Xoghaye Dawlada hoose ee Berbera oo Goor-Habeenimo ah Oloolle Nadaafadeed Gacantiisa kaga Sameeyey Xaafadaha Barwaaqo iyo Daaroole…Bulshada ku dhaqan Xaafadahaas oo si weyn Usoo Dhoweeyey Ficilka Waxqabad ee Masuul Cabdikariin Aadan Cadde.

0
Sunday March 04, 2018 - 03:48:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghaye Dawlada hoose ee Berbera oo Goor-Habeenimo ah Oloolle Nadaafadeed Gacantiisa kaga Sameeyey Xaafadaha Barwaaqo iyo Daaroole…Bulshada ku dhaqan Xaafadahaas oo si weyn Usoo Dhoweeyey Ficilka Waxqabad ee Masuul Cabdikariin Aadan Cadde.

    Xoghaye Dawlada hoose ee Berbera oo Goor-Habeenimo ah Oloolle Nadaafadeed Gacantiisa kaga Sameeyey Xaafadaha Barwaaqo iyo Daaroole…Bulshada ku dhaqan Xaafadahaas oo si weyn Usoo Dhoweeyey Ficilka Waxqabad ee Masuul Cabdikariin Aadan Cadde.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghaye Dawlada hoose ee Berbera oo Goor-Habeenimo ah Oloolle Nadaafadeed Gacantiisa kaga Sameeyey Xaafadaha Barwaaqo iyo Daaroole…Bulshada ku dhaqan Xaafadahaas oo si weyn Usoo Dhoweeyey Ficilka Waxqabad ee Masuul Cabdikariin Aadan Cadde.

Berbera(Xogreebnews)-Xoghayaha dawladda hoose ee degmada Berbera Cabdikariin Aadan Cadde iyo masuuliyiin kamid ah Agaasima waaxeedyada dawlada hoose, Engneero iyo hawlwadeenada dawlada hoose ee Magaaladda Berbera, ayaa shalay ilaa Xalay qaybo kamid ah magaalada ka waday Nadiifin iyo qashin ururin.

Dadweynaha ku nool Xaafadaha Barwaaqo iyo Daaroole, ayaa shalay gelinkii dambe ku war-helay Oloolaha nadiifinta Drainage-ka Xaafadahaas, iyadoo dadka ururinaya qashinka uu kamid ahaa xoghayaha dawladda hoose ee Degmada Berbera Cabdikariin Aadan cadde oo isaggu si toosa gacan uga geysanaya bilicda xaafadahaas. Xoghayaha ayaa ilaayo habeenimadii Axadda 4/3/2018-ka Salaadii Cishaa’i aan ka dul-dhaqaaqin hawsha nadiifinta Xaafadahaas, waxana inshaha dadweynaha xaafadda ku nool soo jiitay masuulkan sare ee gelin-dambe ilaa habeenimo aan ka rawaxin shaqada nadiifinta xaafadahaas, sidoo kale waxa uu xoghuhuu dhiiri-gelin u noqday saraakiishii kale ee la socotay oo iyagguna qayb ka ahaa hawsha oloollaha nadaafadeed ee ay waddeen.

Dadweynaha ku dhaqan xaafaddaha Barwaaqo iyo daaroole, ayaa si kal iyo laaba ula dhacay shaqada culus ee Xoghayaha iyo hawlwadeenada dawladda hoose bilaabeen gelinkii dambe, kuwasoo ka gaashaamanaayey, caafimaad xumo uu sabab qashin meel leexsan galay, maadaama oo hadda la galay xili roobaadkii

Si kastabaha ha ahaatee, hab-dhaqanka noocan oo kale ah, ayaan looga baran masuuliyiinta xilalka dawladda haysaa inay gelin dambe ama habeenimo oloolle nadaafadeed u sameeyan shacabka ay masuulka ka yihiin, kuwasoo weliba aan si toosa u samayn ficil shaqo oo lamid ah kan uu samaynaayo xoghayaha dawladda hoose ee Berbera iyo saraakiishiisa iyo hawlwadeenada dawlada hooseba. Waana tallaabo horumar leh oo lagaga dayana karo xoghaye Cabdikariin Aadan cadde oo isaggu dhexda u xidhay inuu u hagar-baxo u adeegida shacabka magaaladda uu masuulka ka yahay.

Waxa kaloo uu Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera Md. Cabdikariin Aadan Cadde mudadii uu xilka xoghayenimo ee Dawladda hoose ee Berbera hayey fuliyey adeegyo bulsho oo faro badan, waxanu ahaa shaqsi waqtigiisa inta badan u hibeeyey fadhiyida Xafiiskiisa si uu ugu adeego umadda uu xilka u hayo. Waxanu xoghaye Cabdikariin Aadan kamid ahaa dadka faro ku tiriska ah ee samo talisnimada jecel, isagoo door leexaad leh ka ciyaaray xalinta Mushkiladaha dhinaca dhulka oo ah mida ugu badan ee khilafka ka dhex dhaliya bulshada qaybaheedda kala duwan. Cabdikariin Aadan Cade waxa uu caan ku yahay dhexgelida iyo ka garnaqista mushkiladaha dhulka sidii aan soo sheegnay, waxanu hormuud u noqday inuu yaraado muranada dhulkii. Sidoo kale masuul Oday nabadeed Cabdikariin Aadan waxa uu hirgelinta arrimahaas la kaashadda Gudoomiyaha golaha deegaanka Caasimada gobolka Saaxil ee Berbera Md. Cabdishakuur Maxamud Xasan (Cidin) oo isagga laftiisu ah xubnaha waxqabadka iyo daacadnimada ku suntan iyo weliba Xildhibaanada golaha deegaanka Berbera oo ah kuwo isla jaan qaaday.

Sidoo kale, xoghaye Cabdikariin waxa uu ku suntan yahay shaqsiyad wanaagsan oo ka fog qabyaalada iyo weliba eexda, qaraabo kiilka. Waxanu safka hore kaga jiraa xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde masuuliyiinta kasoo baxay shaqadoodii ee maamulka dawladda hoose ee Berbera.

Waxa kaloo, uu xoghaye Cabdikariin baal dahab ah kaga jiraa shaqsiyaadka sida weyn uga shaqeeyey waxqabadka dawlada hoose ee berberi ku talaabsatay. Isagoo kaalin lexaad leh ku lahaa dib u dhiska Wadooyinka halbowlaha ah ee dhexmara caasimadda gobolka Saaxil





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured