SHARMAAKE GEELLE SHAMICII SHIDAY HAAYADA SHAQAALAHA SOMALILAND. W/Q:FADXI GARAAD CIISE

0
Friday June 22, 2018 - 03:46:08 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHARMAAKE GEELLE SHAMICII SHIDAY HAAYADA SHAQAALAHA SOMALILAND. W/Q:FADXI GARAAD CIISE

    SHARMAAKE GEELLE SHAMICII SHIDAY HAAYADA SHAQAALAHA SOMALILAND. W/Q:FADXI GARAAD CIISE

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SHARMAAKE GEELLE SHAMICII SHIDAY HAAYADA SHAQAALAHA SOMALILAND. W/Q:FADXI GARAAD CIISE
Hadii aynu dirinyo Dareen milicsiyeed, dib ugu jalleecno haayada shaqaalaha dawlada shalay iyo maanta farqigii u dhexeeyey.
waxaa u dhexeeya farqi aad u weyn oo la Taaban karo Mahadeedana uu leeyahay Sharmaake geelle, waxay haayadu ku jirta shalay sharmaake hortii hibin iyo hog hadoodilan, waxaanay ka mid ahayd laamaha haayadeed ee dowlada hoos yimaada kuwa ugu tayada iyo tamarta liita.
kadib markii uu madaxweyne Axmed Maxmed Maxamuud (siilaanyo)  uu u magacaabay Haayada Shqalala Gudoomiye  Sharmaake Geelle waxay ahayd taladii iyo tiimbo Aragii Toobiyaha Horumarineed ee haayada, waxaa aad xasuusanaysa Xikmadii ahayd ( Carrab Lo'aad Caws Looma Tilmaamo).
 Madaxweynuhuna waxa uu u dhibsy
xilkii haayada qofkii ugu mudnaa ee xilkeeda iyo xasaanadeedaba sida ugu Xilkas-San, uga soo baxayey, isagoo isku darsaday dhalinyarnimo, dhabar adayg kudhac dhiirrani la dhoosha, dhidif dedaal, dhaqan wanaag, dhubbad aqooneed. summad wanaaga .
sharmaake geelle wuxuu  kor u qaaday sumcadii iyo magacii haayada, oo aad Loo saluugsanaa Shaqadeeda.
 waxa uu galiyey wakhti iyo warriin dedaal sidoo kale waxa uu qaatay go,aan geesinimo leh, isla markaana waxa uu tuurta u ritey inuu dalka shaqaalihiisa ka dhigo kuwo carbisan oo caaglaha iyo caajiskaba laga takhaluso, waxaanu dedaal dheeri ah ku bixiyey xaq iyo xuquuq u raadinta shaqaalihii xilliga dheer qaranka u adeegayey.
 Runtii waxaynu odhan karnaa G.Sharmaake Geelle waa shakhsiyaadka Qiimaha iyo Tayada Waxqabad leh ee Aynu ka Dhaxalnay Xukuumadii Axmed Siilaanyo, Waana Xidig godkiisii Helay, G.Sharmaake Geelle Waxaa u baahan  Dadka iyo Dalka. Hadaba Halabsigii Dedaal ee Hal-dheerid Lahaa iyo Dhaq-Dhaqaaqyadii Wax-qabad iyo dhabbadii horumarka ee uu ku dhakaarnaa dhabar adaygu ee uu dhiimbiciyey G.Sharmaake Geelle Waxay Dhalisay Guul Ay dhigidoonto Taariikhdu.
 Muddo 70-Cisho ah ayaa uu ku dhamaystiray Dhamaan Hawshii Hortii jire ka caga jiidey, Ee Tirinta iyo Tayeynta Shaqaalaha Dawladeed ee dalka. Waxa xafiiska loo magacaabay 16/8/2016-kii Waxaanu joogaa muddo Ku siman Laba Sano iyo Saa’id Cabasho iyo Catow, Tacadi iyo Takri-Fal, Eex iyo Eed, Xaqduudsi iyo Xajiin, Kibir iyo Kas-maag, Weli Lagama Tirsan Qofkastaana waxa uu Kuu Sheegayaa In uu yahay, Qof, Da’yar, Diin, Daacad,Dulqaad,Dedaal, Deeq, Dun-wanaag, Dad-la Dhaqan, Dadka Isu Dhul-Dhigid, Debacsanaa, Dabeecad-Wanaag, Dal-Jacayl, Dembal-Cilmiyeed, Deeq Alle U siiyey.
G.Sharmaake GeelleWaxa uu:
Ø Haayada ka Guray Shilintii Waxa Uu ka yeelay Makaan Shariifee
Ø Waxa uu ka saxartiray Sifooyinkii Qabyaalada
Ø Waxa Uu Qabtay Imtixaano Irkag iyo Iin la’aan ah
Ø  Waxa uu saakimiyey Shaqo Siinta Shakhsiyaadka inaan lagu Siin Shaqada Sinji iyo Sareyntoona
Ø Waxa uu qadafey Qabiil iyo Qabyaalad Ku shaqaysiinta
Ø Waxa uu qaayibiyey Qalin Ku Shaqaalaysiinta Shaqaalaha Qaranka
Ø Waxa uu baahiyey Boosas Bannaan si bar-kuma taala Isagoo Ku Beekhaamin Karayey Beeshiisa Ayuu u Soo Bandhigey Si Boqran oo baahsan Una Barantansiiyey Bahda Dhalinyarada Ee Dalka
Ø Waxa uu Cirfiifiyey Caddaalada Adigoo Ugu Ciil Baxaya Cilmigaaga Si Ciil-la’aana
Ø  Waxa uu Cidhib tirey Caaglihii iyo Caajiskii Sida Dhibta Yar ee aanay U dhididin uga Dheef qaadaney Xukuumada
Ø  Waxa Uu Si Tolmoon Oo Turxaan la’ U Tiro Koobay Shaqaalihii Dalka
Ø Waxa uu Tar-Tarka iyo Takaarka U Timbacday Tayaynta Iyo Tirinta Shaqaalah Muddo Todabaatan Cisho ah.
Ø  Waxa Uu Dhakhso U Dhaqaajiyey Hawl-Dhibkeeda leh, Oo Hortii Jirey Ku dhac iyo Dhiirinaan U yeelan waayey
Ø  Waxa uu Haayada u hir geliyey Hawl-qabadyo Heersare ah.
Ø Waxa uu Haayadoo Gawaan Madhana U Galcaadiyey Gaadiid Casri ah,baahiyo iyo Baylahday Tabaysayna Wuu ka Baahi-Tirey


Ø Waxa Uu Qanciyey Dhamaan Quluubta Dhalinyarad Somaliland

Ø Waxa uu Haayada Ka yeelay Mid Leh Karaamo Dawladeed Oo Kaamila

Ø Waxa uu Ka Kor mariyey Wasaarado Badan iyo Haayado Badan Oo Dawli ah.

Ø Waxa uu ka Kor-qaaday Dhamaan Dhalinyarada Kurbadii Shaqo-la’aanta ku taagnayd

Ø Waxa uu Dhalinyarada Geliyey Ididiilo iyo Il-Rajo Maadamada Ay Qalinkooda Ku Qadayaan Ama Ku Shaqo gelayaan Halka Markii Hore Ay ka ahayd Qabyaalad iyo Qolaysi, Ay dhalinyaradu Ka Qanceen

Ø Waxa uu Xaqooda iyo Xuquudooda U Xirribay Shaqaalaha.

Ø  Waxa Uu Dhiiri- Geliyaa Dhalinyarada Si Ay U Dhigtaan Aqoonta.

Hadaba waxaa Xusid mudan Sidii xalaasha ahayd ee uu usoo gebagebeey G.Sharmaake Geelle mudada Kooban Hawshii Tamarta iyo Tayada Badani Gashay Ee Tiro Koobka Iyo Tayaynta Shaqaalaha Dawlada, Waxaanu Wasaarad kasta iyo Haayad Kasta oo dawladeed loo dhiibey Xogtii Shaqaaleheeda Oo Tafaftiran waxaana dhawaan la qabandoonaa Munaasibadii Gebagebada Hawshaa Hadii Alle Idmo. Waxa Booqasho iyo Bogaadin Baaxadleh Ugu Yimid G.Sharmaake Geelle  iyo Teamkii La shaqeynayay Wakiilka Baanka Aduunka U qaabilsan Somaliya Iyo Somaliland Mr Hugh Riddell.

Waxaanu ku hambalyeey Sida Haadsan Ee Hawl-karnimada iyo Hufnaantu Ka Muuqato Ee Hawl-qabadkan Hiiraalkiisa leh, Usoo Dhammeeyey Mudaadii Ay Cayimteen.
Ugu Dambeyn G.Sharmaake Waa Masuul Hibo u leh Hogaan wanaaga waana Hal-Abuurkii Hillinka Horumarineed U Hotiyey Haayada Shaqaalaha Dawlada Oo Hore ugu hoolahnayd Hog Hadoodilan.
W/Q :-Fadxi Garaad Ciise


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured