"Ninkii Hadlayaaba Ha Iska Hadlee Heellada Inoo Tuma" Hadh Cadbuu Dhacay Heshiiskii Dhexmaray Somaliland, Itoobiya iyo Dp World, Dekedda Berberana Waxay Taladeedu ka Go'daa Madaxweynaha Iyo Maareeyaha Dekedda u Wakiishay...?

0
Thursday April 19, 2018 - 02:31:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ninkii Hadlayaaba Ha Iska Hadlee Heellada Inoo Tuma" Hadh Cadbuu Dhacay Heshiiskii Dhexmaray Somaliland, Itoobiya iyo Dp World, Dekedda Berberana Waxay Taladeedu ka Go'daa Madaxweynaha Iyo Maareeyaha Dekedda u Wakiishay...?

    "Ninkii Hadlayaaba Ha Iska Hadlee Heellada Inoo Tuma" Hadh Cadbuu Dhacay Heshiiskii Dhexmaray Somaliland, Itoobiya iyo Dp World, Dekedda Berberana Waxay Taladeedu ka Go'daa Madaxweynaha Iyo Maareeyaha Dekedda u Wakiishay...?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ninkii Hadlayaaba Ha Iska Hadlee Heellada Inoo Tuma" Hadh Cadbuu Dhacay Heshiiskii Dhexmaray Somaliland, Itoobiya iyo Dp World, Dekedda Berberana Waxay Taladeedu ka Go'daa Madaxweynaha Iyo Maareeyaha Dekedda u Wakiishay...?
Hargeysa(Xogreebnews)-Inay Somaliland guuleysatay waxaad ka garataa, waxa batay Xaasidiinteeda, oo iskugu jira kuwo cadow ah iyo sidoo kale kuwo cadow kalkaal ah. Sidaas daraadeed waxaynu in yar wax ka iftiimin doonaa noocii uu ahaa heshiiskii dhexmaray Somaliland, Itooboya iyo Dp World. Heshiiskaasoo ka dhacay Dalka isu taga Imaaraadka Carabta Magaaladda Dubai.
Goobta uu ka dhacay heshiiskaasii waxa Ku sugnaa masuuliyiin ka kala socday Dawlada Somaliland iyo Itoobiya iyo shirkada Mamusha Dekeda Berbera ee Dp World, Somaliland dhinaceeda waxa heshiiskaas u saxeexay labada masuul ee kala ah Wasiirka arimaha dibeda Somaliland Sacad Cali Shire iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Md. Siciid Xasan Cabdilahi, halka dhinaca Itoobiyana ay u saxeexen Wasiirka ganacsiga iyo Wasiirka Gaadiidka Dalkaas, dhinaca Dp World waxa u saxeexay maareeyaha ugu sareeya shirkadaas Binu Suldaan.
Hadaba Dekedda Berbera yaa mamula ayey tahay isweyndiintu, teeda kale Maxaay u riyooneysaa Somalia ileyn, kamaba talisee. Dekeda weyn ee Berbera waxa si toosa u maamusha Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah qaran madaxbanaan, sidoo kale Dekedda Berbera waxa hada wada maamula Somaliland iyo Dp world, waxana la filayaa in sanaadkan daba yaaqadiisa ay si toosa u bilaabmaan mashaariicdii dib u dhiska Dekedda Berbera iyo dhismaha Deked cusub laga garab dhisi doono tan weyn ee Berbera. Hawlahaas fulintooda iyo ku daba galka Dp world waxa Somaliland u jooga Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo ah shaqsi xula, daacadna ka ah hawlaha qaranka ui Ku meteelo. Sidaas daraadeed ma jirto cid wax yeeli kartaa heshiiskaas taarikhiga ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured