Ilaalinta Sirta Q2aad Farhan Mohamed Sultan (Rakad)
Hadafkii aan ka lahaa ilaalinta sirtu wuxuu ku soo koobmayaa inaad ilaalisaan sirta naftiinna , dalkiinna, diintiinna, dhulkiinna, shaqaddiinna iyo sirkasta oo muhiim intaa aan kor ku soo sheegayba si aad u noqotaan kuwo ilaaliyay sirkasta oo soo gasha.
Ilaalinta sirtu waxay muhiim u tahay qofkasta, shirkadkasta, dawladkasta iyo hawl-kasta oo la rabbo in sirteeda la ilaaliyo. Ilaalinta sirtu waxay sababtaa in kalsooni buuxda lagugu qabo lagu aamino, lagula tashado, se haddii sirta la ilaalin waayo oo aad noqotid qof aan sir lahayn marka koowaad adiga waxa ku niyad jabin doonna jawaabaha kaaga soo bixi doonna ciddii aad sirta la wadaagtay Tusaale ahaan haddii aad fikir ganacsi haysid, cidkastanna aad la wadaagtid ka dibna adigoo fikirkii haya isla fikirkaagii lagugu dul furo taasi waxay sababaysaa nijadjab iyo calaacal aan joogsi lahayn, sirtu maaha in waxkasta la qariyo se waa in waxkasta lala wadaago cid lagu kalsoon yahay oo aan adiga cadaw kugu ahayn, waa inaad aqoon fiican u leedahay cidda aad wax u sheegaysid, waa in aad ku kalsoon tahay, waa in ay ciddaasi tahay cid aqoon u leh sirta aad la wadaagaysid. Bal ila akhri dhacdadan yar , Waxay ahayd shaqaale in badan shaqodoon ahaa ka dibna waxay shaqo ka heshay shirkad ka mida shirkadaha dalka, sharciyaddii iyo heshiisyaddii lala galay waxa ka mid ahaa ilaalinta sirta shirkadda, se way ka siibbatay waxaannay si kalsooni leh ula wadaagi jirtay shirkadii tartanku ka dhexeeyay , maalinkasta waxay la wadaagtaa shirarka la gallo iyo hadafyadda la dajiyo, cidda ay sirta la wadaagaysaa waa shirkad kale oo tartan adag kula jirta shirkadda ay ka shaqeyso se shirkaddani waxay si joogtaa uga heshay sir iyo qorshayaal aannay waligeed hesheen, waxay si joogtaa oo saaxiibtnimo leh u warraysataa inantan shaqaalaha ka ah shirkadda kale taas oo aanney dareensiin in sheekadda iyo warreysiga lala wadaagayaa ay sir u tahay shirkadda, markasta oo jaanis iyo kullan lala yeesho waxa laga warraystaa heerka shirkadda iyo waxa ay qorsheynayso, maalintii ugu qiimaha badnayd waxay fashilisay sirtii ugu fiicnayd ee shaqada lagaga joojiyay taas oo ahayd in ay sheegtay adeegyo cusub iyo siro muhiim u ahaa shirkadda oo ay shirkadeedu ku hawlan tahay ka dibna waxa lagu war hellay shirkaddii oo adeegyaddii lagaga horreeyay iyo in inantii shaqaalaha xafiiska ahayd oo saaxiibtinimo ka dhaxayso shirkaddii uu tartanku ka dhexeeyay baadhis dheer iyo cadeymo badan ka dib oo la ogaaday shaqadiibba waa laga joojiyay, niyad jab baddan ka dib waxay miciin biday Tahriib nasiib xumo se gaadhin ayaa la dhacay. Dhammaad. Leave a comment |
|
Ilaalinta Sirta Q2aad Farhan Mohamed Sultan (Rakad)
Hadafkii aan ka lahaa ilaalinta sirtu wuxuu ku soo koobmayaa inaad ilaalisaan sirta naftiinna , dalkiinna, diintiinna, dhulkiinna, shaqaddiinna iyo sirkasta oo muhiim intaa aan kor ku soo sheegayba si aad u noqotaan kuwo ilaaliyay sirkasta oo soo gas