War Deg-deg ah: Wasiirada Deegaanka Iyo Haweenay Ay Isku Beel yihiin oo Wada-jir Xabsiga ugu Taxaabay Isu Duwaha Saaxil Marwo Faadumo Cali Rooble
War Deg-deg ah: Wasiirada Deegaanka Iyo Haweenay Ay Isku Beel yihiin oo Wada-jir Xabsiga ugu Taxaabay Isu Duwaha Saaxil Marwo Faadumo Cali Rooble
Hargeysa(Xogreebnews)-Wasiiradda Deegaanka iyo horumarinta reer miiga Marwo Shugri Xaaji Ismaacil Baandare iyo Haweenay ay isku hayb yihiin oo iyana madax ka ah Hayad lagu magacaabo Banha laguna magacaabo Sacda Dheere, ayaa Xabsiga u taxaabay Isu Duwaha Wasaarada horumarinta reer Miiga ee Gobolka Saaxil Marwo Faadumo Cali Rooble.
Marwo Sacda Dheer, ayaa la sheegay inay isku dhaceen isu duwaha Deegaanka Gobolka Saaxil Marwo Faadumo Cali Rooble, kadibna sida Wararku sheegeen waxay u dacwootay, Wasiirada Deegaanka oo ay isku beel yihiin, hase-yeeshe wasiirada Marwo Shugri X. Ismaacil Baandare, oo aan waxba hubsan, oo ay damqatay qadiyadda qabyaaladdu ayaa cidamada booliska gobolka Saaxil Ku amartay inay xabsiga dhigaan isu duwaheedii gobolkaas.
Isku dhaca labada Marwo Sacda Dheer Iyo isu duwe Faadumo Cali Rooble, ayaa ka timi, kadib dhir-goyn ay Sacda Dheer ka waday Gobolka Saaxil. Leave a comment |
|