Gudoomiyaha Hay'ada shaqaalaha S/land Sharmarke Geelle Masuul ay ka Go'aan tahay ka Midho-dhalinta Xogta dhabta ah ee Shaqaalaha Qarankan ka Hawl gala!.

0
Saturday March 10, 2018 - 04:18:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Hay'ada shaqaalaha S/land Sharmarke Geelle Masuul ay ka Go'aan tahay ka Midho-dhalinta Xogta dhabta ah ee Shaqaalaha Qarankan ka Hawl gala!.

    Gudoomiyaha Hay'ada shaqaalaha S/land Sharmarke Geelle Masuul ay ka Go'aan tahay ka Midho-dhalinta Xogta dhabta ah ee Shaqaalaha Qarankan ka Hawl gala!.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Hay'ada shaqaalaha S/land Sharmarke Geelle Masuul ay ka Go'aan tahay ka Midho-dhalinta Xogta dhabta ah ee Shaqaalaha Qarankan ka Hawl gala!.

Hay’adda shaqaalaha Dawlada Somaliland, ayaa mudooyinkii u dambeeyey ku hawlan dar-dar gelinta baylahda dal ahaaneed ee dhinaca shaqaalaha dawladda, waxanay si rasmiya iskugu dubo-riday mashruuca tiro koobka shaqaalaha dawladda, oo weli ka socda dalka, isla markaana gobol-gobol iyo degma kasta Hay’adda shaqaaluhuu kusoo diiwaangelinayso shaqaalaha rasmiga ah ee Dawladda. Haddaba maqaalkan waynu ku eegeynaa culuska iyo baaxadda ay leedahay shaqada Hay’adda shaqaalaha Somaliland dalka ka wado, iyo dedaaladda masuuliyadda dheeraadka ah wataa ee Gudoomiyaha hay’adaasi uu ku dardar-geliyey gudashada waajibaadka shaqo ee Hay’ada shaqaalaha oo markii hore ahayd goob fadhiid ah oo aan haba-yaraatee ku shaqeyn awoodda Dastuuriga ah ee uu dastuurku siiyey.

Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland Md. Sharmarke Muxumed Axmed Geele, oo aqoonyahan dhalinyaro ah oo ilahay u dhaliyey Karti iyo shaqo wanaag, kaasoo boodhka ka jafay baylahdii ay deriska la ahayd Hay’adani, waxanu suuro-geliyey nidaamyo casri ah oo si sugan logu diiwaangelinayo shaqaalaha dawladda Somaliland. Gudoomiye Sharmarke waxa uu waqti dheeraad ah geliyey gudashada waajibaadka qaran ee saran, waana masuul saacad walba u dabran dayac-tirka danaha qaranka.

Gudoomiye Sharmarke Geelle, waxa uu isku darsaday daacadnimo, karti shaqo iyo himilo guul u ah Qaranka Somaliland. Arrimaha aan aaminsanahay inay u suuro-geliyeen tacabka iyo tamarka Gudoomiyuhuu ku baylah tiray danaha qaranka waxan odhan karaa waa mid mucjiso ah oo aan la sharaxi Karin, wallow uu gudoomiye Sharmarke yahay Nin dhalinyaro ah, isla markaana Dhalinyaradu tahay xooga ugu fir fircoon ee ay ummad walibaa leedahay waana muraayada kaliyaa ee laga eego waxa bulsha kastaa ku danbeyso mustabalka oo hadii ay kaalintooda ku qotonto karti iyo hufnaan la saadaaliyo in masiirka ummadaa uu himilo wanagsan ku danbeyn doono maadama ay yihiin hogaanka beri.

Sidaas daraadeed mashruuca tiro-koobka shaqaalaha dawladdu waa guul lama ilaawan ah oo u ku suntan yahay Madaxweynaha Xukuumadan cusub Md. Muuse Biixi iyo sidoo kale Gudoomiyihiisa Hay’adda shaqaaluhu, waana dariiq hor leh oo la gaadhay oo ka dhinnaa Xukuumadda Somaliland. Kala siffayn iyo kala haadinta shaqaalaha dawladdu waa hillinada lagu garto dawlad qaan-gaadh noqotay, sidoo kale hoggaamiyaha firfircooni waa masuulka sida daacada ah u guta waajibaadkiisa shaqo ee goobta uu masuulka ka yahay.

Mashruucan Tayeynta shaqaalaha maha mid tiro koob keliya looga dan leeyahay, hase-yeeshee waa qorshe qaran oo tababaro lagu siinayo shaqaalaha, waana mid noqon doonna mid gudo balaadhan oo guri, goob iyo geed walba shaqaalaha qarankan ugu qoran lasoo tirin doonno tirikoob sax ahna lagu samayn doono halkaas oo la heli doonno xogta dhabta ah ee shaqaalaha qarankan ka hawl gala, wuxuu sidoo kale noqon doonnaa mashruuc ka nadiifiya dawlada shaqaalaha lacag ahaan u tirsan qaranka balse tacab ahaan aan jirin ee caaglaynta ku joogga kaalin aanay xaq u lahayn. La soco qaybaha dambe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured