Gudoomiye-xigeenka Kulmiye ee Toronto oo Shacabka Somaliland ugu Baaqay inay Sameeyan Mudaharaado lagaga Soo Hor-jeedo Gar-darada Xukuumada iyo Baarlamaanka Somaliya+ Madaxweyne Muuse Biixi-na ku Boggaadiyey Hadalkii Geesimada laha ee u ku difacay dalka

0
Tuesday March 13, 2018 - 03:46:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye-xigeenka Kulmiye ee Toronto oo Shacabka Somaliland ugu Baaqay inay Sameeyan Mudaharaado lagaga Soo Hor-jeedo Gar-darada Xukuumada iyo Baarlamaanka Somaliya+ Madaxweyne Muuse Biixi-na ku Boggaadiyey Hadalkii Geesimada laha ee u ku difacay dalka

    "..Somaliland Maanta Waxay Leedahay Madaxweyne Xoriyadda qayb ka dhaliyey, oo weli-na u taagan difaaca dalkiisa.. Shacabku Waa Inuu sammeeya mudaharaadyo lagaga soo Horjeedo farogelinta Xukuumadda Xamar ee Somaliya nagu hayso.. DP World way maal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"..Somaliland Maanta Waxay Leedahay Madaxweyne Xoriyadda qayb ka dhaliyey, oo weli-na u taagan difaaca dalkiisa.. Shacabku Waa Inuu sammeeya mudaharaadyo lagaga soo Horjeedo farogelinta Xukuumadda Xamar ee Somaliya nagu hayso.. DP World way maalgelineysaa Dalkaga oo Dekedo ayey noo dhisaysa, Baarlamaanka muqdisho Dameero Ci'yey kama duwana oo Waxba nagama dhexeeyan, waxanan leeyahay Niman-yahow kala tagnee aan kala qoomama la'aanno walaalayaal". Gudoomiye Ku-xigeenka Kulmiye ee Toronto Md. Shucayb Cabdilahi Xuseen Waraysi

Toronto(Xogreebnews)-Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Toronto Md. Shucayb Cabdilahi Xuseen, ayaa si adag uu diffaacay qaranimada Somaliland iyo jiritaankeeda, sidoo kalena waxa uu gar-daro cadaan ah ku tilmaamay faro-gelinta Xukuumadda taagta daran ee Muqdisho ku daan-daansanayso Somaliland, isla markaana ay kaga xun tahay maalgashiga iyo wadada horumarka ee Xukuumadu hayso.

Waxa kaloo Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Toronto Md. Shucayb si mugleh u taageeray hadalkii Madaxweynaha Somaliland uu ku diffaacay madax-banaanida iyo maalgashiga dalka, isagoo sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi yahay geesi sumad u ah markastaa inuu difaaco dalkiisa Hooyo, Maanta-na uu Madaxweyne yahay oo aan loo baqayn Somaliland. Isagoo shacabweynaha Somaliland ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibediisa ugu baaqay inay isugu soo baxaan Banaan-baxyo lagu muujinayo qaranimada Somaliland iyo xornimada dhiiggu u daatay, si beesha caalamka iyo aduunweynuhu indhahooda ugu arkaan masiirka shacab ee dhalay Somaliland.

Dhinaca kale Gudoomiye Shucayb Cabdilahi waxa uu gaashaanka u daruuray go’aankii madhalayska ahaa ee Baarlamaanka Xukuumadda Xamar ku gardaraysteen Xukuumada Somaliland iyo Heshiiska saddex-geesoodka ah ee DP World, Somaliland iyo Itoobiya, waxa kaloo uu xasuusiyey maamulka muqdisho inay Gud-cur Gu’dayaan oo aany jirin meel ay xukuman iyo cid ay waxku leeyihiin toona, isagoo hoosta ka xariiqay inaanay shacabweynaha Somaliland u dul-qaadan doonin gar-darada cadaanka ah oo ay diffaacanayaan gooni-goosadnimada dhiiga ku timi. Sidaasna waxa uu ku Sheegay Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Toronto Md. Shucayb Cabdilahi waraysi uu siiyey uu Khadka Telefoonka ku siiyey Warbaahinta Xogreebnews.net waxanu u dhacay sidan.

"..Marka hore waxan halkan Hambalyo aan lasoo koobi-karin uga dirayaa Madaxweynaha Qaranka oo ah Geesi horena Somaliland naftiisa ugu soo huray oo laabta u dhigay Cadowgii, haatana ahba Madaxweyne oo aanan marnaa u baqayn Somaliland, aniguu ku taageersan hadalkiisii u ugu jawaabay Xukuumada Muqdisho oo beryahan dambe bilowday dagaal iyo xaasidnimo Somaliland ay ku hayso. Sidoo kale waxan ka xummahay Nimanka la ilaaliyo ee sugi kari la amniga Vila Somaliya inay ina xag-xag taan, waxanan leeyahay Somaliland waxba idin daba-fadhiisan mayso oo waa qaran jire ee Niman-yahow kala tagnee aan kala qoomama la’aanno walaalayaal”.

Sidoo kale Gudoomiye ku-xigeen Shucayb Cabdilahi waxa uu Dameero ci’yey ku tilmaamay go’aan ku sheegii qadafka ahaa ee Shalay Baarlamaanka Somaliya kasoo saareen heshiiska Dekedda Berbera iyo maalgelinteeda isagoo arrimaha ka hadlayana waxa uu yidhi, ". Nimanka Mooshin quutayaasha ah ee xag-xaganaya heshiiska dal ay kala tageen oo aan gacanba ugu jirin, waxan u arkaa qadaf iyo meel ka dhac Xaasidnimo ah oo ay kaga xun yihiin maalgashiga iyo wixii Somaliland usoo kordhaa, waa Nolol quudhi-waa umadeed oo aan geedna loogu soo gaban, mana ahaa wax uba yaala oo cidi waxka waydiineyso. DP World way maalgelineysaa dalkaga waana walaalahayo Dekedayada noo dhisaya waan diffacaynaa oo mar kale ayaanu dhiig iyo dheecanba diyaar u nahay inaanu u hurno, Baarlamaankaas muqdisho-na dameero iska ciyey waxba ma dhaaman oo cidi waxba ka waydiin mayso dhulka, Cirka iyo Badda Somaliland oo waxanu nahay dawlad iyo qaran jira oo weliba cago-adag ku taagan”.

Teeda kale mar uu gudoomiye ku-xigeenka KULMIYE ee Toronto Md. Shucayb ka hadlaayey dhinaca Dacwadaha Maamulka Somaliya kaga cabanaayo Shirkadda DP World iyo dalka Itoobiya waxa uu yidhi ". Hortaa DP World waa Shirkad ee maaha dawlad, Shirkadina meel alla iyo meeshay danaheeda ganacsi ka aragto ayey maalgashan kartaa. Sidaas daraadeed kooxda Somaliya dacwadna iyo wax kale toona waxba kuma yeela-karan. Hadii aan Itoobiya iyo darafka ay heshiiska ka tahay eegno dalka Itoobiya waa dal wax kala soo degga Dekedda Berbera ee Somaliland, waana dal iskaashi ganacsi iyo mid cilaaqaad saaxibtimo naga dhexeeyo, waxananu u baahanay in laguu kordhiyo oo la ballaadhiyo xidhiidhka saaxibtimo ee Itoobiya iyo Somaliland, taas ayaa-na keentay, runtiina may ahayn inay Somaliya ka xummaato wax noo soo kordhay ee waxay ahayd inay ku faraxdo oo ay niyad-sami ku hambalyeeyan horumarka dalkayaga”.

Gebo-gebadii waxa uu Gudoomiye Shucayb Cabdilahi fariin u diray shacab-weynaha ku abtirsada Jamhuuriyadda Somaliland oo u ugu baaqay inay meel uga soo wada-jeestan jiritaanka qaranimada mucaarid iyo mu’xaafidba, lana diffaaco dalka "shacabweynaha Somaliland waxan ku baraarujinayaa inay garab istaagan Xukuumaddeena, maanta waa Maalintii qaranimada mucaarid iyo muxaafid midkastaba dhamaanteen waxa inaggu waajib ah inaan dalkeena dhiigu usoo daa’tay xornimadiisa iyo madax-banaanidiisa difaacano taasana inoo balan ah haday tahay qurba jog iyo hadii ay tahay shacabkeena guduhuba waa maalintii aan isku aragtida ka ahayd, sidaas daraadeed xukuumadda waa in lagu garab siiya oo shacabku sammeeyan mudaharaadyo lagaga soo horjeedo farogelinta Xukuumadda Somaliya nagu hayso iyo gardarada joogtada noqotay ee nolol quudhi-waanimada wadata ee Somaliya”. Ayuu yidhi Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Laanta Tooronto Md. Shucayb Cabdilahi Xuseen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured