Madaxweyne Muuse Biixi oo la Sheegay inuu Todobaadkan Soo Magacaabayo Koox Safiiro ah oo Somaliland Wakiil Uga Noqda Yurub iyo Africa… Xogreebnews oo Heshay Magacyada Safiiradda miiska saaran oo qaarkood hore ugu soo Fashilmeen shaqo loo Diray iyo xaga saami-qaybsiga oo dhinac ka ra'raran…

0
Thursday March 22, 2018 - 04:28:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi oo la Sheegay inuu Todobaadkan Soo Magacaabayo Koox Safiiro ah oo Somaliland Wakiil Uga Noqda Yurub iyo Africa… Xogreebnews oo Heshay Magacyada Safiiradda miiska saaran oo qaarkood hore ugu soo Fashilmeen shaqo loo Diray iyo xaga saami-qaybsiga oo dhinac ka ra'raran…

    Madaxweyne Muuse Biixi oo la Sheegay inuu Todobaadkan Soo Magacaabayo Koox Safiiro ah oo Somaliland Wakiil Uga Noqda Yurub iyo Africa… Xogreebnews oo Heshay Magacyada Safiiradda miiska saaran oo qaarkood hore ugu soo Fashilmeen shaqo loo Diray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi oo la Sheegay inuu Todobaadkan Soo Magacaabayo Koox Safiiro ah oo Somaliland Wakiil Uga Noqda Yurub iyo Africa… Xogreebnews oo Heshay Magacyada Safiiradda miiska saaran oo qaarkood hore ugu soo Fashilmeen shaqo loo Diray iyo xaga saami-qaybsiga oo dhinac ka ra'raran…

hargeysa(Xogreebnews)-Madaxweynaha Somaliland, ayaa la filaya todobaadkan soo socda inuu soo saaro magacaabista Wakiilada Somaliland u fadhiyi doona dalal kamid ah qaaradaha Yurub iyo Africa. Ma jiro War si rasmiya uga soo baxay qasriga madaxtooyadda.

Hase-yeeshee Warar lagu kalsoon yahay oo u dhow-dhow Madaxweyne Muuse Biixi oo ay heshay Shabakadda Warbaahinta Xogreebnews, ayaa shaaca ka qaaday in la diyaariyey magacaabis iyo isku bedel ilaa todoba safaaradood oo Safiiro Somaliland u fadhiyi doonaan. Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa la sheegay inay safiiradda uu magacaabaayo u badan yihiin Beesha uu kasoo jeeda ama raaskiisaba, sida lagu sheegay xogaha soo gaadhay shabakaddu.

Safiirada la magacaabi doono, ayaa kala ah sidan Safiirka Somaliland u fadhiyi doono dalka Ingiriiska, ayaa ah Safiirkii fadhiidka ahaa ee hadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Amb. Cabdifatax Siciid, oo isaggu hadda cawdiisa kasoo qaatay dalkii uu Wakiilka uga ahaa Somaliland, wararku waxay sheegeen in dalka Jabuuti uu safiir Madaxweyne Muuse Biixi uu u magacaabi doono Siyaasi kasoo jeeda Gobolka Awdal oo aanan magaciisa haynin.

Sidoo kale waxay Wararku intaa ku dareen in Madaxweyne Muuse Biixi Safiirka Somaliland u fadhiyi doona Biljim uu u magacaabayo Wasiirku xigeenkii hore ee qorsheynta Kaysar Cabdilahi, waxa kaloo ay xogguhu tibaaxeen inuu madaxweynuhuu Safiirka Somaliland u fadhiya Norweyn u magacaabi doono Safiir muddo badan kasoo shaqeeyey dalkaas, oo isaggu hore safiir usoo noqday xilligii UDUB oo aqoonyahan ah, lagua magacaabo Amb. Maxamed Aadan Lila. Waxa kale oo wararku intaa ku dareen inuu Madaxweyne Biixi safaarada Somaliland ee dalka SWEDEN u magacaabi doono safiir kasoo jeeda bariga Burco oo magaciisa lagu soo koobay Mustafe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured