Madaxweyne wadanka waxaa ka dhacay Aafo Shidaal oo gaadhsiiyey bulshada aad madaxweynaha u tahay dhibaato laxaad leh....?.

0
Wednesday April 25, 2018 - 18:55:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne wadanka waxaa ka dhacay Aafo Shidaal oo gaadhsiiyey bulshada aad madaxweynaha u tahay dhibaato laxaad leh....?.

    Madaxweyne wadanka waxaa ka dhacay Aafo Shidaal oo gaadhsiiyey bulshada aad madaxweynaha u tahay dhibaato laxaad leh....?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne wadanka waxaa ka dhacay Aafo Shidaal oo gaadhsiiyey bulshada aad madaxweynaha u tahay dhibaato laxaad leh....?.
Hargeysa(Xogreebnews)-Madaxweyne waxaa hadda fadhiya gaadiidkii wadanka yaalay kala badh, kala badhka kalena way fadhiisan doonaan, cida ay doorteen ee ay masiirkoodii u dhiibeen waa adiga iyo golayaasha qaranka ee kale ilaa iyo iminka cid loo raacay khasaarahaa oo lagu ganaaxay ma jirto bulshadiinu adiga ayey dhibane kuu tahay , wax hadal ah lagaama hayo cid loo qabtay lagaama hayo , maxaa kugu dhacay miyaanad fahansanayn masuuliyadan , haddiiba ay tahay in kuwii lagu tuhunsanaa inay leeyihiin haddii sharci xakameeya la waayo waxaa xakamayn doona o masuuliyada ay qaadeen ayey ilaalin doonaan ay yihiin kuwa dadkii waxan samaynaaya ee khasinkan gaadiidka gadhiisiyey bulshada u keenaaya, badhkoodna ayey yihiin kuwan sixir bararka dadka ku naafeeyey , golayaashii qaranku ay yihiin kuwan iska aamusan , madaxweyneheenii uu sidan yahay maxaa inoo noolaan doona.
Madaxweyne bulshadu waxay kaa eegaysaa inaad khasaarahan dhacay aad ka hadasho meelna saarto kuwani waa qawlaysatee maaha qaar dadka iyo dalka lagu sii daayee , boqolkiiba boqol waxaa inoo dhaantay shirkadii total oo sharci qabta ayey lahayd , muwaadinimadii ay sheegan jireen xagay ka dhacday saw ujeedadoodu may ahayn inay baqtiistaan dadkan ay badhna ku naafeeyeen sixir bararka badhna ay dhoobada kaga shubeen gaadiidkii iyo mishiinadii ay ku maxaafsanayeen , madaxweyne talaabo degdeg ah ayay bulshadu kaa sugaysaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured