Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Sharmarke oo Noqday Masuul Mucjiso ah oo ay la Dhaceen qaybaha Bulshaddu Hawl-karnimadiisa Iyo Dawlada Muuse Biixi si weyn loogu Amaanayo Tiro-koobka Shaqaalaha dawlada… Masuulkani waxa uu Cagihiisa ku Tagaa Geed-walba oo lagu sheego Shaqaale Dawladeed oo kusoo Diiwaangelinayo.

0
Thursday March 22, 2018 - 04:34:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Sharmarke oo Noqday Masuul Mucjiso ah oo ay la Dhaceen qaybaha Bulshaddu Hawl-karnimadiisa Iyo Dawlada Muuse Biixi si weyn loogu Amaanayo Tiro-koobka Shaqaalaha dawlada… Masuulkani waxa uu Cagihiisa ku Tagaa Geed-walba oo lagu sheego Shaqaale Dawladeed oo kusoo Diiwaangelinayo.

    Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Sharmarke oo Noqday Masuul Mucjiso ah oo ay la Dhaceen qaybaha Bulshaddu Hawl-karnimadiisa Iyo Dawlada Muuse Biixi si weyn loogu Amaanayo Tiro-koobka Shaqaalaha dawlada… Masuulkani waxa uu Cagihiis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Sharmarke oo Noqday Masuul Mucjiso ah oo ay la Dhaceen qaybaha Bulshaddu Hawl-karnimadiisa Iyo Dawlada Muuse Biixi si weyn loogu Amaanayo Tiro-koobka Shaqaalaha dawlada… Masuulkani waxa uu Cagihiisa ku Tagaa Geed-walba oo lagu sheego Shaqaale Dawladeed oo kusoo Diiwaangelinayo.

Marka la doonayo in wax laga qoro, oo la tilmaamo shaqsiyada qof hogaamiye ah ama qof caadi ah, maba masuul si hufan oo hagar la’aan ah uga soo baxay waajibaadkii shaqo ee loo diray, waa arin aad u adag waayo shaqsiyada qofka waxa garan kara oo kaliya dadka guriga kula nool ama kuwo meel kala shaqeeyey. Hase-yeeshee waxa jira ifa-faale kaas ka duwan oo si cad diiradda u saaraya masuulka dawladeed ee waxqabadka himiladda wadaniyadeed leh.

Haddaba, si aan isaga ilaaliyo xog eex iyo nin jeclaysi ku salaysan waxaan bartilmaameed saday in aan waraysto dad badan oo kamid ahaa kuwa uu madaxda u yahay ee Hay’ada shaqaalaha dawladda ee u maamulo, kuwo shaqaale dawladeed ah oo u hagar baxay iyo hiigsigiisa nidaam dawladadeed oo ka hana-qaada Somaliland, waxan isku taxaluujiyey inaan wax badan ka oggaadda qofka uu yahay iyo culeyska masuuliyadda uu hayo intay le’eg tahay, sidoo kale daacadnimada iyo gushada waajibaadka dastuuriga ah ee dusha ka saaran Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland Md. Sharmarke Muxumed Axmed Geelle, oo ah Wiil dhalinyaro ah oo waddani dhab ah, dalkiisa iyo umaddnimadeed muujinaya guul qaran dhinac walba ah in la gaadho.

Gudoomiye Sharmarke waxa uu dhex-da u xidhay inuu saxo nidaamka shaqaalaha dawladda, kaasoo dhamaan goboladda dalka ay u qorsheysan yihiin inuu ka hirgeliyo diiwaangelinta shaqaalaha dawladda. Gobolada intooda badan hadda waa uu soo gebo-gebeeyey hawshii diiwaangelinta, waxanu hadda ku sugan yahay gobolka Togdheer, sidoo kale waxa uu usii dhaafay deegaanada degmooyinka ama gobolada hoosyimaada sida Oodweyne oo u Xalay u hoyday iyo caawa uuXaaji Saalax u joogo inuu shaqaalaha dawladda uu halkaas kusoo diiwaangeliyo. Gudoomiye sharmarke waxa uu intaa badan kaga duwan yahay madaxda kale ee dhigiisa ah, waa shaqsi karti badan oo layaab leh, waxa geed-geed ugu tagaya meel kastaa oo lagu sheego inuu joogo qof shaqaale dawladeed ah, si uu sugo cadaalada iyo nidaamka dawladnimo in aanu cidna ku jiifsan, tallaabooyinkaas waanu ku boggaadineynaa masuulkan runtii ah muraayad laga cabirikaro inay Somaliland mustaqbalka leedahay hoggaamiyaal lagu soo hirto oo daacadnimo iyo aragti wadaniyadeed leh.

Go’aan adkaantu waa calaamad kale oo dadkii aan waraysay ee la shaqeeyey Gudoomiye Sharmarke, ay iigu sifeyeen, waxay ku tilmaamen hogaamiye ku adag go’aankiisa, waliba aan la gaban inuu runta ka sheego gu’dashada waajibaadkiisa shaqo ee dastuuriga ah. Sidaas daraadeed Dadka dhinaca wanaagsan wax ka eegaa waa dad jecel wax kasta oo ay qabanayaan, isla markaasna ku kalsoon, waana dad aqbal macaanka Guusha hawlaha ay hayaan leedahay. Gudoomiye markeynu maskaxdeena ka shaqeysiino oo aynu fakirno, dedaalka uu wado, waxa mu’hiim ah inaad ku dayato inaad lamid noqoto masuulkan, hadii la helo wadaniyiin masuuliyiin dawladeed ah oo lamida masuulkan waxa hubaal ah inaynu dhakhso u qaadayno dariiqa guusha iyo qaran qaan-gaadh ah, waxa uu la yimi fikrad ama fikrado cusub isaggoo ku hawlgeliyey himilo aanu qarankani gaadhin 25-sanadood, waxana ku jirtaa alla ha ugu waddee Maskax Caafimaadka Qabta hoggaamiye.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured