SOO DHAWAYN UMA QALMO INA SAMATAR HABA YARAATE

0
Friday June 07, 2013 - 08:49:19 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOO DHAWAYN UMA QALMO INA SAMATAR HABA YARAATE

    Aniga oo ah nin muwaadin ah oo udhashay dalkan somaliland kuna sugnaa intaa uu xoriyadiisa kala soo noqday somaliya waxaan arkay maalmahan dhawayd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aniga oo ah nin muwaadin ah oo udhashay dalkan somaliland kuna sugnaa intaa uu xoriyadiisa kala soo noqday somaliya waxaan arkay maalmahan dhawayd SOO DHAWAYN UMA QALMO INA SAMATAR HABA YARAATE
Aniga oo ah nin muwaadin ah oo udhashay dalkan somaliland kuna sugnaa intaa uu xoriyadiisa kala soo noqday somaliya waxaan arkay maalmahan dhawayd dhacdo aad iiga yaabisay waana soo dhawaynta axmed ismaciil samatar ay soo dhaweeyeen dawlada siilaanyo iyo umadda reer somaliland qaar badanoo ka mid ahi haddaba waxaan is waydiiyay waa maxay abaalka uu u galay reer somaliland ama waxa uu u qabtay dadkiisa reer somaliland.

Axmed ismaciil samatar waa nin ku sugnaa qurbaha muddo 22 sanno ah waa intii ay jirtay dawladeenna somaliland. Halgankii dheeraa ee SNM haba yaraatee waxba kumuu lahayn waxa uu markasta u ololayn jiray in somalilwayn muqadas tahay waxa uu ahaa tiir adag oo ka soo hor jeeday horumarka somaliland iyo gooni isku taageeda meel kasta oo maraykanka ka mid ahna kaga qudbadayn jiray in somaliland aanay ictiraf iyo gooni isku taag u qalmin.

Maalin dhawayd ayuu ka soo dagay madaarka berbera aad ayaa loo soo dhaweeyay madaxdu waxay isku dayday in ay calanka saraan laakiin wuu iska diiday haddana gabiley oo ah meeshii waalidkiisa iyo qaraabadiisa qaar badan oo ka mid ahi dagan yihiin ayuu tagay, waa magaaladii ay hooyadii ku dhimatayee xataa uu geerideeda iyo aaskeeda iman waayay ayaa hadana lagu soo dhaweeyay iyadoo waxaasi oo dhan la iska iloobay. Xaflad ayaa loo qabtay waxaana loo huwiyay calanka somaliland wanu tuuray laba jeer. Markaa waxaan gartay in uu wali mawqifkiisii somaliweyn ku taagan yahay oo wax iska badalay aanay jirin haddaba waxaan halkan ka soo jedinayaaa qodobadan halkan ku qoran una soo jeedinayaa shacab waynaha somaliland iyo madaxwayne siilaanyo ba:
1) Ina samatar ka dib markii uu xushamayn waaaya calanka muqadaska ah ee uu ku xardhan yahay towxiidku waa in si dag dag ah dalka looga mastafuriyaa wax wanaag ahoo uu u soo waddo dalkeena ma jiro haba yaraate
2) Siilaanyo waa inuu raali galin ka bixiyaa ogolaanshaha iyo cafiska uu u fidiyaya nin wali aaminsan somaliweyn
3) Waa in aan lagu soo dhaweyn meel kale ninka ina samatar ee aan xushmayn xataa umaddisa calankoodii
4) Siilaanyo nin kasta oo siyaasi ah oo somliya kusoo hungooba ama lagu soo dareensiiyo in aanu waxba ka ahayn koonfur sida ina samtar oo kale ha ka fiirsado waxay damcsan yhiin iyo inay dalka wax u garystaan
Waxaan ku soo koobayaaa nin abaal kuu galay waaba la soo dhaweeyaayee nin inta uu dalkaagii af ku weereri jiray kana soo hor jeeday ee haddanna calankaagii hooyo ku jeesjeesay waxba yaynaan xidhinee, kaliya waa inlaga mastaafuriyo dalka. Dadka qaar ayaa odhanayo wuu udhashay lakiin wa in aad ogataan ninka u dhashay maha reernimo ee waa inuu uu mabda a ah gooni isku taga rumaysan yahay haddaanu taa rumaysnayn umuu dhalan dalkan.
Abdalle Caamiri
Waad mahdsan tihiin dhamaan


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured