ITUS OO I TAABSII. W/Q Eng. Cabdixakiim Maxamed Cabdi

0
Sunday April 22, 2018 - 17:53:37 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1015
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ITUS OO I TAABSII. W/Q Eng. Cabdixakiim Maxamed Cabdi

    "Siiraanyo waxa uu jabiyaya tastuurka, waxa uu khiyaameeyay shacabka waxa uu himaladoodii ku riday hogmodaw, oo adkaanaysay in laga soo saaro, waxa uu mutaystay in maxkamada lagu qaado"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Siiraanyo waxa uu jabiyaya tastuurka, waxa uu khiyaameeyay shacabka waxa uu himaladoodii ku riday hogmodaw, oo adkaanaysay in laga soo saaro, waxa uu mutaystay in maxkamada lagu qaado"
Shacbiga Somaliland waxay xaq u leeyihiin in ay ogaadaan hadalkasta oo ka soo yeedha nin siyaasiya, sidaa daraadeed, waxaan ahay muwaadin reer Somaliland ah waxaan xaq u leeyahay in aan ku cabiro fikirkayga, aniga oo aan ka tagaynin runta una soo bandhigo bulshada Somaliland hadaladii ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga wadani mudane: cabdiraxmaan maxamed cabdillaahi waxa hadaladiisii ka mid ahaa:
"Siiraanyo waxa uu jabiyaya tastuurka, waxa uu khiyaameeyay shacabka waxa uu himaladoodii ku riday hogmodaw, oo adkaanaysay in laga soo saaro, waxa uu mutaystay in maxkamada lagu qaado”
Qodobka uu jabiyay siiraanyo waa qodobkee? Waxaa shacabka u sheegi doona gudoomiyaha si aynu ula qaadano, sababta oo ah dastuurku waxa uu inaga mudan yahay ilaalin shacab iyo dawladba.
Waxaa kale oo hadallkiisii ka mid ahaa
"Muuse biixi waxaa uu qayb ka ahaa shirqoolka iyo dhagarta kulmiye u maleegay shacabiga Somaliland, marka hore xogogaal ayuu ka ahaa khiyaamada qaran ee madaxweyne siilaanyo u gaystay dalkiisa iyo dadkiisa, faylkii ay dawlada imaaraadku sexeexday siilaanyo waxa uu ku wareejiyay muuse biixi. Madaxweyne muuse biixi waxa uu haystay fursad markii uu ku fadhiistay kursiga madaxweynaha, oo ahayd in uu saxo khaladkaasi ama shacbigiisa iyo baarlamaanka u soo bandhigo, khiyaamada qaran ee madaxweynihii ka horeeyay sameeyay midna ma samayn. Kuwaas oo ay maanta cadaatay in ay noqdeen heeshiisyo ka dhexeeya dawlada fadraalka somaliya iyo dawlada imaaraadka” 
Sida aynu ka war qabno madaxweyne muuse biixi waxa uu ka mid ahaa ururkii dib u xoreeyay Somaliland, ee SNM, sidaa daraadeed fikir ahaan ma qabo in uu aaminsan yahay mabda’a soomaali weyn.
Marka laga hadlayo heeshiishka Dekeda Db world waxaa xaqiiq ah oo maskaxda fayow ay qaadanaysaa in markii hore ay wada galeen Somaliland iyo imaaraadku, markii xigtay oo ku dabo-karmaya kii hore waxaa dhab ahayd in uu saddex geesood ahaa oo ay wada galeen Somaliland imaaraadka iyo itoobiya.
Waxaynu ogayn in baarlamaanka soomaaliya ay kalfadhi yeesheen kaas oo uu ujeedadiisu ahaa in ay arqaladeeyaan heeshiiska Dekeda Berbera ee aanay waxba ka ogayn, isla markaan aan lagala tashan, oo ay u arkayeen in uu Somaliland u furayo albaab aqoonsi ay ku heli karto.
Kalfadhigaa baarlamaanka somaliya iyo qodobadii ka soo baxay miyaanu jirin? Su’aashaasna waxaa bulshada Somaliland uga jawaabi doona BBC qaybteeda luqada soomaaliga soo tabisa.
Waxaa xaqiiq ah in BBC ay tahay cadawga Somaliland, waxaa xaqiiq ah in ay tahay meel danaha somaliya ku hawlan oo aan dhexdhexaad wararkeedu ahayn, waxaa xaqiiq ah in ay doonayaan si ay isaga hor keenaan shacabka Somaliland iyo dawladooda, idaacadna waxaa lagu qiimeeyaa hadba sida ay dhexdhexaad uga noqoto wararka ay soo baahinayaan.
Hadaba intii wax ma garatada ahayd ee markii horeba looga dan lahaa in ay wararkaa qaataan, way ka dhaadhacsadeen oo way qaateen.
Mucaarid iyo Muxaafid qaranimada Somaliland way inaga go’an tahay, laakiin waxaan hadalada mudane cabdiraxmaan iyo cidii la aaminsan in laynoo soo dhex maray, isla markaana gacan saddexaad doonayso in laysku keen jeediyo sidii laysugu jeediyay baarlamaankii soomaaliya.
Waxaan ku soo gunaanadayaa danta gaarka ah haynu ka hor marino danta qaranka. Si shirkadaha dalalka maal gashadaa ay inoogu soo hirtaan.  
Qalinkii: Eng. Cabdixakiim Maxamed Cabdi (Samokaab)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured