Madaxwayne Muuse Biixi Miyuu Kula Socdaa Wasiirkiisa Maaliyadda Af-lagaadada Uu Waxqabadka u haysto Ee Uu Wasiir Yuusuf U gaysto Qoyska Madaxwayne Siilaanyo? Faallo: Shaafici Axmed Cabdi

0
Thursday May 31, 2018 - 23:50:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1504
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Muuse Biixi Miyuu Kula Socdaa Wasiirkiisa Maaliyadda Af-lagaadada Uu Waxqabadka u haysto Ee Uu Wasiir Yuusuf U gaysto Qoyska Madaxwayne Siilaanyo? Faallo: Shaafici Axmed Cabdi

    Madaxwayne Muuse Biixi Miyuu Kula Socdaa Wasiirkiisa Maaliyadda Af-lagaadada Uu Waxqabadka u haysto Ee Uu Wasiir Yuusuf U gaysto Qoyska Madaxwayne Siilaanyo? Faallo: Shaafici Axmed Cabdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayne Muuse Biixi Miyuu Kula Socdaa Wasiirkiisa Maaliyadda Af-lagaadada Uu Waxqabadka u haysto Ee Uu Wasiir Yuusuf U gaysto Qoyska Madaxwayne Siilaanyo? Faallo: Shaafici Axmed Cabdi

Masuul kasta oo xil qaran loo dhiibo Waxay Bulshadu Qiimayn Iyo Aragti Rasmiya Ka bixin karaan marka uu shaqada loo igmaday gudo galo taasi oo ay fure unoqoto hadba waxa laga qaadan karo halka uu ka bilaabo masuuliyada loo dhiibay gudashadeeda waxaana xusid mudan in madaxwayne kasta oo Somaliland soo maray ay xukuumadiisa ka dhisanto, dadaalka wasaarada maaliyada Ama hadba waxqabadka uu la yimaado Wasiirul-maaliyaheedu amaba masuulka uu u igmado Wasaaradda ugu mihiimsan ee Maaliyadda, iyadoo aynu ognahay Ama Tusaale u soo qaadan karno Badbaadadii iyo Kobcintii uu Wasiirkii Maaliyadda ee ugu horeeyey xukuumaddii Siilaanyo ee Eng Maxamed Xaashi Cilmi uu badbaadiyey amaba kobciyey dhaqaalaha Somaliland iyo sidii muuqatay ee uu isbadalka Toggan ugu sameeyey shaqadii Loo igmaday Wasiir Maxamed Xaashi.

Sidoo kale Tan iyo markii Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi uu Madaxwaynaha Somaliland u magacaabay Wasaarada Maaliyada ayaa waxa uu judhiiba waysada u biyeystay Aargoosi, isagoo markiiba ku dhaqaaqay talaabadiisii ugu horay ee uu wasaarada Hawlwadeenada Amaba maamulayaasha kastamada iyo Agaasimo waxeedyada uu ku sameeyo isku Shaandhayn ku Salaysan Magacaabis Iyo Xilka Qaadis oo Habka uu wax Iskugu badalay oo ahayd mid ay ka muuqato Galdaloolooyin Faro Badan oo ku taxa mid kooxaysi, qabyaaladeed, iyo sidoo kale fulinta ficilo Uu Wasiirku hal haysta u lahaa isagoo xiliyo badan wasiirka xiligan uu maqaalo uu ku baahiyo Gacanta Sedexaad uu ku Weerarijiray wasiiradii soo maray wasaarada maaliyadda qaarkood siiba Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Guntii iyo Gabo-gabagabadii Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Mr Yuusuf Maxamed Cabdi Ma Wuxuu Faan ka dhigtay oo qoryaashii u qabsoomay la noqday aflagaadada iyo Ceebaynta Qoyskii Madaxwaynihii hore ee Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo saaxiibo dhaw oo isku falsafad Ah ay ahaayeen Madaxwaynaha wakhtigan Md Muuse Biixi Cabdi maadaama oo Wasiir Yuusuf Meel lagu arko isagoo kaga faanaya oo leh "WAXAAN BAABIIYEY OO AAN XIDIDADA U QASNADII QOYSKA MADAXWAYNE SIILAANYO HANTIDA SOMALILAND KU LUNSAN JIREEN" taas oo u dhigan Qodof iyo aflagaado aanu inaga gayin Mujaahid Axmed Siilaanyo oo aynu wada ognahay Kaalintiisii siyaasada Somaliland ee 40-kii Sano ee u danbeeyey iyo waxyaabihii uu u qabsoomay Somaliland mudadii uu Madaxwaynaha ka ahaaa.

Faallo: Shaafici Axmed Cabdi




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured