Daawo Xogreeb Tv: "..Go'aano dhinac ka Rarran oo Cidna waxyeelaya cidna soo kicinaya, yaanay noqonin Go'aano ay saamayn awoodeed ku leeyihiin Cid xidhiidh adag la leh Xukuumadda". Sheekh Aadan Siiro

0
Saturday March 17, 2018 - 02:19:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Xogreeb Tv: "..Go'aano dhinac ka Rarran oo Cidna waxyeelaya cidna soo kicinaya, yaanay noqonin Go'aano ay saamayn awoodeed ku leeyihiin Cid xidhiidh adag la leh Xukuumadda". Sheekh Aadan Siiro

    Daawo Xogreeb Tv: "..Go'aano dhinac ka Rarran oo Cidna waxyeelaya cidna soo kicinaya, yaanay noqonin Go'aano ay saamayn awoodeed ku leeyihiin Cid xidhiidh adag la leh Xukuumadda". Sheekh Aadan Siiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo Xogreeb Tv: "..Go'aano dhinac ka Rarran oo Cidna waxyeelaya cidna soo kicinaya, yaanay noqonin Go'aano ay saamayn awoodeed ku leeyihiin Cid xidhiidh adag la leh Xukuumadda". Sheekh Aadan Siiro

Hargeysa (Xogreebnews) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro) oo ka mid ah Culimada reer Somaliland, ayaa khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay dhibaatooyinka ka dhasha haddii Dadku is-dulmiyaan ama Cid Masuuliyad Ummadeed haysaa Dulmi kula kacdo Dadka.

Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu khudbadda kaga hadlay dagaalka Gaaladu kula jiraan Dadka Muslimiinta ah, dagaalladaasi oo ay ka mid yihiin in la laayo Dadka Muslimiinta oo Tarankooda la yareeyo, isagoo xusay in Ururro arrimahaa fulinayaana ay Hargeysa ka shaqeeyaan.

Sheekha oo ugu horreyn Sharraxaya waxa uu Dulmigu yahay ayaa yidhi "Culimadii Diinta fahmay waxay yidhaahdeen Dulmigu waa inaad ku tasarufto xaqa Dadka kale ay leeyihiin adigoo xaq-darro ugu tasarufaya oo xaqa ka gudbaya. Marka aad doonayso inay Dulmi samayso waxaad ku tasarufaysaa Xaq Cid kale leedahay, Adigoo awood isticmaalaya, siyaasad ama Qabiil isticmaalaya.”

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay in Gaaladu qorshaysay inay la dagaalanto Taranka Dadka Muslimiinta ah, si loo yareeyo Tirada Muslimiinta "Maanta Dunidu waa 6 Bilyan iyo 7 boqol oo Milyan, kuwa Dunida haysta waxa u qorshaysan oo qoran haddii Tirada Dadku intaas dhaafto oo Dadka badh la layn-waayo inta kale ayuu Raashinku ku yaraanayaa, ILLAAHAY wuxuu yidhi Carruurtiina ha laynina idinka oo faqri ka baqaya, wixii ILLAAHAY ka hadlay 1435 Sanadood ka hor ayaa Maanta Hargeysa la inagaga fuliyey, inta NGO ah ee dhalmada la dagaalanta ee Kiniinka qaybisa ee Tababbar ku siisa in Carruurta lala dagaalamo, iyagoon qarsanayn bay Hargeysa ka jiraan. Nimanka Dunida haystaa Sharci bay ka dhigeen oo way qoreen in Dadka la laayo, laakiin waxay iswaydiiyeen yaynu laynaa, waxay yidhaahdeen waa inaynu kuwaa Muslimiinta gaagaabinaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu mar labaad ka hadlay Dulmiga "Islaamku wuu la dagaalamay Dulmiga, waxa ka mid ah inaad Dadka Diintooda Dulmido, waxa ka mid ah inaad Dadka Hantidooda dulmidu, waxa ka mid ah inaad Dadka Caqligooda Dulmidu oo aad u aragto kuwo Doqmo ah oo aan garanayn meel loo socdo.”

Sheekhu wuxuu Farriin u diray Xukuumadda "Waxaanu leenahay Caqliga, Cilmiga iyo garashada leh waar waxa socda iyo isbeddelada socda iyo Go’aammada Xukuumaddu qaadanayso aad ha looga fiirsado ee Dadka lagu dhaqayo, yaanay noqonin ku tijaabi wax ayuun baa ka soo bixiye. Xukuumadda waxaanu leenahay waar Go’aannada aad Dadka ku dhaqaysaan yaanay noqonin Go’aano dhinac ka rarran oo Cidna waxyeelaya cidna soo kicinaya, yaanay noqonin Go’aano ay saamayn awoodeed ku leeyihiin Cid xidhiidh adag la leh Xukuumadda markaa jirta isla-markaana galagalaysigoodu u socdo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey "Xaqu yaanu Xisbi kaa gelin, Xaqu yaanu Deegaan kaa gelin, Xaqu yaanu Qabiil kaa gelin, Waayo? Hadduu kaa gelo Maalinta uu leexdo ayaad la leexanaysaa, Qofku markuu wax dulmiyayo waxaad odhanaysaa waar ka daa’ waa lagu dumayaaye.”

Sheekh Aada Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu Khudbaddiisa ku sheegay "Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi Dulmiga iska ilaaliya, Dulmigana waxa ugu halisaysan Nin haya Taladii Ummadda oo aanu isagu lahayn (Taladeeda), inaad Dadka Dulmidaa waa Mugdiyo ayuu yidhi Rasuulku (CSW). Rasuulku (CSW) waxa kale oo uu yidhi iska ilaaliya Bakhaylnimada, Islaamkuna wuxuu la dagalaamay Lacag la ururriyo oo meel iskaga kaydsan oo Qof sheegto, Nidaamka dhaqaale ee Islaamku jideeyayna waa Lacagtu Dadka haku wareegto, si Dadku u wada noolaadaan.”ayuu yidhi.

Ugu dambayn, Sheekhu wuxuu ka hadlay Dilal ka dhacay Waqooyiga Hargeysa, sida Nin Gawracay Gabadh ay Ehel ahaayeen.

Sheekhu wuxuu Xukuumaddu ugu baaqay in la Qisaaso Dadka Dilka u xidhan ee Eheladu ku heshiiyeen in la Qisaaso, si ay u yaraadaan Falalka Dilka ahi.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured