Gudoomiyaha Hayadda shaqaalaha Sharmarke Geelle Halyeey Baylah Tiray Nidaamka Shaqaalaha Dawlada Iyo Mucjisada Waxqabad muga-weyn.....!!!

0
Thursday April 19, 2018 - 05:30:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Hayadda shaqaalaha Sharmarke Geelle Halyeey Baylah Tiray Nidaamka Shaqaalaha Dawlada Iyo Mucjisada Waxqabad muga-weyn.....!!!

    Gudoomiyaha Hayadda shaqaalaha Sharmarke Geelle Halyeey Baylah Tiray Nidaamka Shaqaalaha Dawlada Iyo Mucjisada Waxqabad muga-weyn.....!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Hayadda shaqaalaha Sharmarke Geelle Halyeey Baylah Tiray Nidaamka Shaqaalaha Dawlada Iyo Mucjisada Waxqabad muga-weyn.....!!!
Wadanka kasta oo aduunka  mid ah horumarkiisu waxa uu ku xidhan yahay sida uu uga faa’iidaysto maskaxda dhalinyaradiisa iyo kobcinta garaadkooda. Markasta oo shaqaalaha la hagaajiyo mooralkooda iyo niyad samaantooda waxaa hagaagaysa oo qurux badnaanaysa shaqada ay qabanayaan.
Haddaba, sida aan la wada socon shaqaalaha dawladu waa laf dhabarta horumarka iyo  maamulka dawliga hirgalintiisa, sidaasi daraadeed, Xukuumada Somaliland iyaddoo ka duuleysaa gudashada waajibaadkeeda shaqaalaha Dawlada, waxay dhowaan samaysay Hay'ada shaqaaluhu tiro koobka shaqaalaha rasmiga ah ee Dawlada Somaliland. Barnaamijkaasoo socday muddo 70 maalmood ah waxa uu dhowaan kusoo dhamaaday guul iyo badhaadhee, iyadoo suurta galnimada hawshaasna uu lahaa Gudoomiyaha ruuxiga ah ee Hayadda shaqaalaha Dawlada Somaliland Md. sharmarke Geelle, oo Ku bixiyey qabsoomida shaqadaas culus tacab iyo Tamar badan.
Tiro koobka shaqaalaha Dawlada Waxaa uu daba socdaa shuruucda caalamiga ah iyo ta wadanka lagaga dhaqmaama, labaduba waxay dhiirigalinayaan ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo sinaantoodaba, waayo qofkasta oo shaqaale ahi waxa uu xaq u leeyahay in kor loo qaado mooralkiisa iyo musharkiisaba.
Gudoomiyaha Hayadda shaqaalaha Dawlada Somaliland Md. Sharmarke Geelle, waxa uu Dalka gaadhsiiyey, oo Ku dabakhay shuruucda iyo qawaaniintii ilaalinaysay waajibaadka iyo xuquuqda shaqaalaha dawlada  musharadkooda iyo gunadooda. Qaaciido caalamiya ayaa sheegaysa oo odhanaysa "dhamaan dadka oo dhami waa siman yihiin sharciga hortiisa, qofna kama sareeyo sharciga”. Taas macnaheedu waxay tahay inaan qofna la siinayn sadbursi dheeriya, midna aan hoos loogu dhigay xuquuqdiisa sida musharadiisa iwm.
Isku soo wada duuboo Gudoomiyaha Hayadda shaqaalaha Dawlada Somaliland Md. Sharmarke waxaa uu dajiyey, isla markaana uu hirgaliyey qorshe cad oo lagu kobcinayo tayada shaqaalaha Dawlada iyo sidoo kale in bulshada loo qabto adeegyo sugan. 
Dhimaca shaqaalaha dawlada waxaan u soo jeedinayaa inay waajibaadka shaqada qaranka kasoo baxaan, isla markaana ka dheeraadan musuqmaasuqa iyo wax kastoo ka hor imanaya Cadaalada iyo Diinteena Suban. Qodobka ugu dambeeya ee qormadeenan waxan halkan Ku hambalyeynayaa Gudoomiyaha Hayadda shaqaalaha Dawlada Somaliland Md. Sharmarke Geelle oo noqday shaqsi mucjiso ah oo sida cadceeda uga dhex muuqda Xukuumada Somaliland ee u hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured