Shirka Gacan Libaax: Min Tol-wanaaje ilaa Dal-wanaaje ! (WQ. Xamse Khayre)

0
Sunday July 01, 2018 - 21:46:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1585
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Gacan Libaax: Min Tol-wanaaje ilaa Dal-wanaaje ! (WQ. Xamse Khayre)

    Qoddobo lexo-jeclo, waddaniyad, iyo gobanimo ka muuqato ayaa beeshii GX ka Soo baxay shirkoodii uga socday Buurta Gacan Libaax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoddobo lexo-jeclo, waddaniyad, iyo gobanimo ka muuqato ayaa beeshii GX ka Soo baxay shirkoodii uga socday Buurta Gacan Libaax
Qoddobo lexo-jeclo, waddaniyad, iyo gobanimo ka muuqato ayaa beeshii GX ka Soo baxay shirkoodii uga socday Buurta Gacan Libaax. Waa qoddobo fursadii ugu waynayd u ah dib u midaynta gudaha ee shacabka Somaliland doorashadii kadib. Shir magaca lagu furay ahaa "Tol-wanaaje", qoddobada ka soo baxayna ay ka dhigeen "#Dal-wanaaje" ayuu ku suntanaan doonaa.

Tolow ma garan doonaan madaxda qaranku? Waa suaasha hadda taagan. Haddii ay garan waayo madaxwaynuhu fursadan waxa ka dhalanayaa ugub maaha : taariikhda dib ha ugu noqdo.  Sanadkii 1994-kii doorashadii cigaal kadib ee Borama, isla beeshan ayaa shir la yidhaa #Liibaan 1aad qabsaday, waxaanay xukuumadii markaa joogtay ay u soo qadimeen tabashooyin aan dhag jalaq loo siin markaa. Waxay iskugu yimaadaan sanad kadib, Shir la yidhaa #Liibaan 2 kaas oo ay gudoonsadeen dagaal. 
Garawshiiyihii 1994-kii laga waayay Xukuumaddii Cigaal waxa laga helay 1997-kii laakiin iyadoo khasaare badani dhacay. Khasaare naf iyo maalba lahaa oo laga baaqsan karayay haddii xikmad iyo xilkasnimo lagu hogaamiyo.Shirkii Hargeysa lagu qabtay dagaalka kadib,  Somaliland min 1997 ilaa maanta waxa gaadhay guulo taariikhi ah: Ansixintii distoorka, doorashooyin 7 ah, iyo horumar dhaqaale oo baaxad leh. Wixii intaa ka soo hadhay waa taariikh oo ku dheeraan maayo. Qodobku waa in madaxwayne Muuse aanu gelin qaladkii Cigaal oo kale oo uu casharada taariikhda wax ka barto. Waliba maanta Somaliland waxay yeelatay muhiimad juquraafi-siyaasadeed barta ay dhacdo ee badda cas iyo geeska afrika kaas oo u yeelay cadaw badan oo gobolka iyo aduunyada kaleba ah. 


Danahaas faraha  badan ee dibada ahi waxay ka midaysan yihiin in aanay Qaran madax bananaan oo Somaliland ka dhashay aanu dantooda ahayn.  Waxaa laga maarmaan ah in guduhu isku-duubnaado oo cadaalad iyo sinaantu noqoto udub-dhexaadka hawlaha qaranka. Waxaa daruuri ah in wada-lahaanshihii iyo majarihii hore lagu Soo dabaalo Somaliland. Waa gudaha halka ay ka burburaysa haddaan loo dhug yeelan. Horayso, 28-kii sano oo hore aduunyada waxba inoolama hadhin balse isku-duubnida gudaha ayaa la loodin waayay. Beesha shirka Gacan Libaax keli Kuma ah saluuga waxaa la qaba aqlabiyad aamusan oo isugu jirto beelo iyo wax-garad badan.

Khayr Allaha ka dhigo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured