XUNGURI XUMADA IYO XURMA LA'AANTA WASIIR MAXAMUUD SACAD SAAJIN UU KU HAYO BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN IYO SHAQAALAHA SAA'IMIINTA SOOMAN EE WASAARADA GANACSIGA,WARSHADAHA IYO DALXIISKA, W/Q Brother Oday Abbas Ahmed Abbas

0
Tuesday June 05, 2018 - 05:57:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XUNGURI XUMADA IYO XURMA LA'AANTA WASIIR MAXAMUUD SACAD SAAJIN UU KU HAYO BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN IYO SHAQAALAHA SAA'IMIINTA SOOMAN EE WASAARADA GANACSIGA,WARSHADAHA IYO DALXIISKA, W/Q Brother Oday Abbas Ahmed Abbas

    XUNGURI XUMADA IYO XURMA LA'AANTA WASIIR MAXAMUUD SACAD SAAJIN UU KU HAYO BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN IYO SHAQAALAHA SAA'IMIINTA SOOMAN EE WASAARADA GANACSIGA,WARSHADAHA IYO DALXIISKA, W/Q Brother Oday Abbas Ahmed Abbas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XUNGURI XUMADA IYO XURMA LA'AANTA WASIIR MAXAMUUD SACAD SAAJIN UU KU HAYO BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN IYO SHAQAALAHA SAA'IMIINTA SOOMAN EE WASAARADA GANACSIGA,WARSHADAHA IYO DALXIISKA, W/Q Brother Oday Abbas Ahmed Abbas
Iyadoo aanay ugub inagu ahayn ficilada iyo dhacdooyinka dhiilada leh soona noqnoqda ee ka soo yeedhaya wasiirada xukumadihii kulmiye u kala danbeeyey xukunka ayay tani u tahay ka dar oo dibi dhal maaha markii ugu horeysay ee wasiir ka tirsan xukuumada kulmiye damac ka galo ama hungureeyo mushaharaadka iyo gunooyinka shaqaalaha wasaaradaha ay wasiirada ka yihiin, waxaa jira dhacdooyin iyo dhibaateyn fara badan oo qarsoon kuna dhex aasan hayadaha qaranka, haday noqoto garsoorka iyo maxkamadaha oo iyagu madax banaan, baarlamanka iyo guurtida oo iyaguna hayadaha sharci dajinta ah kana madaxbaan dowlada ayaa hadana waxa iyadu iska noqotay wax caadiya wax ka soo qaadna lahayn ku tagrifalka iyo ku tumashada hantida qaranka iyo xuquuqda iyo sinaanta sharciga iyo ta shaqaalaha madaniga ah kana howgala hayad kastoo qarankani leeyahay,

Maaha markii labaad saddexaad ay dhacdo noocan oo kale ina soo marto horeynu u aragnay qof shaqaale ah kana howlgala hayadaha qaran kuna soo shaqeeyey duruufo qalafsan una soo dhabar adeygay dhibaatooyin badan oo noloshiisa ku gadaaman intuu ku guda jiray howl maalmeedkiisa shaqo ee uu qaranka u hayo in si fudud oo aan waafaqsanayn xeerka shaqalaaha iyo xuquuqda muwaadinkaba looga saaro shaqadii uu u hayey qaranka si aan anshaxa waafawsaneyn, isagoon ku qabin wax manfac ah oo buuran lana taaban karo qaarkoodna toboneeyo sano ku shaqeeyaan mushahar la’aan ama gunooyin aanay helin gunooyinkaas oo si toosa ugu jira misaaniyad sanadeed walba balse jeeb gaadhihi ku dhacaan cid wax ka qabata iyo cid ka dabatagtaana aanay jirin,

Hadaba dhaliilahaa iyo kuwo kaloo badanba iyadoo ay dul hoganayaan xukuumada madaxweyne biixi iyo xukuumadii ka horeysaysee siilaanyoba,Wasiir Maxamuud Sacad Saajin maaha wax aynu kula yaabayno inuu hungureeyo ama damac ka galo gunada iyo mushaharooyinka shaqaalaha wasaaradiisa mana aha markii labaad, saddexaad ee waxaa jiray marar badan isagoo kaashanaya ninka ay isku haybta yihiin haystana hayada shaqaalaha dowlada Sharmaarke Axmed Muxumed Geele ku heshiiyaan barnaamijkii Magic- ga ahaa looguna wanqalay Tirinta iyo Madaxtaabashada Shaqaalaha Dowlada,kuna danbeeyey madhaleyska iyo dhandhamadii yareydee world banku ku bixiyey waxoogaa yaree shilimaadka ah loogu talogalay howsha ayaa waxaa ku sigtay qaarna ilaa iyo hada waxoogii horee saxda ahaaba laga qalday in wax loo saxo daayoo shaqaale weynaha qaranka sida wasaarada ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska dad badanina laga saaray shaqadii iyadoo lagu badalay dadkaloo labadaa nini ay isku raas yihiin,

Waa bil cibaado waxaynu ku guda jirnaa tobankii dhaxee danbi dhaafka waxa inagu soo dhow yowmu farax waxa wax laga xishooda ah in wasiirku isku dayo inuu lunsado hungurina ka galo isa soo gaadhsiin gunooyinka wasaarada maadaama wasaaradu markii hore ka koobnayd wasaarad qudha balse hada ay ku soo biireen laba wasaaradood ayna kala badnaayeen gunooyinka in la isa soo gaadhsiiyo laguna lifaaqo miisaaniyad sanadeedka iyadoo wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga markay isku jireen ay mushaharka iyo gunada shaqaalaha A gradeku ahayd 1750,000 shilling, 1,018000 shilling mushahar ah iyo 732,000-50,000 income taxes – 45000 shilling stem taxes – 20,000 shilling Services Bank taxes,waxay yidhaahdaan aan la hubin waliba gunada payrolka waxa ku qorana ay tahay617000 shilling ayaa waxaa la gaadhsiiyey913,000 shilling without taxes hadii cashuurta laga jarana 913,000 shilling- 45000 shilling stem taxes – 20,000 shilling service bank taxes, waxaana kuu soo baxeysa 848,000 shilling, iyadoo la joojiyey meeshana aanay ku jirin50,000shilling income taxes, ay ku magacaabi jireen laakiin wadada ceerigaabo loo jarijiray, ayaa waxay soo qoreen lacagta gunada la isa soo gaadhsiiyey ee ah 848,000 shilling, kana timid asalkeeda budget-ka wasaaradaha saddexda ah ee la isku daray balse wax la kordhiyey aanay jirin inay tahay 500,000 shilling, kana bilaabanta bisha January ilaa march April-se way bixiyeen saddexdaa bilood lacagtoodii wali lagama hayo Wasiir Saajin iyo wasaaradiisa laguna jiro June/5/2018 ilaa xiligaana waxa loo bixin laayahay ee loo jiidjiidayaa ay tahay damac ama hunguri ka galay wasiir saajin iyo dadka la shaqeeya kana mid yihiin agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagaha Ismaaciil haybe ay isuna raas yihiin madaxweynaha talada haya muuse biixi cabdi  iyo agaasimaha guudee dhawaan la soo magacaabey mudane cusmaan xuseen warsame ayna isku hayb yihiin madaxweynihii horee xukuumadii kulmiye Axmed maxamed maxamuud siilaanyo,

Arinta kale xusida mudan waxay tahay agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagaha ninka lagu magacaabo ismaaciil haybe uu yahay nin awood buuxda ku dhe leh wasaarada laguna tirayo inuu  ka haysto madaxweynaha kuna tagrifala shaqada iyo hantida wasaarada waana dadkii lagu bilaabay wasaarada ganacsiga waxaana la shaqeeya rag ay isku raas hoose yihiin kana soo jeeda beesha sacad muuse xuseen abokor reer gadiid waana jilibka madaxweyne biixi ilaa islaanta ama inanka lacagta bixiya ilaa qolooyinka maamulka iyo xisaabaadka,

Guntii iyo gunaanadkii madaxweyne waxaan filayaa in aanad xantaada mooganeyn qibrad iyo waayo aragnima dheerna aad u leedahay dowladnimada iyo nidaamka shaqeed ee dalka ka jira lana soo shaqeysay kuna dhexjirtay xukuumadihii u kala danbeeyey dalka burburkii iyo burburkii ka dib, xukuumadii ugu danbeysee siilaanyo ee kulmiye ka dhalatayna aad ka mid ahayd kana dharagsanayd waxyaabihii lagu xaman jiray inay kow ka ahaayeen qaraabakiil iyo qabyaalad hadaba waxaanu kaa codsaneynaa waa bil barakeysan oo ramadaan tobankii dhaxee maqfiradana lagu jiro in howshaa iyada ah aad soo afjarto talaabana ka qaado wasiir maxamuud sacad saajin iyo dadka la shaqeeya si loo gaadho horumar loona helo dad dalka iyo dadkaba Daacad u ah umadana ugu adeega hufnaan, Eexla’aan iyo nin jeclaysi, Iba xidhka maqaalkeena,

Rag caddaalad waayaa sidii, cawsha kala yaacye


Caarrow shabeel iyo Dhurwaa, nalagu cawreeye
Canka nagu gur bahal Goodiroo loo cimaamadaye.

Canda tarantay Caash-Boorri, bay ciidan leedahaye
Cunbullayska reeraha xigey, kula Carrawdaaye
Citiqaadday Raageba inuu kuu ciniin yahaye,

 

Wabilaahi towfiiq



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured