Muwaadin Cabasho Ka Muujiyey In Guryihii Aabahood Cabdilaahi Nuur Dirir Ay Ka Dhaxleen Dadkii Ka Kiraystay Ay U Samaysteen Ardiyado Kale Oo Ay Kula Wareegayaan

0
Saturday March 03, 2018 - 23:12:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin Cabasho Ka Muujiyey In Guryihii Aabahood Cabdilaahi Nuur Dirir Ay Ka Dhaxleen Dadkii Ka Kiraystay Ay U Samaysteen Ardiyado Kale Oo Ay Kula Wareegayaan

    Muwaadin Cabasho Ka Muujiyey In Guryihii Aabahood Cabdilaahi Nuur Dirir Ay Ka Dhaxleen Dadkii Ka Kiraystay Ay U Samaysteen Ardiyado Kale Oo Ay Kula Wareegayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadin Cabasho Ka Muujiyey In Guryihii Aabahood Cabdilaahi Nuur Dirir Ay Ka Dhaxleen Dadkii Ka Kiraystay Ay U Samaysteen Ardiyado Kale Oo Ay Kula Wareegayaan
Hargeysa, (Xogreebnews.com  – Muwaadin Naasir Cabdilaahi Nuur Dirir ayaa cabasho xoog leh ka muujiyey in Guryo dhaxal ah oo ay lahaayeen tan iyo 1952-dii oo ku yaala Faras magaalaha Hargeysa oo ay dad kiraystayaal ahaa ay u samaysteen Mulkiyad kale, waxaanu Madaxweynaha Somaliland iyo hay’adaha Cadaalada iyo Sharciga ee dalku ay arintaasi hoos u eegaan.
Mr Naasir Cabdilaahi Nuur Dirir oo arintaasi siday u dhacday ka warbixinaya waxa uu ku bilaabay:-
"Waa saddexdaa aqal (makhsin) oo uu iska lahaa oo ah wax dhaxal ah wixii uu aabay nooga tagay, cid kalena aanay iska lahayn dadkaasina kirayteyaal ay ahaayeen. 
Siday mulkiyadaha u samaysteen, siday warqadaha Dawlada Hoose uga badaleen, isday baananka Ardiyadaha oo lambar kale sita lacago ugaga qaateen, waxyaabahaas oo dhan ayaan doonayaa inaan ka hadlo.” Ayuu yidhi Naasir Cabdilaahi Nuur Dirir.
"Guryahaa waxa iska lahaa Cabdilaahi Nuur Dirir ilaa 1952-dii, Guri walba ragan kirayste-yaasha ah ayaa mulkiyado u samaystay, waxa dhacday in guryahayaga mulkiyadoodii la dhigay oo baanan lacago lagaga amaahday. Waxaana loo samaystay warqado foojari ah, waxaan ugu baaqayaa in Madaxweyne Muuse Biixi uu arintaasi wax ka qabto iyo bahda Maxkamadaha iyo Cadaaladu ay wax ka qabtaan.
Ganacsade Rashiib Ibraahim Ciise Durdur ninka u horeeya ee naga kiraystay weeyaan, Makhsinka labaad maanta boodhkayagii ayaa ku yaala oo anaga ayaa galna balse hore waxa u galayey Oday Gaani la odhanayey oo Aluminum-ka sameeya oon ka saaray, ka sadexaadna maanta waxa gala nin Cali Xaaji la yidhaahdo, saddexdaa ninba kiraysteyaal ayay ahaayeen. 
2013-kii ayaan u imid inaan ka saaro ayaan doonay, bixitaankii odayaal bay ii soo ururiyeen in badan baanu ku jirnay bay yidhaahden, warqadiina waan hayaa aan notes-ka barigaa u dhigay waxay iyaadhdeen wakhti nasii sanad ah, sanadkii ayaan siiyey, hadana sanadkii labaad ayaa hadana odayaal la iigu soo ururiyey, hadana tii sadexaad baan idhi 2015-kii, balse  ina Ciise Durdur horta waxa dhacday inuu yidhaahdo lacag inan walaashay ah ayaan usii qadimayba maalintuu ka baxayey weeyaan, kii kalena waataan ka bixiyey oo aan anigu galay, ka sadexaad iibuu soo saartayba.
Wuxuu ku kiraystay guryahayahaga ina Ciise Durdur iyo ardiyadahayagu waxay ahaayeen iyo heshiiskii kirada ee 1997-kii.
Ardiyadihii aanu ku bixinay Guriga ugu horeeya ee Ina Durdur galayey, magacayagana Hooyaday Faadumo Daahir Muuse ayaa ku qoran dhaxalka oo anagu qaangaadh maanaan ahayn oo waxaanu ka dhaxalnay Aabahay Cabdilaahi Nuur Dirir, Hooyaa noogu qornayd. Waxa kale oo ku xigtay heshiiskii aanu la galnay inay kiraystaan Rashiid Ibraahim Ciise Durdur iyo Odaygii Gaani la odhanayey sidii uu gurigayagu uu u ahaa 598 uunbay 2013, 2014, 2015-kii Ardiyadihii ku bixinayeen gurigii oo magacii hooyona ku qoranahay lambar mulkiyad kale oo la yidhaahdo 593 sita, markii aan Dawlada Hoose ee Hargeysa soo eegay 593 waxa ku yaala nin la yidhaahdo Cabdirixiin la yidhaahdo ayaa iska leh oo sakada kale ee dhinaca kale ah. Waxa isweydiin leh markaa Mulkiyadayadii 598-ka ahayd xaguu tagay oo muxuu ardiyadaha ugu bixin waayey, wuxuu ardiyadaha ugu bixin waayey magaciisa ayuu ku qortay oo mulkiyad ayuu u samaystay oo Baananka ayuu dhigay oo uu lacago kaga amaahdaa oo ganacsiga noocaas ah ayuu watay waxayagiibuu wax ku watay.
Lambarka 593-gaa hadii imika dabagal la sameeyo oo qoraalka la raaco waxa iska leh nin Cabdirixiin Hebel la yidhaahdo, Faadumo Daahir Muuse Maba leh, warqadii dhaxalkayaga kumaba jirto nin kalaa isla leh hadaba waxa is weydiin leh Mulkiyadii 598-ku aaway oo uu mulkiyadaha kale u samaystay Ardiyadahaa been abuurka ah oo uu kiradayada ka goosanayey ayuu na siin jiray, markii hore maan fahamsanayn 2015-kii markii uu diiday inuu guryahayaga nooga baxo ayaan fahmay, waxa kale oo xigtay heshiis laba dhinac ah oo markhaatiyo leh markii ay ka bixi waayeen meesha, ee la gaadhay maalintii balanku ahayd inay ka baxaan 2015-ka ilayn waa nin ay baabanku qabsanayaan haduu ka baxee wuxuu warqad ka samaystay Maxkamada degmada uu leeyahay kirada waligeedba xagan maxkamada ayaa la keenayaa oo loo soo sameeyey.
Ma waxaad aragtay heshiis la galo oo qof lala galo oo maalinta aad ka baxaysay aad warqad u soo samaysatid.” Ayuu yidhi Naasir Cabdilaahi Nuur Dirir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured