Isbedelka Shaqsi ee Haleelay Madaxweynihii Shalay La Doortay, Ma Mid Guriga Madaxtooyadda Yaala?. Hashu maankaygii gadaye Ma Maaqaar-sarbay liqday. Qore Farxaan Cali Faarax.

0
Friday April 06, 2018 - 02:14:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1624
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbedelka Shaqsi ee Haleelay Madaxweynihii Shalay La Doortay, Ma Mid Guriga Madaxtooyadda Yaala?. Hashu maankaygii gadaye Ma Maaqaar-sarbay liqday. Qore Farxaan Cali Faarax.

    Isbedelka Shaqsi ee Haleelay Madaxweynihii Shalay La Doortay, Ma Mid Guriga Madaxtooyadda Yaala?. Hashu maankaygii gadaye Ma Maaqaar-sarbay liqday. Qore Farxaan Cali Faarax.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbedelka Shaqsi ee Haleelay Madaxweynihii Shalay La Doortay, Ma Mid Guriga Madaxtooyadda Yaala?. Hashu maankaygii gadaye Ma Maaqaar-sarbay liqday. Qore Farxaan Cali Faarax.
Hoggaamiyaha caqliga la saaxibka ahi, waa midka ka tala qaata inta waayo aragnimada iyo aqoonta lagu tuhmaayo, sidoo kale hoggaamiyaha isbedelka noloshiisa ku yimi ku ilaawa dadkii uu mahadiyey markuu banaanka joogay garbihiisana tubnaa, kumo waaro guusha, isla markaana ma awoodo inuu dariiqaas sii hayo.
Haseyeeshee ismahadinta iyo waji cusub lasoo bixista hoggaamiyihu waxay dhaxalsiisaa inuu degdeg u cimri degdego, sidoo kalena aanu yeelan tisqaad Xukun lagu badhaadho oo Cimri dhereer yeeshaa.
Sidaynu kaga dayan karno Nabi Maxamed SCW oo waxyigu ku socday, ayaa la amraayey inuu la tashado dadka ehelul caqliga ah ee  Cilmi iyo aqoon iyo waayo aragnimo la saaxibka ah, isagoo wax kaga kororsanaaya fikiradooda saliimka ah, isla markaana isku xeeraya Qamaamuurtii Asxaabada. 
Haddaba waxaa nin kastaba qaadan kari la, yahay madaxweynihii aynu dooranay oo diiday in dadkii aqoon iyo caqli wax uga kordhin lahaa inuu taladooda dhagaysto, sidoo kalena Albaabada ka xidhay, isaggoo isku xeeray caruur yaryar oo aan lahayn khibrad maamul, mid dhaqan iyo mid aqooneedba, kuwasoo ka uu arko ciddi ay ka wasteeyaan oo keliya. 
Waxyaabaha laga bartay labadii Madaxweyne ee Kulmiye iskaga kala dambeeyey waxa kamid ah inuu madaxweynuhuu qaato tallada cidda ku xeeran, hase-yeeshee waxay ku kala duwan yihiin Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweynahan hadda mudane Muuse Biixi ashkhaasta ay isku xeereen, kuwasoo kala derejo ah, isla markaana xooga xagga garaadka iyo aqoonta maamul ku kala sareeye, waxanay bulshaddu daaha ka faydaysaa in kooxihii iskaga kala dambeeyey xilligii Axmed Siilaanyo ay ka waayo aragsanaayeen dhalaankan hadda uu isku xeeray madacweynihii la doortay afar bilood uun ka horna ahaa, musharraxii ugu midnaa xagga rakaabka la kala socday ragii tartamayey.
Teeda kale in badan oo kamid bulshadii cadceeda iyo safafka dhaadheer u gashay Doorashadii Madaxweyne Muuse Biixi, waxay la yaaban yihiin amuurtan oo ay garan la yihiin waxa ku dhacay hoggaamiyihii geesiga ahaa ee ay doorteen, doodaha la xidhiidha isbedeladan is daba jooga ah ee Madaxweyne muuse iyo Siilaanyihii ka horeeyeyba haleelay  ma xanuun gurigan madaxtooyada yaala oo qofkii galaaba qaadayaa, mise waa is nasakhaad kaloo casriya. waayo waxaa la daliishanayaa madaxweyneheenu wuxuu ahaa nin waayo arag ah oo dad yaqaan nimo lagu og yahay laakiin 80% dadkan uu cugtay ee golihii wasiirada, agaasimayaasha Hay'adaha madaxa banaan maaha kuwii waayo aragnimada u lahaa ee laga filaayey, mana aha kuwii inaba ay ahayd inay maskaxda madaxweynaha kusoo dhacaan waxay u eg tahay hawshaasi, ayey qabaan dadka odorosa Siyaasaddu maankayga  gadee ma maasaar bay liqday iyo allow Riyo ka dhig.
Qore 
Farxaan Cali Faarax 
Faarax22@gmail.com.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured