Macalim-kaab Q.2aad {cashar diyaarinta}. Qalinkii Cabdi Cawiye

0
Tuesday May 29, 2018 - 03:13:08 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1048
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalim-kaab Q.2aad {cashar diyaarinta}. Qalinkii Cabdi Cawiye

    DIGNIIN MACALINKA AH : ha galin fasalka adigoon haysan cashar diyaarintii casharka aad dhigayso. Waxaa xaqiiq ama hubaala in macalimiinta waqtigan waxbarta ardeyda aanay 91% aanay ahayn dad soo maray tababar macalinimo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DIGNIIN MACALINKA AH : ha galin fasalka adigoon haysan cashar diyaarintii casharka aad dhigayso. Waxaa xaqiiq ama hubaala in macalimiinta waqtigan waxbarta ardeyda aanay 91% aanay ahayn dad soo maray tababar macalinimo

DIGNIIN MACALINKA AH : ha galin fasalka adigoon haysan cashar diyaarintii casharka aad dhigayso.
Waxaa xaqiiq ama hubaala in macalimiinta waqtigan waxbarta ardeyda aanay  91% aanay ahayn dad soo maray tababar macalinimo ee ay u badan yihiin dani keentay iyagoo dad badani u haysta waxbaristu inay tahay wax yar oo fudud oo qof walba oo wax bartay uu macalim noqon karo lkn taasi waa mid ka fog xaqiiqda.
Macalinimadu waa mihnad iyo xirfad aad u qaaliya qofka aan tababarkeeda soo marin haduu siduu doono macalin fiican u yahay haddana waa mid kamaqan oo aad ka dareemayso sida 
.habka uu ula dhaqmaayo ardeyga 
. habka uu ula hadlaayo ardeyga 
. habka uu u qiimeynaayo ardeyga.
Waxyaabaha macalinka tababaran aadka ugu weyn ee aan macalinka aan tababarnayn la fudud waxaa ka mida cashar diyaarinta LESSON PLAN.
Haddaba suaashu waxay tahay waa maxay cashar diyaarintu?
Cashar diyaarintu waa furaha waxbarashada macalimka aan ku socon cashar diyaarintu waa sida ciyaartoy ku ciyaaraya garoon bilaa gool ah.
Haddaba faaiidooyinka cashardiyaarinta waxaa ka mida sidan.
Waxay macalinka ka caawisaa inuu qiimeeyo casharka uu bixiyey { Helps evaluate lesson}
Waxa uu macalinka siiyaa kalsooni { Adds confidence}
Waxa uu macalinka ka caawiyaa inuu waqtiga xiisada uu isku fileysiiyo. { to be on time }
Wuxuu xiiso galiyaa ardeyga { Stimulate student interest}
Haddaba waxa iyada oo ay badantahay faaiidooyinka cashardiyaarintu dhamaan bahad waxbarista ku hawlan waa inay ogaadaan in furaha wax baristu uu yahay cashardiyaarinta.
A lesson plan is a teacher's detailed description of the course of instruction or "learning trajectory" for alesson. A daily lesson plan is developed by a teacher to guide class learning. Details will vary depending on the preference of the teacher, subject being covered, and the needs of the students
Lasoco qaybaha danbe 
W.Q cabdi cawiye ismacil
+252634115877




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured