Gudoomiyihii hore ee Wajaale Muj. Aadan Shiine si Adag u Difaacay Qaranimada S/land, Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasaaradaha gudaha, Hawlaha guudna ku boggaadiyey qorsheynta Wajaale iyo Horumarka dalka+ Badhasaab Ramaax oo ku Tilmaamay Inuu Yahay Halyey Gobolka Helaa Nasiib Badan yahay…

0
Wednesday March 14, 2018 - 03:11:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1953
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyihii hore ee Wajaale Muj. Aadan Shiine si Adag u Difaacay Qaranimada S/land, Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasaaradaha gudaha, Hawlaha guudna ku boggaadiyey qorsheynta Wajaale iyo Horumarka dalka+ Badhasaab Ramaax oo ku Tilmaamay Inuu Yahay Halyey Gobolka Helaa Nasiib Badan yahay…

    Gudoomiyihii hore ee Wajaale Muj. Aadan Shiine si Adag u Difaacay Qaranimada S/land, Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasaaradaha gudaha, Hawlaha guudna ku boggaadiyey qorsheynta Wajaale iyo Horumarka dalka+ Badhasaab Ramaax oo ku Tilmaamay Inuu Yahay Haly

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyihii hore ee Wajaale Muj. Aadan Shiine si Adag u Difaacay Qaranimada S/land, Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasaaradaha gudaha, Hawlaha guudna ku boggaadiyey qorsheynta Wajaale iyo Horumarka dalka+ Badhasaab Ramaax oo ku Tilmaamay Inuu Yahay Halyey Gobolka Helaa Nasiib Badan yahay…

Uk(Xogreebnews)-Gudoomiyihii hore ee Magaaladda Wajaale Muhaahid Aadan Shiine, ayaa si adag uga hadlay qaranimada Somaliland, sidoo kalena waxa uu soo dhoweeyey qorsheynta Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ka samaysay degmada Wajaale oo ku tilmaamay inay tahay Magaalo Halbowle ah oo laf-dhabar u ah ganacsiga Somaliland. Waxa kaloo uu boggaadin u diray Wasiiradda hawlaha guud iyo arrimaha gudaha oo ku tilmaamay masuuliyiin qaran durba wax u qabtay oo ay mudan yihiin in lagu amaano.

Dhinaca kale waxa uu si gaar ah u hambalyeey Maayirkii hore ee Degmada Wajaale Md. Aadan Shiine badhasaabka Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay gobolka Gabiley Mudane Maxamuud Cali Saleeban (Ramaax) oo ku tilmaamay shaqsi waxqabad iyo karti ilahay siiyey, kaasoo durba wax ka bedelay gobolka Gabiley, waxa uu Mujaahid Aadan Shiine carabka ku adkeeyey inuu Maanta Gobolka Gabiley nasiib u helay badhasaabkii-badhasaabyada oo u kalsooni buuxda ka qabo inuu gobolka gaadhsiin doono horumar dhinac walba leh.

Waxa kale oo ka hadlay Gudoomiyihii hore ee Magaalada Wajaale Mujaahid Aadan Shiine inuu la dhacsan yahay horumarka baaxada leh ee Xukuumadda cusubi ku talaabsatay, isagoo tilmaamay inuu Madaxweyne Muuse Biixi sidii ugu wanaagsanayd u waddo maamulida qaranka Somaliland, waxa uu intaa raaciyey in Somaliland Maanta heshay hoggaamiye hami iyo himiladii mudada dheer la naawileyey gaadhsiin doona. Sidaasna waxa uu Gudoomiye Aadan Shiine ku sheegay mar uu khadka Telefoonka ugu waramaayey Shabakadda Warbaahinta Xogreebnews isaggoo ku sugan carigga Ingiriiska.

Ugu horeyn Maayirkii hore ee Wajaale Mujaahid Aadan Shiine waxa digniin adag u diray Xukuumadda Somaliya, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi. "..Waa ayaan darro inay Kooxda Muqdisho fadhidaa garan waydo meesha ay ku magacaaban yihiin iyo dawlaha xududuhu ka dhexeeyan, Somaliland iyo Somaliya waa laba wadan oo deris ah oo walaalo ah, waxanay walaalnimadoodu kusii jiri kartaa waa in la isku soo duceeyo oo la iska daayo xaasidnimada iyo cawaaqib xumada indho la’aanta ah. Tan ay maalmahan wad-wadaan waa gardaro cadaan ah oo aan geedna loogu soo gaban, taas hadaanu nahay Somaliland dhiig ayaanu ka xignaa dalkayagu waa xor, nasiib wanaag xududahayagu way noo sugan yihiin dhamaantood, waxana Maanta na hoggaamiya geesigii hore u horseeday Guusha dalkayaga oo Waa Madaxweyne Muuse Biixi, markaa waxan leeyahay Nimanka reer Muqdisho waxaad naga galabsateen ee hore weli way naga sii muuqdan nabaradoodu ee Ilmaadeerayaal xusuustaas xun dib hanoogu celina oo naga daaya gardarada joogtada noqotay hadii kale walaahi Maanta dib Somaliland looga barooran maayee halkaad joogtan ayaanu idinku iman”.

Waxa kaloo uu intaa ku daray Gudoomiyihii hore ee Degmada Wajaale Mudane Aadan Shiine ".. Dekedda Berbera waa la maalgelinayaa Nin wax isla hayow car cagaha soo dhig. Waxa kale oo aan jecelahay inaan boggaadiyo sida wanaagsan ee Xukuumada Madaxweynaha qaaliga ahi hoggaamiye Mudane Muuse Biixi horumarka balaadhan ee dhinac walba leh ee durba dalka ka dhalisay. Mida koowaad ee aan madaxweyne muuse Biixi iyo Wasiirkiisa hawlaha guud aan si kal iyo lab ah ugu boggaadinayaa waa qorsheynta iyo Balanka ay ka fulisay Magaalo-ganacsiyeedda Wajaale oo ah goob halbowle u ah dhaqaalaha dalkeena, waxanan odhan karaa durba waxa fulay qorshayaal badan oo u madaxweyne Muuse Biixi ka lahaa horumarka Wajaale. Waana wax lagu farxo iyo guul umadeed saffaynada Wasaaradda hawlaha guud ka samaysay, hore in badan ayaan uga fekeray qorsheynta Wajaale, hase-yeeshee far keliyii Fool ma dhaqdo waa la ila garan waayey, balse nasiib wanaag hoggaamiyahagygii oo ah Madaxweyne Muuse Biixi ayaa hawshaas dhaqaajiyey oo guusheeda waxa iska leh isagga iyo Wasiirkiisa hawlaha guud Md. Cabdirashiid Qaambi”.

Dhinaca kale waxa uu amaanay Ex. Maayir Aadan Shiine masuuliyiin badan oo ay kamid yihiin Wasiirka arrimaha gudaha iyo badhasaabka Gobolka Gabiley "..Wasaaradda arrimaha guduhuu waa wasaarad xasaasiya, waxana Maanta hoggaamiya Wasiir Khibrad iyo waayo-aragnimo leh, waxan ku kalsoonahay Wasiirka arrimaha guduhu inuu yahay shaqsi guulo waaweyn durba gaadhsiiyey wasaaradaas, kuwo kalena insha alla gaadhsiin doona Mujaahid Maxamed Kaahin waa masuul intaa uu qof masuul xilkiisa sidii ugu wanaagsnayd u gutay. Mid kale ayaan iyaggadana jecelahay oo aan ku faraxsanahay oo u nasiib u helay gobolkaygii Gabiley waxa badhasaab looga dhigay badhasaabkii ugu wanaagsanaa waxa badhasaabyo soo maray magaalooyinka dalka, waa Ramaax waa Nin daacad ah oo si xalaal ah u guta xilkiisa. Ramaax waa Nin kalsooni badan oo aan ku daydo, waana shaqsi dawladnimada wanaagsan iyo maamuladda goboladda dhismahooda tusaale u ah. Badhasaab Ramaax waxa uu durba horumariyey muddo yar oo laba bilood ah guud ahaan Gobolka Gabiley, waxanan runtii ku amaanaya doorka uu ka ciyaaray horumarinta Magaaladda Wajaale sidii bilicdeeda iyo hab-dhismeedkeeda loo qorsheeyey ilahay ha barakeeye Badhasaab Ramaax waa astaanta horumarka Magaalooyinka dalkeena Guul banan u rajeynaya isagga iyo Madaxweynaha Qarankeena iyo guud ahaan shacabka Somaliland oo aan leeyahay isku duubnaada, Ilahayna Cadowgeena ha Jebiyo”. Sidaas ayuu yidhi Mudane Aadan Shiine Gudoomiyihii hore ee Magaaladda Wajaale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured