyo guud ahaan hay’addahaasi,Waxaanay qaarkood khilaafyadani gaadheen dhinaca Madaxtooyadda,taasi oo sababtay in masuuliyiintii is hayay ama khilaafku ka dhexeeyay qaarkood ay shaqadii ku waayaan oo shaqada laga caydhiyo halka kuwa kalena meelo kale loo badelay,inkasta oo intooda badani aan wax dhex dhexaadin ah laga galin ee ay isla murugsan yihiin,oo ay gaadhay heer dhinaca shaqada iska weeraraan oo ay isku awood sheegtaan.


Sida warbixintan aanu ku helnay,Wasaaraddaha sida weyn khilaafku uga dhex taagan Yahay ayaa waxaa ka mid ah Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka,Waxaana isla murugsan Wasiirka Wasaaradaasi Cabdilaahi Abokor iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Cumar-Sayid Cabdilaahi,khilaafkaasi oo la sheegay inuu gaadhay heer uu Wasiirku Shaqo joojin ku sameeyo Agaasimaha. Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka Somaliland Xasan Ismaacil Yuusuf iyo Agaasimihiisa guud Dr Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa si weyn iskugu khilaafay Masuul Wasaaradda ka tirsan oo uu Agaasimuhu shaqada ka joojiyay kadib markii u Hargeysa ku qaabilay Masuul ka tirsan Maamul Goboleedka Jubba-land ee Soomaaliya arintaasi oo uu Wasiirku ka soo horjeestay islamarkaana uu masuulkaasi ku amray inuu soo shaqo tago arintaasi oo gaadhay inuu Agaasimaha guud isku dayo inuu shaqada iska casilo,manna jirto meel khilaafkaasi lagu damiyo balse wuu taagan yahay,waxaanu saamayn ku yeeshay hawlihii shaqo ee Wasaaradda oo taagan.
Dhinaca kale, khilaaf ba’an ayaa ka dhex taagan Gudoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Muuse Xasan Yuusuf iyo Agaasimaha Guud ee Hay’addaasi Maxamed Geedi Caynaanshe,khilaafkaasi oo gaadhay heer ay guud ahaan Shaqaalaha Hay’addo dareemaan oo uu mugdi badani isku gadaamo Shaqada Hay’adda,waxaanu sida la sheegay khilaafkoodaasi ka bilaabay hanaanka Awooda dhinaca Maamulka shaqada iyo maaliyadda Soo gasha Hay’addaasi sidii loo maarayn lahaa maadaam oo ay tahay Hay’ad madax Bannaan,sida aanu warbixinta ku haynana khilaafkaasi wali waa uu taagan yahay. Sidoo kale Gudoomiyaha Hanti dhawrka Qaranka Axmed Yuusuf dirir iyo Agaasimihiisa Guud Axmed Xaashi Cilmi ayaa uu Khilaaf kala irdheeyay,Waxaanu khilaafkaasi gaadhay heer aanu Agaasimihii Guud shaqadaba ka soo xaadirin,Waxaanay wararka aanu ka helnay Arintaasi ay noo  xaqiijiyeen in khilaafkoodu salka ku hayay arimo la xidhiidha dhinaca saxeexa Jeeggagga lacagta,taasi oo uu Gudoomiyuhu sida la sheegay isku koobay,una diiday inuu Agaasimaha Guud wax saxeex ah ku yeesho,taasi oo uu Agaasimuhuna ganafka ku dhuftay.wararka qaar ayaa sheegaya inuu Madaxweynuhu u balan qaaday Agaasimaha inuu meel kale shaqada u wareejinayo.

Ugu dambayn waxa uu khilaaf dhinaca maamulka ahi ka dhex taagnaa Todobaadadii u dambeeyay masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradda Maaliyadda Somaliland,kaasi oo u dhexeeyay Wasiirka Yuusuf Maxamed Cabdi iyo masuuliyiinta ka hoosaysa sida Wasiir ku xigeenka Maxamed Daahir iyo Agaasimaha Guud,Waxaanu khilaafkaasi gaadhay heer uu Wasiirku amar ku siiyo Masuuliyiintaasi ka hoosaysa inaanay wax kormeer ah ku samayn Karin Goobaha Dakhli ururinta iyo meelo kale toona oo ka tirsan Wasiiradda,iyaga oo aan Wax amar ah ka qaadan isaga waxaanay arintaasi gaadhay inay aamusnaa gasho wasaaraddu oo ay joogsato hanaankii wada shaqayneed ee ka dhexaysay Masuuliyiinta Wasaaradda,waxaanad moodaa in lakala shakisan yahay oo mid waliba dhinaciisa u fikirayo. Dhinaca kale waxa meesha ka baxday kalsoonidii dhinaca shaqada ee ay isku qabeen Masuuliyiinta digreetada Madaxweynaha ku jooga Wasaaraddu,waxaanu mid waliba dhinaciisa iska eegayaa ka kale,lamana garanayo halka uu xaal ku dambayn doono.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured