"... Inaankii hore waa kii Madaxweynuhuu Kafaalo qaaday, waxa kaloo jirta Inaan yar oo Qoyskoodu ku dhinteen Roobabkii Duufaanada watay, Ilahay Samir iyo iimaan haka siiyo, Waxa dhici karta inay jiraan dad kale oo dhibaatadan oo kale ku dhacday. Somaliland waxay waxku tahay inaynu gacmaha is qabsano oo dadkeena u gurmano". Agaasime Maxamed Aadan Cilmi Ilka case

0
Tuesday May 29, 2018 - 22:13:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "... Inaankii hore waa kii Madaxweynuhuu Kafaalo qaaday, waxa kaloo jirta Inaan yar oo Qoyskoodu ku dhinteen Roobabkii Duufaanada watay, Ilahay Samir iyo iimaan haka siiyo, Waxa dhici karta inay jiraan dad kale oo dhibaatadan oo kale ku dhacday. Somaliland waxay waxku tahay inaynu gacmaha is qabsano oo dadkeena u gurmano". Agaasime Maxamed Aadan Cilmi Ilka case

    "... Inaankii hore waa kii Madaxweynuhuu Kafaalo qaaday, waxa kaloo jirta Inaan yar oo Qoyskoodu ku dhinteen Roobabkii Duufaanada watay, Ilahay Samir iyo iimaan haka siiyo, Waxa dhici karta inay jiraan dad kale oo dhibaatadan oo kale ku dhacday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"... Inaankii hore waa kii Madaxweynuhuu Kafaalo qaaday, waxa kaloo jirta Inaan yar oo Qoyskoodu ku dhinteen Roobabkii Duufaanada watay, Ilahay Samir iyo iimaan haka siiyo, Waxa dhici karta inay jiraan dad kale oo dhibaatadan oo kale ku dhacday. Somaliland waxay waxku tahay inaynu gacmaha is qabsano oo dadkeena u gurmano". Agaasime Maxamed Aadan Cilmi Ilka case
Hargeysa(Xogreebnews- Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland Md. Maxamed Aadan Cilmi Ilka case, ayaa mideeyey samafal ay Haayaddaha Caalamiga iyo kuwa dalku ugu talo galeen u gurmashada dadka duufaanadu haleeleen ee galbeedka Somaliland.
Gargaarkan, ayaa la gaadhsiinayaa boqolaal qoys oo dhowaan ay dhibaatooyin naf iyo maalba ah gaadhsiiyeen roobabkii Dabaylaha watay ee duufaanada lahaa ee ka da'ay deegaanada xeebta galbeed ee Somaliland.
Agaasimaha guud ee Wasaarada shaqo-gelinta Maxamed Aadan Cilmi ilka case, oo ka hadlaayey noocyada uu ka kooban yahay gargaarkan iyo Haayadaha bixiyey waxa uu  yidhi "...Waxa la bixiyey 250 Kartoon oo biyo ah, 60-kartoon oo Timir ah, 10-kartoon oo Kaluun ah, 7 Bundadood oo sharka caruurta, 84-Buste, Baco ku filan 50-qoys, 100 Dumar ah dharkood iyo alaabadoodii oo meel ku wada jira, 10- jirikaanada madhan ah ee biyaha lagu shubto, alaabta caruurta wax ku baraato, 100 qoys weelkood, 100 jeeg iyo alaabooyin kale.
Wafti todoba cisho ku maqnaan doona xeebaha galbeedka, kuwasoo gurmadka qaybin doona, sidoo kalena Waxay keeni doonaan Warbixino la xidhiidha xaaladaa".
Sidoo kale, waxa uu agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqo gelinta Somaliland Maxamed Aadan Cilmi uu ka hadlay xaalada Inaan yaroo qoyskuudu ku dhinteen Roobabkii Duufaanada watay, isagoo ka tacsiyadeyey inaantaa dhibaatada ku dhacday, waxa kaloo uu ka hadlay inay dhici karto dadkale waxyeelo noocani soo gaadhay. Mar uu ka hadlaayey arinkan waxa uu yidhi "... Inaankii hore waa kii Madaxweynuhuu Kafaalo qaaday, waxa kaloo jirta Inaan yar oo Qoyskoodu  ku dhinteen Roobabkii Duufaanada watay, Ilahay Samir iyo iimaan haka siiyo, Waxa dhici karta inay jiraan dad kale oo dhibaatadan oo kale ku dhacday. Somaliland waxay waxku tahay inaynu gacmaha is qabsano oo dadkeena u gurmano".
Gabo-gebadii waxa uu agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqo gelinta Somaliland, waxa aad ugu mahad celiyey Hayadaha samafalayaasha ah ee gurmadkan kala qayb qaatay, kuwasoo kala ah UNHCR, UNICEF, Candle,  Save Gelderen, iyo kuwo kale.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured