Faashilka Puntiland iyo Shirqoolada ka dhanka ah Somaliland ee ay Maleegayso Askar Amir.
Faashilka Puntiland iyo Shirqoolada ka dhanka ah Somaliland ee ay Maleegayso
Askar Amir.
Dhambaalkani waxa uu ku socdaa cidkasta oo degan ama u dhalatey wadanka Somaliland. Waxa si qoto dheer loo ogaadey lana haya burhaan faro-badan in qabiilka degga Puntiland uu u tafo-xatey maanta maahaana berri hore in uu waxay doontaba ha ku qaadato weeqo, candhada-gooyo, dhabarka ka tooriyeeyo Somailand. Weeqistaasi ma aha mid ku socoto hal qabiil ama labo ama cid gaar ah ee waa mid loogu talo-galey reer Somaliland oo dhan. Waxa laga soo ogaadey hey'ado faro-badan oo caalami ah, deggana inta badan Kenya, Ethiopia iyo Djibouti ay had iyo habeen u qorayeen been abuur faro-badan oo lagu weeqaayo jiritaan ummadda reer Somaliland. Waxay dunida dacaladeeda ku daadsheen ama ay ku fidiyeen khariidado ama maabab ay sameysteen oo qeyb ka mid ah Somaliland illaa Sheikh ay ku darsadeen gobolka loo yaqaan puntland. Waxay qorteen in ay ay tiradoodu tahay boqolkiiba 50% tirada somali oo dhan, wxay sheegteen in boqolkiiba 40 ay ka yihiin gobolka Kismaayo ama jubadda hoose, waxay qorteen in ay boqolkiiba 40 ka haan jireen gobolka Benaadir. Waxay qorteen in ay yihiin qabiilka Somali ugu hanti-badan, ugu cilmi badan, ugu ilbaxsan ayna soo ahaayeen qabiilka xukuma meesha loo yaqaan Somali. Si ayna u fashilmin oo aanu adduunku u ogaan meesha ay taagan yihiin waxay naruuro u arkeen in ay weeqaan Somaliland si aanay u helin ictiraaf oo sheekadii beenta ahayd aany dib u soo faqmin. Waxay addunka meel walba mariyeen in Somaliland ay tahay gobol uu wax allaale wixii xagjir ahi ama sida loo yaqaan argagixso ah magacay doontaaba ha wataan eh uu ka soo duulo Somaliland oo dhamaan dadka ku nool Somaliland ay yihiin ku argagixso ah loona baahan yahay in addunweynuhu u midoobo sidii gacanta loogu dhigi lahaa. Waxay u direen Qaramada midoobey in ciidamo AMISON ah iyo kuwo Talyaani ah la keeno Laadcaanood iyo Tuko-raq inta u dhaxeysa. Waxay gacan saar la leeyihiin Abdi Illey iyo Madoobe iyagoo ka duulaaya qabiil qadhmuun. Waxay dacaayad faro badan ka sameeyaan oo ay qoraal ku bixiyaan qaaradaha addunka oo dhan. Waxay xafiisyada UNta oo dhan ka faafiyeen una qeybiyeen Maabab sheegaaya in Illaa degmada sheekh ay tahay dhulka la isku heysto. Dhambaalkan waa mid keliya ku boorinaaya ummaddaas la daalaaa dhaceysa nolol maalmeedkooda, duufaano iyo abaarana ay cadkooda koosteen in ay ogaadaan in caqabaduhu iska badan yihiin oo loo baahan yahay in la foojignaado. Somaliland cidda aan arki karin, Somaliland cidda aan maqali karin, Somaliland cidda aan urin karin, Somaliland cidda aan qalbiga siin karin, Somaliland cidda aan marnaba liqi karin.......................horeyna waa loo ogaa maanta wey qaawismeysaa! Leave a comment |
|
Faashilka Puntiland iyo Shirqoolada ka dhanka ah Somaliland ee ay Maleegayso Askar Amir.
Faashilka Puntiland iyo Shirqoolada ka dhanka ah Somaliland ee ay Maleegayso Askar Amir.