Safarada Tamashlaynta ah ee Wasiirka Maaliyada oo Kharashka ku baxa xadigiisu Badan yahay+ Wasaarada Maaliyada oo ku Fashilantay Koboc dhaqaale Inay samayso, Xilli Ay kordhisay Cashuuraha Badeecadaha iyo Qaadka

0
Thursday July 12, 2018 - 04:02:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1648
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safarada Tamashlaynta ah ee Wasiirka Maaliyada oo Kharashka ku baxa xadigiisu Badan yahay+ Wasaarada Maaliyada oo ku Fashilantay Koboc dhaqaale Inay samayso, Xilli Ay kordhisay Cashuuraha Badeecadaha iyo Qaadka

    Safarada Tamashlaynta ah ee Wasiirka Maaliyada oo Kharashka ku baxa xadigiisu Badan yahay+ Wasaarada Maaliyada oo ku Fashilantay Koboc dhaqaale Inay samayso, Xilli Ay kordhisay Cashuuraha Badeecadaha iyo Qaadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safarada Tamashlaynta ah ee Wasiirka Maaliyada oo Kharashka ku baxa xadigiisu Badan yahay+ Wasaarada Maaliyada oo ku Fashilantay Koboc dhaqaale Inay samayso, Xilli Ay kordhisay Cashuuraha Badeecadaha iyo Qaadka
Hargeysa(Xogreebnews)- Maamul xumo iyo habacsanaan hadhaysay Wasaaradda Maaliyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa mudooyinkii u danbeeyey maalinba maalinta ka dambaysa isa soo taraysa. Kaddib markii ay isla jaan-qaadi kari waayeen masuuliyiintii wasaaradaas uu usoo magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo shaqaale weynaha wasaaradaas,  kuwasoo uu kasban kari waayey Wasiirka Maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi.
Qaar kamid ah hawlwadeenada wasaarada Maaliyada oo ka cudur daartay in aan magacooda la shaaciyo, ayaa sheegay inay Wasaaradaasi hada noqotay mid aan lahayd mustawe hoggaamineed,  isla markaana raga maamulaa yihiin ehlu musuq-maasuq iyo sidoo kale bilaa aqoon iyo Waayo aragnimo maamul oo aanay haba yaraatee lahayn cidda loo dhiibay masuuliyada wasaaradaas.
Ma jiro wax dakhliya oo kordhay ilaayo mudadii Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi jirtay, iyadoo ay weliba Xukuumadu kordhisay cashuuraha ay ka qaado badeecadaha kasoo dega Dekeda Berbera. Hase-yeeshee marka la eego dakhliga maalin laha ah ee wasaarada Maaliyadu qaado may samaynin wax korodh ah. Sidoo kale wasaarada maaliyadu waxay kordhisay cashuurta Qaadka ee Kastamyada Galbeedka lagu qaado,  balse waxaas oo cashuuro ah oo ay wasaaradaasi kordhisay Lama ogga meelay ku dhacdo, oo kharash la'aan ayaa shaqaaha wasaaradaha qaarkood aanay dhowr bilood qaadan mushaharaadkoodii.
Geesta kale Wararka laga helaayo Dhaqdhaaqyada Wasiirka Maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay wasiirkii ugu liitay ee abid soo Mara Wasaaradaas, kaasoo noqday shaqsi fadhiisiyey gebi ahaanba xisaabaadkii Wasaaradaas. Isagoo masuuliyad darro wuxuu ka qabana safaro dibadeed ugu dalxiis tagaaya dalal shisheeye. Iyadoo kharashka ku baxaaya safaradiisaasi lagu qiyaasay In ka badan $ 30,000, oo Dolar.
La soco cadadka Dambe.
Saylacnews 
Saylacnews@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured