Beesha (Baho Biciide) oo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweyne Muuse Biixi Ku Eedeyey Inuu Liiskii Magacaabista Agaasimayaasha Guud ka saaray Magac, kuna Bedelay mid kale iyo Baaq ay kasoo Saareen....

0
Tuesday April 10, 2018 - 06:06:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1596
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha (Baho Biciide) oo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweyne Muuse Biixi Ku Eedeyey Inuu Liiskii Magacaabista Agaasimayaasha Guud ka saaray Magac, kuna Bedelay mid kale iyo Baaq ay kasoo Saareen....

    Madaxweynaha JSL . Md Muuse Biixi Cabdi waxaanu soo jeedinaynaa Codsi ah in wax laga qabto Fara-gelinta dadka sida gaarka ugu shaqeysta Iyo gaar ahaan kuwa fuliya Wax-isdaba-marinta oo ah Dhalinyaradda Madaxtooyadda joogta. Iyadoo Madaxweynaha looga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha JSL . Md Muuse Biixi Cabdi waxaanu soo jeedinaynaa Codsi ah in wax laga qabto Fara-gelinta dadka sida gaarka ugu shaqeysta Iyo gaar ahaan kuwa fuliya Wax-isdaba-marinta oo ah Dhalinyaradda Madaxtooyadda joogta. Iyadoo Madaxweynaha looga baahnaa inuu fiirrsado inuu Agaasimahaasi ahaa kii sida wada-jirka laysla gartay iyo inuu ahaa mid sameys-ahaa oo si gaara loo bedelay.

Baaq : Beesha Faahiye Faarax (Baho Biciide) oo Canbaareynaysa Wax Isdaba-marin ka dhacday Digreetaddii ugu danbeysay ee Madaxweyne Muuse Biixi oo laga saaray Liiskii Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga Iyo Wershadaha. Eng. Mustafe Cumar , laguna Bedelay Dr Cismaan Xuseen.

Anigoo Ku Hadlayna Magacayga Gaarka Ah Iyo Kan Dhamaan Qurbe-Joogta Beesha Faahiye Faarax (Baho Biciide).Waxaan cambaareynayaa fadeexaddii ku saleysnayd . kadib markii la- is-dhaafiyey laba Magac Agaasime Guud oo ahaa kii Beesha Baho isla-garatay ee Eng Mustafe Cumar Faarax (Ina Cumar Yare) oo ahaa Gudoomiyaha ololaha Kulmiye Ee Degmadda Ceel-Afweyn. Isla-markaana Maskaxdii Iyo Abihii Guusha kulmiye ee Masuulkaba ka ahaa ama Kulmiyaha Sanaag gaar Degaanka Ceel-Afweyn. Iyadoo la ogaa in magacaabistii laysla  gartay. laakiin saacadihii ugu danbeeyey ay dhacday in mid kale oo laga dabo--geeyey kaasi oo uu Madaxweyne Muuse Biixi Qalinka iskaga duugay . isla-mar ahaantaana lagu Bedelay magacisii magac Agaasime kale oo ka tirsan isla Beesha Baho lakiin ah Qoyska Boqor Buur -Madow. Waa : Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska.


Anagoo aan ka xumeyn Magacaabista Magaca Agaasimaha kale oo Beesha ka tirsan. laakiin Waxaanu si cad u cambaareynayaa isweydaarinta labadda Magac Agaasime , waxaanu kaloo sheegaynaa in aanu dareensan-nahay in lagu ku xad gudbay Sharciga iyo Madax-banaanida Madaxweynaha anaan marna laga fileyn in faragelin sharci daro ah lagu sameeyo Agaasimihii ay Beeshu isku afgaratay. taasi oo keentay in meel looga dhacay sharafka Madaxweynaha.
Sidoo kale Waxaanu Cambareeynayaa Boqor Buur-madow Iyo Rag uu watay (Gaar ahaan Xoghayaha Madaxweynaha) iyo inta kale ee kala shaqeysayba. taasi oo aanu cidkasta u sheegayno inay Agaasimahaa Cusub ay jeebkoodda kala soo baxaeen isla markaana Qaranka Iyo Madaxweynaha ku ceeb tahay. ahna sababta keentay in lays dhaafiyo labo magac agaasime oo mid ahaa kii laysla gartay . halka kalena oo aanu ahayn ee la hoos-geliyey Madaxweynaha.  

Ugu danabyntii . Madaxweynaha JSL . Md Muuse Biixi Cabdi waxaanu soo jeedinaynaa Codsi ah in wax laga qabto Fara-gelinta dadka sida gaarka ugu shaqeysta Iyo gaar ahaan kuwa fuliya Wax-isdaba-marinta oo ah Dhalinyaradda Madaxtooyadda joogta. Iyadoo Madaxweynaha looga baahnaa inuu fiirrsado inuu Agaasimahaasi ahaa kii sida wada-jirka laysla gartay iyo inuu ahaa mid sameys-ahaa oo si gaara loo bedelay. kaasi yaab ku noqotay Bulshaddii sida guud isla garatay , sidoo kale keentay Saameyn iyo kala-qaybsanaan Beesha Guud ahaan ama Odayaashii hawshaasi sida guud uga wada tashatay.
Baaqan waxaa soo saaray odayaasha Iyo Aqoonyahanka Beesha Faahiye Faarax (Baho Biciide) ee ku kala nool Dunidda dacaladeedda.
1. Oday. Ali Nur Yusuf.

2. Prof,Yassin Jama Diriye. 

3. Eng.Yassin Aarre.

4. Dr, Cumar Suufi.

5. Eng. Siciid Mohamud Qacle.

6. Prof. Shucayb Cumar Yar.

7. Aqoonyahan, Farah MaxamedJama.
8. Abw. Nuux Cali Siciid.

9. Garyaqaan: Shucayb M Cilmi.

10. Dr. Ahmed M Cilmi.

11. Engineer Salah.

12. Aq, Sare Cali Saleban African.

13. Aq.Sare. Siciid M Jama.                                 
14. Dr. Cabdi Cali Waraaq.

15. Eng, Abdirizak M gurxan.

16. Sahra Cawil Faarax.

17. Osman Jama Diriye.

18. Yasin Cawil Farax.   

19. Muna Ali nur. 

20. Mursal Ali Nur.

21. Ismail Saleban.                                                                         
22. Roda Ahmed Cawed.

23. Ahmed Bulale.  

24. Ismacil Muse Carab.

25. AminaJama Diriye.

26. Yurub Jama Diriye.

27. Deeqa Cumar.

28. Saynab M Jamac.

29. Mohamed Saleban.

30. Khadijo m carab.

31. Maryan Mohamud.

32.   Siciid M. Wersame.

33.   Maxamud Siciid Faarax.

34.  Adan Cali Siiciid.

35.  Yuusuf Jaamac Cigaal.

36. Cibaado Faarax Cige.

37. Jama cali Fure.

38. Cabdi Axmed Dhunkaal. 

39. Sudaani Maxamed.

 By Siciid Maxamed Wersame.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured