Waa Kuma Gudoomiyaha Wargeyska Dawlada ee Dawan M. Axmed Jaamac (Caloolay)? Waayo Aadag iyo Halgano Siyaasadeed!. Qore Cabdicasiis Bashiir Nuur.

0
Sunday March 11, 2018 - 04:22:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1453
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Gudoomiyaha Wargeyska Dawlada ee Dawan M. Axmed Jaamac (Caloolay)? Waayo Aadag iyo Halgano Siyaasadeed!. Qore Cabdicasiis Bashiir Nuur.

    halgankii Maxamed Axmed Jaamac la garab-galay hoggaamiyaha Maanta ee Somaliland, waxasi uu sidii usii wadday halgankii oloollaha oo u siffo shaqsi ugu madax-banaanaday, isaggoo wareejiyey hawshii Wargeyska, isla markaana dhinaca Siyaasadda isaggu lug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

halgankii Maxamed Axmed Jaamac la garab-galay hoggaamiyaha Maanta ee Somaliland, waxasi uu sidii usii wadday halgankii oloollaha oo u siffo shaqsi ugu madax-banaanaday, isaggoo wareejiyey hawshii Wargeyska, isla markaana dhinaca Siyaasadda isaggu lugga duwaday. Maxamed Caloolay waxa uu kamid ahaa shaqsiyaadka daacadda u ahaa ee baadi-goobka ugu jiray dariiqyada guusha Madaxweyne Biixi, isagoo habeen iyo maalin orod dheer iyo hayaan u galay dad iyo cod u keenista musharraxiisa ama madaxweynaha Maanta. Nasiib wanaag waxa guuleystay madaxweynihii uu dhisaayey iyo himiladiisii Siyaasadeed.

Ma jirto wax xarimaya qofku intaa uu nool yahay inaad wanaagiisa sheegto, waxan Maanta u Holladday inaan qaalinka u qaato oo wax-yar oo kamid ah wanaagiisana sheego intaan ka aqaano Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay). waa mid kamid ah haldoorka dhalinyaradda Somaliland, sidoo kalena waa Ruug-cadaa khibrad Saxaafadeed oo ka badan 20-sanadood leh. Waxana masuulkan dhowaan Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo u magacaabay Gudoomiyaha Wargeyska afka Dawladda Somaliland ku hadla ee DAWAN.

Gudoomiye Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) aqoonta aan u leeyahay waa mid aan ka yarayn muddo 20-kaa sanno ah, waanu wada-shaqeynay, sidoo kale waxa uu kamid yahay shaqsiyaadkii qalinka ii qabtay xilligii aan kusoo biiray Saxaafadda, iguna soo dhoweeyey. Maxamed Axmed Jaamac oo inta badan ee bulshada Somaliland, khaasatan reer Hargeysa aad u wada-yaqaaniin, waxa uu ku suffoobey qof intaa adoon wanaagsan yahay wanaagsan. Mana ahaa Gudoomiye Maxamed (Caloolay) qof qalinku koobayo oo maqaal iyo laba toona lagu soo koobi karo kartidiisa, waxtarkiisa bulsho iyo cisigga uu leeyahay.

Hase-yeeshee qormadan koowaad waxan si guud uga waramaya waayihii aan uga soo joogay, dedaalo badan oo horumarinta bulshada ah, kuwo maslaxadeed iyo kuwo Siyaasadeed intaba. Ugu horeyn Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay), waxa uu kamid yahay dhalinyaradii doorka nabadeed ka dhaliyey Magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland xilliyaddii adkayd ee dagaaladda sokeeye, sidoo kale waxa uu kamid ahaa dhalintii bilowday is-dhexgalka bulshada waqtigii Xukuumadii Marxuum Cigaal Somaliland ka talineysay ee bilowgii hore, waxa kaloo uu kamid ahaa bahdii Kubadda ee Garoonka Tima-cade daryeeli jirtay xilliyadaas. Maxamed Axmed Jaamac waxa uu caan ka ahaa waqtiyadii dhalinyaradanimadiisii xaafadaha Gol-jano, Hindiya-line-ka ilaa Eeriya shacab oo dhan.

Gudoomiye Maxamed (Caloolay) waa shaqsi nabadeed oday-timo badan, sidoo kale waa samo-talis dadka wanaagooda ka shaqeeya oo isku soo jiidda cid kastoo wax dhex-maraan, Gudoomiye Maxamed waa qof calool furan oo dadka saamaxa. Dhinaca dabeecadiisa shaqsi waa mid al-baabku u furan yahay oo aan xidh-xidhnayn, waa bulshaawi intaa qof bulshaawi yahayna kow ama laba ka ah, waa geesi hiil-badan, waa adoon neceb gefka iyo gardarada uma dul-qaato, maha qof ku xad-gudba bini-aadamka intiisa kale, waa Nin dhinaca shaqada ku wanaagsan oo aan haba-yaraatee dayacin una habran dhinaca qalinka.

Gudoomiyaha Wargeyska DAWAN oo loogu naaneyso Caloolay, waxa uu kamid ahaa dhalinyaradii ku aba’bay shaqada Saxaafadda, waxanu 2000-ka hor ka hawl-galay Wargeyska aabaha Saxaafadda Somaliland ee loo yaqaano ee Jamhuuriya, oo u muddo dheer ka shaqeynaayey ilaa 2011-kii dabayaaqadiisii. Isaggoo Saxaafadda ka tirsan Maxamed Axmed Jaamac waxa uu kamid ahaa dhalinyaradii sida weyn ugu olooleyn jirtay sidii ay Siyaasadda uga qayb-geli lahaayeen dhalinyaraddu oo xeerkii hor-taagnaa ee dhinaca da’da ka dagaalay aakhirkii ku guuleystay inuu xeerkaas Baarlamaanka Somaliland waxka bedelo, waxa uu ku suntan yahay ashkhaastii habeen iyo maalin-ba heeganka u ahaa inay Siyaasadda kusoo biiran dhalinyaradda da’doodu tahay 25-sanno iyo wixii ka weyn. Waxa uu fureyaashiisa kamid ahaa ilahayna u suuro-geliyey inay dhalinyaro badani kusoo biirto golayaasha qaranka ee deegaanada dalka oo dhan, markii xeerkaas dabarka ku ahaa dhalinyaraddu meesha ka baxay.

Dhinaca Siyaasadda Maxamed Caloolay waxa uu kusoo biiray 2002-dii markii la aas-aasay nidaamka Asxaamtuna doorashada galeen, waxanu muddo dheer kamid ahaa Xisbiga Kulmiye. Doorashadii Somaliland ka dhacday 2010-kii waxa uu guushii xilligaas ee Madaxweynihii hore ee Somaliland md. Axmed siilaanyo kursiga ku fuulay ee Kulmiye kamid ahaa dadkii bud-dhigga u ahaa ee tacabka badan geliyey. 2011-kii Maxamed Axmed Jaamac Caloolay waxa uu aas-aasay Hay’ad Warbaahineed oo kasoo fushay, isaggoo aas-aasay Wargeysyyada Mataanaha ah ee Hubaalmidai iyo sidoo kale majaladda luuqada Ingiriisada kusoo baxda ee isla Wargeyskaas. Gudoomiye Caloolay isaggoo lugna Saxaafadda kula jira lugna dhinaca Siyaasadda ayaa waxa uu kamid ahaa aas-aasayaashii Urur-siyaasadeedkii UDHIS ee ay hoggaaminayeen Halgamayaashii sharafta badnaa ee ay kamidka ahaayeen Mujaahid Ibraahin Cabdilahi Xuseen dhego-weyne, Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo mujaahidiin kale oo si weyn ugu suntanaa halgankii xoriyada dhalay ee SNM.

Markii ururkaasii ka hadhay saxada ururadda loo ogolladay inay ka qaybgalaan tartankii doorashadii golaha deegaanka, waxa uu ku biiray Urur-siyaasadeedkii DALSAN ee u hoggaaminayey Siyaasi Ismaacil-yare, ku biiristiisi Dalsan ee Maxamed Caloolay waxa uu kamid noqday dhalinyaradii isu-soo sharaxday inay kamid noqdaan golayaasha deegaanka Gobolka Maroodi-jeex degmada Hargeysa, nasiib’se uma helin Maxamed Caloolay inuu soo baxo, hase-yeeshee waxa uu keenay Cod aad u badan.

Gudoomiyaha Wargeyska DAWAN Maxamed Axmed Jaamac markii uu kufay ee waayey tartankii doorashadii uu u cararay ma noqon qof ka hadha Siyaasadda iyo himiladiisi damac Siyaasadeed, hase-ahaatee waxa uu dib ugu laabtay Xisbigiisi Kulmiye oo u kamid yahay ilaa Maanta, sidoo kale waxa xusid mudan inuu Gudoomiye Caloolay ku suntan yahay shaqsiyaadkii bud-dhigga ama halganka adag usoo galay inuu laba jeerba Guuleysto Madaxweyne Muuse Biixi, waa midda koowaadde Maxamed Axmed Jaamac waxa uu geed-dheer iyo mid-gaabanba u fuulay inuu Madaxweynaha Maanta Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu noqdo Gudoomiyaha rasmiga ah ee Xisbiga Kulmiye iyo musharaxii xisbigaas, xilligaasoo uu halgan adag ka dhex socday Xisbiga dhex-diisa. Xaraarada halgankaasi lahayd waxa uu Gudoomiye Maxamed Axmed Jaamac kala kulmay dagaalo af iyo adinba leh oo aanan jeclayn inaan doog dib u dooxo, waa’se loola dagaalamay, loona dhaawacay arriimaha Siyaasadeed ee xilligaas.

Intaasun kumma ekeyn halgankii Maxamed Axmed Jaamac la garab-galay hoggaamiyaha Maanta ee Somaliland, waxasi uu sidii usii wadday halgankii oloollaha oo u siffo shaqsi ugu madax-banaanaday, isaggoo wareejiyey hawshii Wargeyska, isla markaana dhinaca Siyaasadda isaggu lugga duwaday. Maxamed Caloolay waxa uu kamid ahaa shaqsiyaadka daacadda u ahaa ee baadi-goobka ugu jiray dariiqyada guusha Madaxweyne Biixi, isagoo habeen iyo maalin orod dheer iyo hayaan u galay dad iyo cod u keenista musharraxiisa ama madaxweynaha Maanta. Nasiib wanaag waxa guuleystay madaxweynihii uu dhisaayey iyo himiladiisii Siyaasadeed.

Gudoomiyaha Wargeyska Dawan, wallow uu maanta yahay masuul dawladeed oo u hayo xil, haddana waxan hubaa inuu weli sii ahaan doono qof dariiqa saxda ah ku taagnaada, waxanan ka filayaa inuu horumar balaadhan kusoo kordhin karo Hay’adda loo dhiibay, isagoo kaashanaya shaqsiyadiisa wanaagsan, aqoontiisa saxaafadeed iyo waayo-aragnimadiisa… La soco qaybaha dambe Hadii Alle qadaro.

W/Q

Cabdicasiis Bashiir Nuur

Chief Editor Xogreebnews.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured