Hawl Qabadkii G.Sharmaake geelle uu ka hirgeliyey Haayada Shaqaalaha Dawlada.W/Q:- Ugaaska Dhalinyarada Gobolada Bari Ugaas Cumar Jaamac Iidle

0
Saturday June 30, 2018 - 03:38:24 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hawl Qabadkii G.Sharmaake geelle uu ka hirgeliyey Haayada Shaqaalaha Dawlada.W/Q:- Ugaaska Dhalinyarada Gobolada Bari Ugaas Cumar Jaamac Iidle

    Hawl Qabadkii G.Sharmaake geelle uu ka hirgeliyey Haayada Shaqaalaha Dawlada.W/Q:- Ugaaska Dhalinyarada Gobolada Bari Ugaas Cumar Jaamac Iidle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawl Qabadkii G.Sharmaake geelle uu ka hirgeliyey Haayada Shaqaalaha Dawlada.W/Q:- Ugaaska Dhalinyarada Gobolada Bari Ugaas Cumar Jaamac Iidle
G.sharmaake geelle waa aqoonyahan da’yar isla markaan ah Gudoomiyaha haayada shaqaalaha dawlada, hadaba halkan waxaan qoraal kooban kaga hadli doonaa shakhsiyada sharmaake iyo shaqo wanaagiisa iyo sidoo kale hawl qabadyada uu qaranka u qabtay.

Haayada shaqaalaha dawladu waxay maamulkeeda iyo maaraynteeda leedahay guud ahaan shaqaale waynaha dawlada ee dalk, waxaanay ku jirtaa haayadaha hoostaga Awooda dawlada. Hadaba haayada oo aan habkii iyo hanaankii looga baahnay hawl qabadkeedu ahayn ayaa waxaa Mahadi ha ka gaadhee madaxweynihii hore ee axmed siilaanyo hogaankeeda u magacaabay Gud: Sharmaake geelle, oo ah shakhsi dhalinyaro ah, oo karti iyo dedaal isugu lammaantahay.


Dhalinyardii iyo aqoonyahankii qalinleyda qaranka ahayd, oo runtii rajadoodu aad u liidatay ayaa rajo iyo ididiilo gashay, maadaamo oo shakhsi dhalinyaro ah, loo dhiibay hogaankii haayada dawlada, waxaana isla markiiba haayada uu ku sameeyey horumar iyo horusocod hawleed oo laxaadleh. Guud ahaan dhalin yaraddii ayaa uu boosas banana u baahiyey wxaanu ku kala saaray qalinlkooda iyo aqoontooda, isla markiiba waxaa hawl galay tiro dhalin yaro ah, oo hab cadaali ah kusoo baxay iyagoo hammi iyo hilaal u noqday dha dhalinyardii kale ee dalka.

 Intaas ka dib waxa uu qaatay gudoomiye sharmaake in uu heensaha u dhidbo tayaynta iyo tirinta shaqaale weynaha dalka isla markaana hawshan oo  ay iska kaashadeen bangiga aduunka "World Bank” iyo Haayadu waxay qaadatay in shaqaalaha lasoo tiro kobo wasaarad kastana loo dhiibo xogta shaqaaleheeda oo tafaftiran muddo 5-bilood ah, hawl adag iyo hammi hir gilay kadib waxa uu gud: sharmaake geelle si rasmi ah usoo af jaray hiigsigii mudada haawanayay ee hir gelintiisa la waayay shakhsi hiimbada sharmaake hortii.

 Runtii waa arin guul iyo gabaabax u ah qarankeena, sida quruxda badan ee bilaa turxaanta ah, ee uu uga dhabeeyey rajadii iyo riyad ii haayada shaqaalah dawlada. Gud: sharmaake geelle waa shakhsi dedaal badan, daacadnimo alle iyo dad la dhaqan wanaagsan, difaale aqooneed iyo dal jacayl isku labaystay, dhiiri gelinta dhalinyarad iyo hoga tuskoodana hilaabeystay. Hadaba waxaynu odhan karnaa waa skhsiyad dahabi ah oo qarankan qiimo aan qoraalkan lagu koobi karayn ugu fadhiya qarankeena waxaanu degay dhamaan quluubta dhalinyarada dalka. Waana masuulka keliyaata ee sidii xalaasha ahayd ee ugu mudnayd u qabtay masuuliyada qarankani u igmaday.

Ugu dambayn waxaan  gudoomiyaha haayada  shaqaalaha dawlada mudane G.sharmaake geelle halkan u marinayaa bogaadin iyo beekhaamin Hamnbalyo, oo uu mudanyahay in lagu bogaadiyo hawshii adkayd ee uu ku hal-adaygay hirgelinteeda, gudoomiyhu si hagar la’aana ayaa uu hawshan usoo afmeeray hawshan dhaxalka iyo dhitada u ah qaranka iyo dhalinyarada, waxaana haboon in aynu hadalo hambalyo hawraar iyo dhiiri gelina ku bogaadino gudoomiyaha, ka dhalinyaro ahaan, aqoonyahan ahaan, waxaan kalsooni ku qabaa in geedi socodka hourmareed ee haayada iyo qarankaba G. sharmaake geelle sii wadi doono hadii alle idmo, isagoo kasoo dhalaalay xilkii loo igmaday, Hadaba Hal-abuurka wax-qabad ee Sharmaake Geelle isla markaana xawliga ku socda waxaan Qabaa in uu  haayada gaadhsiin doona meel lasoo hiigsado Mustaqbalka dhaw.

W/Q:- Ugaaska Dhalinyarada Gobolada Bari Ugaas Cumar Jaamac Iidle


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured