Fadeexad: Maayirka Berbera oo Safar Dibeda ugu Maqan, Saxeexi-na ka Joojiyey Maayirku xigeenkiisi Iyo Xoghayaha Dawlada hoose+ Khilaaf Hor leh oo u Qarxay Masuuliyiinta & Shaqo Malmeedkii Dawlada hoose oo Gabi ahaanba Istaagtay, Shaqaalaha oo waayey Cid Siisa Mushaharkoodii....

0
Sunday March 25, 2018 - 02:49:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad: Maayirka Berbera oo Safar Dibeda ugu Maqan, Saxeexi-na ka Joojiyey Maayirku xigeenkiisi Iyo Xoghayaha Dawlada hoose+ Khilaaf Hor leh oo u Qarxay Masuuliyiinta & Shaqo Malmeedkii Dawlada hoose oo Gabi ahaanba Istaagtay, Shaqaalaha oo waayey Cid Siisa Mushaharkoodii....

    Fadeexad: Maayirka Berbera oo Safar Dibeda ugu Maqan, Saxeexi-na ka Joojiyey Maayirku xigeenkiisi Iyo Xoghayaha Dawlada hoose+ Khilaaf Hor leh oo u Qarxay Masuuliyiinta & Shaqo Malmeedkii Dawlada hoose oo Gabi ahaanba Istaagtay, Shaqaalaha oo waa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexad: Maayirka Berbera oo Safar Dibeda ugu Maqan, Saxeexi-na ka Joojiyey Maayirku xigeenkiisi Iyo Xoghayaha Dawlada hoose+ Khilaaf Hor leh oo u Qarxay Masuuliyiinta & Shaqo Malmeedkii Dawlada hoose oo Gabi ahaanba Istaagtay, Shaqaalaha oo waayey Cid Siisa Mushaharkoodii....
Berbera(Xogreebnews)-Gudoomiyaha golaha Deegaanka degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) oo muddo bil ah safar ugu dalka Hindiya, ayaa Saxeexii kasii joojiyey Maayirku xigeenkiisa iyo Xoghayaha Dawlada hoose Berbera.
Lama ogga sababta dhabta ah ee keliftay inuu Maayir cidin sii qufusho qasnada iyo Accoun-nada Banka ee Dawlada hoose, haseyeeshee warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Shabakada Wararka ee Xogreebnews, ayaa shaaca ka qaaday inay gabi-ahaanba istaagtay shaqo maalmeedkii Dawlada hoose ee berbera, isla markaana ay Shaqaaluhuu le yihiin cid siisa mushaharaadkooda iyo sidoo kale gunnooyinkii ay la haayeen.
Tallaabadani waxa kaloo ay caqabad Ku noqotay Ganacsatadii ay macaamilka lahaayeen Dawlada hoose, kuwasoo la cid siisa Daymihii ay Ku lahaayeen Dawlada hoose, kuwasoo u caddiban dhibaatada Tallaabadani gaadhsiisay ganacsigooda.
Hab-dhaqanka noocan ah, ayaa la sheegay inuu la xidhiidho khilaaf saddeex geesood ah oo u dhexeeya saddexda masuul ee ugu sareeya Dawlada hoose ee Berbera. Wararku waxay intaa raaciyeen inuu Maayir ka iyo Ku xigeenkiisa ay in muddo ahba khilaafku ka dhexeeyey, haseyeeshee, Wararka ayaa intaa Ku daraya inuu khilaafkooddu Maayir ka iyo xoghayaha dhowaan bilaabmay, isla markaana Maayir Cidin iyo Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera isku khilaafeen arrimo badan oo kala duwan, kuwasoo ay kamid yihiin Arrinka Shidaal Baadhista bariga Berbera laga samaynaayo iyo deegaanada bari berbera oo lala xidhiidhinaayo Maayirku inuu qaab qaabil u faro geliyey.
Si kastaba ah ahaatee, awood sheegashada noocan ah ee Maayir Cidin ka Berberi kula kacaay masuuliyiinta lamidka ee mansabyada qaranka kula awooda ah, ayaa gef iyo xad gudub Ku ah Xeerka Degmooyinka dalka ee 23 qodobkiisa 71aad oo sheegaya in Hadii Maayir Ku dalka ka maqan yahay ama xafiiska uu hawlaha Dawlada hoose ee goobta uu sii wadaayo MaayirKu xigeenkiisu,iyo sidoo kale Xoghayaha Dawlada hoosi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured